{"id":51999,"date":"2019-09-14T11:51:28","date_gmt":"2019-09-14T11:51:28","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=51999"},"modified":"2019-09-14T12:55:42","modified_gmt":"2019-09-14T12:55:42","slug":"al-shabaab-oo-war-ka-soo-saartay-qarax-lagu-dilay-masuuliyiin-caan-ahaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2019\/09\/14\/al-shabaab-oo-war-ka-soo-saartay-qarax-lagu-dilay-masuuliyiin-caan-ahaa\/","title":{"rendered":"Al-Shabaab oo war ka soo saartay QARAX lagu dilay mas\u2019uuliyiin caan ahaa"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(Arabsiyonews):- War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay qarax xoogan oo saaka mas\u2019uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle lagula eegtay deegaanka Gololey oo dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh\/ Dhexe.<\/p>\n<p>Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxaasi oo ahaa miino ay la eegatay gaari nooca raaxada ah oo ay la soceen mas\u2019uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.<\/p>\n<p>Afhayeenka howlgallada Al-Shabaab, Cabdicasiis (Abuu Muscab) oo la hadlay Andalus ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay mas\u2019uuliyiintii bartilmaameedka ahaa, uuna u dhacay sidii loo rabay, sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>\u201cAllaah fadligii howlgalku wuxuu u dhacay sidii loo qorsheeyey, waxaana lagu dilay cadowgii bartilmaameedka ahaa\u201d ayuu yiri afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Abuu Muscab.<\/p>\n<div class=\"code-block code-block-4\">\n<div class=\"adsbyvli\" data-ad-slot=\"vi_3333420\" data-id=\"vi_3333420_2\">\n<div id=\"vi_3333420_2\" data-ad-slot=\"vi_3333420\" data-google-query-id=\"CIjuv5mt0OQCFQ8X4AodCb8Btg\">\n<div class=\"_vli_default_banner\"><span class=\"_vli_text\">Valueimpression Placeholder<\/span><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p>Ma shaacin afhayeenku khasaaraha iyo magacyada mas\u2019uuliyiinta lagu dilay qaraxaasi.<\/p>\n<p>Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online waxaa qaraxa ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Cabdulllaahi Shitaawe, wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga Hirshabelle, Sabriye Cusmaan iyo nin lagu magacaabayey Xasan Baldoos, kaas oo la shaqeynayey mid ka mid ah hay\u2019adaha Samafalka ee gobolkaasi.<\/p>\n<p>Illaa iyo hadda wax faah faahin kama soo bixin dhanka madaxda dowlad goboleedka HirShabelle oo ku aadan qaraxaasi.<\/p>\n<p>Al-Shabaab ayaa\u00a0 inta badan weeraro jidgal ah iyo qaraxyo ka fulisa waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Muqdisho Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(Arabsiyonews):- War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay qarax xoogan oo saaka mas\u2019uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle lagula eegtay deegaanka Gololey oo dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh\/ Dhexe. Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxaasi oo ahaa miino ay la eegatay gaari nooca raaxada ah oo ay la soceen mas\u2019uuliyiin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":52000,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-51999","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/09\/Qarax-1-324x160.jpg?fit=324%2C160&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-dwH","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51999","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=51999"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51999\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":52001,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51999\/revisions\/52001"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/52000"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=51999"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=51999"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=51999"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}