{"id":50517,"date":"2019-06-17T17:05:55","date_gmt":"2019-06-17T17:05:55","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=50517"},"modified":"2019-06-17T17:05:55","modified_gmt":"2019-06-17T17:05:55","slug":"madaxweyne-iminka-ayey-haybaddii-qaranku-soo-noqotay-faallo-scc-kalshaale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2019\/06\/17\/madaxweyne-iminka-ayey-haybaddii-qaranku-soo-noqotay-faallo-scc-kalshaale\/","title":{"rendered":"Madaxweyne iminka ayey haybaddii Qaranku soo noqotay! Faallo. SCC. Kalshaale"},"content":{"rendered":"<h1 class=\"name post-title entry-title\"><strong style=\"font-family: Verdana, Geneva, sans-serif; font-size: 15px; color: #222222;\">Sanad iyo badh kaddib, Madaxweyne Muuse ma ku guulaystay dib u soo celinta nidaamkii Dawladnimada iyo kala-dambeyntii diciifay\u2026.<\/strong><span style=\"font-family: Verdana, Geneva, sans-serif; font-size: 15px; color: #222222;\">Faallo<\/span><\/h1>\n<div class=\"entry\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" class=\"wp-image-143933 jetpack-lazy-image jetpack-lazy-image--handled\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.gobanimonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/12.jpeg?resize=500%2C333&amp;ssl=1\" sizes=\"(max-width: 500px) 100vw, 500px\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.gobanimonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/12.jpeg?resize=500%2C333&amp;ssl=1 500w, https:\/\/i0.wp.com\/www.gobanimonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/12.jpeg?resize=90%2C60&amp;ssl=1 90w, https:\/\/i0.wp.com\/www.gobanimonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/12.jpeg?resize=300%2C200&amp;ssl=1 300w, https:\/\/i0.wp.com\/www.gobanimonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/12.jpeg?resize=768%2C512&amp;ssl=1 768w, https:\/\/i0.wp.com\/www.gobanimonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/12.jpeg?w=1080&amp;ssl=1 1080w\" alt=\"\" data-recalc-dims=\"1\" data-lazy-loaded=\"1\" \/><figcaption>Madaxweynaha 5aad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi 2017-2019<\/figcaption><\/figure>\n<p>Dad badan ayaa wali la\u00a0 qabsan\u00a0 la\u2019 amma aan fahmin hannaanka Maamul iyo hogaamineed ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyadoo sanad iyo badh ka soo wareegtay xilligii ay talada kala wareegtay Xukuumaddii hore ee Kulmiye ee uu hogaaminayey Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahayd Dawlad si weyn ugu talax-tagtay is-dhex galka haykalka Dawladnimo iyo Dadka rayidka oo si toosa isugu furmay, taasoo lumisay awooddii Maamul ee fulinta\u00a0 ahaa, kaddib markii go\u2019aamada Siyaasiga ah iyo kuwa Maamul ay door ku yeesheen qaybo kamid ah dadka caadiga ah oo siyaabo kala duwan ku soo dhex-galay xayndaabka jaan-goynta iyo fulinta qorsheyaasha\u00a0 Qaranka, iyadoo arrinkaasna loo nisbeeyo sababtiisa awooddihii madaxda oo ay qaarkood baaheen, gacantana ay ku dhigeen xubno igmanayaal ah oo samaystay jaran-jarooyin taxan ilaa hoos\u00a0 oo ay ku meel-mariyaan hindiseyaashooda ay ku alfeen doonista ka hoosaysa Madaxda ugu saraysa Dawladda ee shacabku codkooda ku doorteen, arrintaasoo abuurtay hirdan iyo habqan dhibaato ku noqday haybadii Dawladnimada iyo, dhowrsanaantii sirta iyo Siyaasadda Xukuumadda.