{"id":51344,"date":"2019-08-03T13:03:58","date_gmt":"2019-08-03T13:03:58","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=51344"},"modified":"2019-08-03T13:03:58","modified_gmt":"2019-08-03T13:03:58","slug":"trump-oo-ka-laabtay-ninkii-uu-u-xushay-agaasimaha-sirdoonka-maraykanka-sababta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2019\/08\/03\/trump-oo-ka-laabtay-ninkii-uu-u-xushay-agaasimaha-sirdoonka-maraykanka-sababta\/","title":{"rendered":"Trump Oo Ka Laabtay Ninkii Uu U Xushay Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka + [ Sababta ]"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dib ula laabtay musharraxii uu doonayay in loo anxisiyo jagada agaasimaha sirdoonka qaran ee dalkaasi, John Ratcliffe, kadib markii lagu dhaliilay in ninkaasi aanu u qalmin xilkaasi.<\/p>\n<div class=\"mh-content-ad\"><\/div>\n<p>Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu u sheegay Mr Ratcliffe in hannaanka ansixintiisa uu noqon doono \u201cmid dhib badan\u201d maadaama ay warbaahintu si xun uga hadashay mudanahaasi Congress-ka ka tirsan ee laga soo doorto gobolka Texas.<\/p>\n<figure class=\"wp-block-image\"><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-12519\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/tt.jpg?w=696&#038;ssl=1\" sizes=\"(max-width: 660px) 100vw, 660px\" srcset=\"https:\/\/www.ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/tt.jpg 660w, https:\/\/www.ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/tt-300x169.jpg 300w\" alt=\"\" \/><\/figure>\n<p>Mr Ratcliffe oo u mahadceliyay madaxweynaha ayaa sheegay inaanu dooneyn in shaqadaasi ay noqoto \u201cmid siyaasadeysan oo ay xisbiyada isku qabsadaan\u201d.<\/p>\n<p>Dadka diiddan Mr Ratcliffe ayaa ku eedeeyay inuu ka been sheegay aqoonta uu u leeyahay arimaha sirdoonka.<\/p>\n<p>Mar uu weriyayaasha kula hadlayay dibedda aqalka cad, ayaa madaxweyne Trump waxa uu sheegay in Mr Ratcliffe ay \u201cwarbaahintu si xun ula dhaqantay\u201d uuna rumaysan yahay in mudanaha uu qaatay go\u2019aan sax ah.<\/p>\n<p>Trump ayaa intaa ku daray in warbaahinta ay \u201cqeyb ka tahay hannaanka hubinta\u201d musharraxiinta, waxaana uu weriyayaashii goobta joogay ku yiri \u201cinta badan shaqo wanaagsan ayaad qabataan\u201d.<\/p>\n<p>Agaasimaha qaran ee sirdoonka ayaa waxaa magacaaba madaxweynaha, balse waxaa ansixintiisa leh golaha senate-ka.<\/p>\n<p>Jagadan ayaa la sameeyay kadib weerarradii 11-kii September 2001, waxaana uu agaasimaha madax u yahay 16-ka hay\u2019adood ee uu ka kooban yahay sirdoonka Maraykanka.<\/p>\n<p>Hawsha sirdoonka ayaa dalka Maraykanka ka ah mid aan ku xirneyn feker siyaasadeed, balse waxaa laf dhabar u ah dhexdhexaadnimada iyo u adeegidda danaha qaran.<\/p>\n<p>Tusaale ahaan, Dan Coats oo ah agaasimaha xilka wareejinaya ayaa afkaartiisa siyaasadeed waxa ay u janjeertaa dhanka xisbiga jamhuuriga, balse taasi saamayn kuma yeelan hawshiisa ka hor inta aanu xilka qaban madaxweyne Trump.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa doonayay inuu John Ratcliffe u magacaabo xilka uu banaynayo Coats, maadaama uu daacad u yahay. Hadda waxa uu raadinayaa qof cusub oo uu xilkaa u dhiibi karo, taasoo walaac ku haysa xubnaha sirdoonka Maraykanka.<\/p>\n<p>Shaqaalaha sirdoonka Maraykanka ayaa isu arka kuwa aan xogtooda cidna ugu eexan, mar kastana runta ka sheega waxa taagan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dib ula laabtay musharraxii uu doonayay in loo anxisiyo jagada agaasimaha sirdoonka qaran ee dalkaasi, John Ratcliffe, kadib markii lagu dhaliilay in ninkaasi aanu u qalmin xilkaasi. Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu u sheegay Mr Ratcliffe in hannaanka ansixintiisa uu noqon doono \u201cmid dhib badan\u201d maadaama ay warbaahintu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":6,"featured_media":51345,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-51344","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/tt.jpg?fit=660%2C371&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-dm8","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51344","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/6"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=51344"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51344\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":51346,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51344\/revisions\/51346"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/51345"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=51344"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=51344"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=51344"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}