{"id":51869,"date":"2019-09-08T17:09:06","date_gmt":"2019-09-08T17:09:06","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=51869"},"modified":"2019-09-08T17:09:35","modified_gmt":"2019-09-08T17:09:35","slug":"maxay-tahay-dacwadda-ka-dhanka-ah-sharukh-khan-ee-loo-gudbiyay-maxkamadda-sare","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2019\/09\/08\/maxay-tahay-dacwadda-ka-dhanka-ah-sharukh-khan-ee-loo-gudbiyay-maxkamadda-sare\/","title":{"rendered":"Maxay tahay dacwadda ka dhanka ah Sharukh Khan ee loo gudbiyay maxkamadda sare?"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Maxkamadda sare ee gobolka Calcutta ayaa ku amartay jilaaga caanka ah ee shirkadda Bollywood-ka Hindiya, Shah Rukh Khan inuu diiwaan galiyo warqad dhaar ah oo uu ku caddeynayo nooca uu yahay xiriirka uu la leeyahay Mac-hadka Qorsheynta iyo maamulka ee magaalada Delhi(IIPM), sida ay shaaciyeen warbaahinta dalka Hindiya, oo ay ka mid yihiin wargeyska Hindustan Times iyo telefishinka NDTV.<\/p>\n<p>Garsoore Debangshu Basak oo ka tirsan maxkamadda ayaa dhageysanaya dacwad ay gudbiyeen labo arday oo wax ka tirsanaa machadkaas, oo horay u xiray qaar ka mid ah laamaha uu ku lahaa waddanka.<\/p>\n<p>Ardayda ayaa sheegay inay xaruntan waxbarasho uga khasaartay lacag dhan Rs 20 lakh(oo u dhiganta qiyaastii $28,000 oo doolar), qofkiiba, taasoo ay bixiyeen markii ay iska diiwaan galinayeen mac-hadka IIPM.<\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"https:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-48321239\">Maxay baryahaan si qarsoodi ah ugu kulmaan Shahrukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan?<\/a><\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"https:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-48400551\">Shah Rukh Khan oo si layaab leh oga jawaabay su&#8217;aal la weeydiiyay<\/a><\/p>\n<p>Qareenka u doodaya ardaydan, oo lagu magacaabo Debanjan Dutta ayaa Khamiistii maxkamadda sare u sheegay in madaxa caddaaladda ee ku sugan maxkamadda sare ee fadhigeedu yahay magaalada Delhi uu sanadkii 2017-kii ku dhawaaqay in mac-hadka IIPM uu yahay mid been abuur ah oo aan wax tayo ah lahayn.<\/p>\n<p>Dutta ayaa sidoo kale dalbaday inay mac-hadkaas baaritaanno ku sameyso waaxda dambi barista dalka Hindiya ee magaceeda loo soo gaabiyo CBI.<\/p>\n<p>Wuxuu qareenku intaas ku daray in labada arday ay bishii Maarso ee sanadkii 2018-kii dacwad geeyeen saldhigga booliska ee magaalada Salt Lake, laakiin aan wax baaritaan ah la sameynin.<\/p>\n<p>Bishii Nofember ee isla sanadkii 2018-kii, tallaabo kale oo ay qaadeen ayey maxkaadda sare ee Calcutta ugu gudbiyeen kiis si wadajir ah musuqmaasuq loogu eedeynayo Shah Rukh Khan, mac-hadka IIPM, ninka maalgalinta u sameeya machadkan oo lagu magacaabo Arindam Choudhuri iyo shirkadahooda kaleba.<\/p>\n<p>Waxay sheegeen inay dhammaantood galeen fal-dambiyeed meel looga dhacay aaminaadda shacabka isla markaana lagu taageeray dambiileyaal.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/DEAE\/production\/_108660075_bed53665-659d-4964-9a42-d5113c32bead.jpg?resize=696%2C392&#038;ssl=1\" alt=\".\" width=\"696\" height=\"392\" data-highest-encountered-width=\"624\" \/><span class=\"off-screen\">Lahaanshaha sawirka<\/span><span class=\"story-image-copyright\">NDTV<\/span><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Shah Rukh Khan ayaa kasoo muuqday xayeysiimo uu leeyahay IIPM<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Maadaama uu Atooraha ahaa wakiilka dhinaca ganacsiga ee mac-hadka IIPM, waxay ardaydu taliska hay&#8217;adda dambi baarista ee CBI ka dalbadeen inay baaritaan ku sameeyaan Shah Rukh Khan qudhiisa.<\/p>\n<p>Hase yeeshee, Jilaaga ayaa ku gacan seyray dhammaan eedeymahaas, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.<\/p>\n<p>Qareenka jilaaga ayaa maxkamadda u sheegay in Khan uu qaab ganacsi uun uga soo muuqday xayeysiimo uu leeyahay mac-hadka, laakiin wax sharci darro ah uusan sameynin.<\/p>\n<p>Balse garsoorka ayaa hadda doonaya in Khan uu sameeyo dhaar uu ku caddeynayo inuusan wax xiriir ah la lahayn mac-hadkaas.<\/p>\n<p>Dhaarta ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa inuu sameeyo milkiilaha IIPM, si uu u caddeeyo xiriirka kala dhaxeeya Shah Rukh Khan.<\/p>\n<p>Warqadaha dhaarta ah ayaa Jilaaga Bollywood-ka iyo milkiilaha IIPM laga rabaa inay maxkamadda ugu gudbiyaan muddo 2 isbuuc gudahood ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxkamadda sare ee gobolka Calcutta ayaa ku amartay jilaaga caanka ah ee shirkadda Bollywood-ka Hindiya, Shah Rukh Khan inuu diiwaan galiyo warqad dhaar ah oo uu ku caddeynayo nooca uu yahay xiriirka uu la leeyahay Mac-hadka Qorsheynta iyo maamulka ee magaalada Delhi(IIPM), sida ay shaaciyeen warbaahinta dalka Hindiya, oo ay ka mid yihiin wargeyska Hindustan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":51870,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,3,10,2],"tags":[],"class_list":["post-51869","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-arimaha-bulshada","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/09\/foopp.jpg?fit=660%2C371&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-duB","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51869","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=51869"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51869\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":51871,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51869\/revisions\/51871"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/51870"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=51869"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=51869"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=51869"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}