<\/p>\n<p>Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo ka\u00a0 dheregsanayd duruufaha ay ka dhaxashay Xukuumadda hore waxa ay isbedel weyn ku samaysay habkii ay Dawladdu ula xidhiidhi jirtay shacbiga, waxaanay kala-xadaysay macaamilka muwaadiniinta iyo Xafiisyada looga adeeggo, iyadoo lagu shaqaynayo jiddeeyayaasha sharci ee qeexaya Xaqa Dawladda iyo xuquuqda\u00a0 muwaadinka, taasoo meesha ka saartay hannaankii qaraabo-kiilka iyo Qof jeclaysiga ahaa ee loogu adeegi jiray Bulshada, gaar ahaan qoondaynta mashaariicda aasaasiga ah oo ay inta badan madaxda laamaha Xukuumaddu si akhtiyaari ah oo aan lagu qorsheynin Siyaasadda Xukuumadda amma Xisbiga u maareyn jireen iyo faro-gelinta dadka aan loo igmani ku samayn jireen Siyaasadda Dawladda ee khusaysa qorsheyaasha horumarinta.<\/p>\n<p>Waxa kale oo ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse\u00a0 suulisay hab-dhaqankii Wasiirrada iyo madaxda kale ee heer Xukuumaddeed ay sida badheedhka ugu sad-burin jirreen Deegaamada ay ka soo jeedaan iyo shaqaalaysiintii qabyaaladda ahayd, waxaana dhaqan-galay dardaarankii Madaxweynuhu u jeediyey Golaha Wasiirrada ee ahaa inaanay ka qayb-gelin Shirrarka Beelaha, inay si dhex ah oo aan kala dhawaysi lahayn ugu shaqeeyaan Muwaadiniinta iyo inay Ilaaliyaan sirta Xukuumadda oo aanay dibada u bixin.<\/p>\n<p>Saddexdaa arrimood oo kamid ahaa waxyaabihii ay Dawladdii Siilaanyo burburisay, kaddibna geyeysiisay habacsanaanta iyo wada-socod la\u2019aanta.<\/p>\n<p>Qodobka kale ee ay Xukuumaddani ka takhalustay amma 80% (boqolkiiba siddeetan) yaraysa ayaa ah musuqmaasuqii xadhkaha goostay ee sida badheedhka ah loogu booby jiray Hantida Qaranka, kaasoo isugu jiray lunsi lacag dawladdeed, leexsi mashaariic caawimo ah iyo Ku-takri fal hanti ma-guurto ah oo qaabab kala duwan luf-lufi jiray.<\/p>\n<p>Inkasta oo ay dhici karto inay wali Xafiisyada Dawladda hab qarsoodi ah uga dhacaan dhacdooyin kooban oo dhaqan ahaan la xidhiidha Musuqmaasuqa amma maamul-xumo fulineed, taasoo ay mar walba\u00a0 ku gedaamantahay cabsi iyo welwel ay qabaan kuwa wax is-daba-mariya oo iminka dareensan in wax walba isbedeleen oo ay Isha Kamaraddu hayso, haddana dareenka Shacbigu wuxuu rejjo weyn ka qabaa in\u00a0 xididka loo siibay Boobkii iyo bililiqadii xad-dhaafka ahayd ee sanadihii la soo dhaafay xadhkaha goostay.<\/p>\n<p>Waxaana taa bedelkeeda iminka isweydiintu tahay amma dadku maanka ku hayaan maxaa lagu qaban doonaa Dhaqaalaha badan ee ay Dawladdu uruurisay, waana halka ay ku sal-leedahay kelmada \u201cHandaraabka\u201d oo dhinac marka laga eeggo aan ahayn Kelmed wanaagsan, haddana marka Ujeeddo-saleedkeeda lagu micneeyo ku tusaysa inay dawladdu xero adag ku hayso dhaqaalaha Dawladda ee ka yimi Cashuur-bixiyeyaasha.<\/p>\n<p>Dhinaca bixinta qandaraasyada dawliga ah oo iyaddu ah arrin dooddi ka taagantahay, ayaa marka aynu qiimayno qaabka ay Guddida Qandaraasyadu u maamusho mashaariicda loo baahan yahay in qandaraas lagu bixiyo, waxa ka muuqata in lagu soo celiyey nidaamkii Dawladnimo, waxaana hubaal ah in la yareeyey qandaraasyadii lagu bixin jiray qof jeclaysiga iyo Qaraabo-kiilka, haddii aan laba joojinba.