{"id":51548,"date":"2019-08-18T17:43:03","date_gmt":"2019-08-18T17:43:03","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=51548"},"modified":"2019-08-18T17:43:03","modified_gmt":"2019-08-18T17:43:03","slug":"jasiirada-dameeraha-oo-madaxweyne-trump-usheegay-war-lamafilaana","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2019\/08\/18\/jasiirada-dameeraha-oo-madaxweyne-trump-usheegay-war-lamafilaana\/","title":{"rendered":"Jasiirada Dameeraha Oo Madaxweyne Trump Usheegay War Lamafilaana"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Mas&#8217;uuliyiinta jasiiradda Greenland ayaa sheegay &#8220;inaysan iib ahayn&#8221; ka dib markii uu dhawaan madaxweyne Donald Trump sheegay in uu jeclaan lahaa in Mareykanku uu iibsado Jasiiraddaas oo ah tan ugu weyn caalamka.<\/p>\n<p>Green Land , oo dhul ahaan uu u leeyahay waddanka Denmark, ayaa ku taalla inta u dhaxeysa Waqooyiga badweynta Atlantic iyo Arctic.<\/p>\n<p>Waxaa soo baxay warar sheegaya in madaxweynaha Mareykanka uu arrinta ku saabsan iibsashada jasiiraddaas uga hadlay kulan uu la yeeshay la taliyeyaashiisa.<\/p>\n<p>Laakiin dowladda ka arrimisa Greenland ayaa gaashaanka u daruurtay fikraddaas, waxayna tiri: &#8220;Annagu ganacsi ayaan diyaar u nahay, balse diyaar uma nihin in nala iibsado&#8221;.<\/p>\n<p>Qorshaha madaxweyne Trump ayaa waxaa sidoo kale ku gacan seyray siyaasiyiinta dalka Denmark.<\/p>\n<p>&#8220;Koley hadalkaas waa mid loogu tala galay maalinta beenta ee Abriil, balse mar hore ayaaba laga soo gudbay bishaas&#8221;, sidaas waxaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray Ra&#8217;iisul wasaarihii hore ee Denmark Lars Lokke Rasmussen.<\/p>\n<ul class=\"story-body__unordered-list\">\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"https:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-42196057\">Jasiiradda \u2018Boqortooyada\u2019 dameeraha<\/a><\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"https:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-42133862\">Jasiiradda Bali ee dalka Induniisiya oo halis ugu jirta Folkaano<\/a><\/li>\n<\/ul>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/707B\/production\/_108359782_46b8080b-57c4-468b-b94b-8a52fd8e30f6.jpg?resize=696%2C392&#038;ssl=1\" alt=\".\" width=\"696\" height=\"392\" data-highest-encountered-width=\"624\" \/><span class=\"off-screen\">Lahaanshaha sawirka<\/span><span class=\"story-image-copyright\">REUTERS<\/span><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Jasiiradda Greenland waa tan ugu weyn jasiiradaha caalamka<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Wargeyska Wall Street Journal (WSJ), oo markii ugu horreysay soo tabiyay warkan ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu dhab ka yahay qorshahaas.<\/p>\n<p>Hase yeeshee, waxaa soo baxaya warar kale oo sheegaya in Madaxweyne Trump uusan ka hadlin iibsashada Greenland.<\/p>\n<p>Ra&#8217;iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen, oo xafiiska la wareegtay sanadkan gudihiisa ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan.<\/p>\n<p><strong>Mareykanku horay ma isugu dayay inuu iibsado Greenland?<\/strong><\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/10CBB\/production\/_108359786_a94227ea-652e-4066-9a9c-c449ba6e900f.jpg?resize=696%2C392&#038;ssl=1\" alt=\".\" width=\"696\" height=\"392\" data-highest-encountered-width=\"624\" \/><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Jasiiradda Greenland waxay ku taallaa inta u dhaxeysa Waqooyiga badweynta Atlantic iyo Arctic<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Arrinta ku saabsan iibsashada Greenland waxay markii ugu horreysay soo baxday sanadihii 1860-meeyadii, xilligaas oo uu mareykanka madaxweyne ka ahaa Andrew Johnson.<\/p>\n<p>Sanadkii 1867-kii, warbixin kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Greenland ay tahay dhul muhiim ah, sidoo kalena leh kheyraad badan oo dabiici ah.<\/p>\n<p>Warbixintaas ayaa lagu soo jeediyay fikradda ah in Mareykanku uu iibsado jasiiraddan istiraatiijiga ah.<\/p>\n<p>Hase ahaatee, ma jirin tallaabo rasmi ah oo la qaaday ilaa laga soo gaaray sanadkii 1946-kii, markaasoo madaxweynihii Mareykanka ee lagu magacaabi jiray Harry Truman uu Denmark ugu yaboohay $100 malyan oo doolar, si uu uga iibsado jasiiraddan.<\/p>\n<p>Horay wuxuu madaxweynahaas qudhiisa si kaftan ah u sheegay in meelo muhiim ah oo ka tirsan jasiiradda Greenland uu ku baddalan doono gobolka Alaska, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mas&#8217;uuliyiinta jasiiradda Greenland ayaa sheegay &#8220;inaysan iib ahayn&#8221; ka dib markii uu dhawaan madaxweyne Donald Trump sheegay in uu jeclaan lahaa in Mareykanku uu iibsado Jasiiraddaas oo ah tan ugu weyn caalamka. Green Land , oo dhul ahaan uu u leeyahay waddanka Denmark, ayaa ku taalla inta u dhaxeysa Waqooyiga badweynta Atlantic iyo Arctic. Waxaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-51548","post","type-post","status-publish","format-standard","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-dpq","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51548","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=51548"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51548\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":51549,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51548\/revisions\/51549"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=51548"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=51548"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=51548"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}