<\/p>\n<p>Waxa kale oo iyadana isbedel weyn lagu sameeyey\u00a0 qaabkii ay Wasiirradu u gudan jireen howl-maalmeedka Xafiisyada, waxaanay Wasiirrada Xukuumadda Muuse inta badan wakhtigooda saacadaha shaqada ku qaataan Xafiisyada, halka kuwii Xukuumaddii Siilaanyo badankoodu ay wakhtiga ku lumin jireen Hudheellada waaweyn ee kharashka badan Shaaha lagu cabo, halkaasoo iyagoo koox ah ay sida dadka caadiga ah ku sheekaysan jireen, kuna qaabili jireen ashkhaas kooban oo ay danno khaas ahi ka dhexeeyaan amma hab mucaarifo iyo mid siyaasaddeed\u00a0 ka dhaxaysay.<\/p>\n<p>Hase ahaatee, kuwa Iminku sax iyo khalad midkay doonto haku noqotee, waxay badankoodu mar shaqada la soo galaan Shaqaalaha, isla wakhtina la rawaxaan, waxaanay taasi u suurto-gelisay in ay la kulmaan culays ka miisaan weyn, kii ay Xukuumaddii Siilaanyo kala kulmi jireen Xafiisyada, laakiinse taas waxa ka muhiimsan in aanay dayacmin shaqada Xafiisyada doorka kaga aaddan iyo inay qaabillaan qof kasta, mid dan guud wada iyo mid dan gaar ah wata, wallow aan la hilmaami Karin in Wasiirrada qaarkood ay Askarta ilaallada u ah ku amraan in aanay qof kasta u soo daynin ee ay dad cayiman oo ay Magacyadooda u dhibaan soo daayaan, masuuliyiinta sidaas u dhaqmana loo baahan yahay in uu jiro dariiq lagula xisaabtamaa.<\/p>\n<p>Waayo? Waxa dhici karta in Wasiirku isagoo shaxaad ka carar ah uu qof muwaadin ah oo adeeg u baahnaa wakhti xuquuqdiisa lumiyo, maxaa yeellay qof kastaaba ma gaadhi karo Wasiirka amma lama xidhiidhi karo isagoon aqoon u lahayn, shaqaalaha ka hooseeyaana uma jajab-na inay gudbiyaan\u00a0 amma tix-geliyaan cabashooyinka madaxda gaadhaya ee iyaga dhaafsiisan.<\/p>\n<p>Geesta kale oo waxa meesha ka baxay naanaysihii iyo qabiil-ku-sharfaneyaashii awooddaha dheeraadkaa yeellan jiray marka ay madaxweynaha isku deegaan yihiin iyo shakhsiyaadkii lagu xaman jiray Madaxweynaha dhegta wax ugu sheegaan iyo kooxihii loo aanayn jiray inay marba qofka ay rabaan magacaabistiisa Madaxweynaha\u00a0 liqsiiyaan, si kale haddii aan u tilmaanonna wastada ku keeni jiray Dadka xayndaabka Xukuumadda ku soo biiraya.<\/p>\n<p>Waxa kale oo ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi dardar gelisay shaqada \u00a0Hay\u2019adda War-doonka Qaranka (Sirdoonka) ee dibada iyo gudaha, waxaanay taasi Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ka caawisay inay xogoggaal u noqdaan xaalad kasta iyo xog kasta oo u fal-celin u baahan, waana muhiim shaqada xuuraanku marka sida saxda ah loo adeegsado ee aanay indhaha iyo dhegaha Boqorku sida khaldan u shaqaynin.<\/p>\n<p>Arrimahan iyo kuwo kale oo \u00a0aynaan qalin iyo qormo ku soo koobi Karin waxay ka turjumayaan amma tusaale u yihiin in Madaxweyne Biixi muddada sanadka iyo badhka ah ee uu talada hayey soo celiyey \u00a0karaamadii iyo haybaddii Dawladnimada ee kala-dambeyntii iyo nidaamka lahayd, kana takhalusay jaan-rogantii iyo isku-furankii ku dhacay Dawladnimada.<\/p>\n<p>Waxaase muhiim ah in aanay Xukuumaddiisu ku sii tiigaalin is-adkaynta ee uu mar walba barbar socdo suluxa iyo saxal-bixinta tabashooyinka dhismaha Qaranka saablaydiisa laga qabo, kuwaasoo u baahan in lagu waajaho siyaasad furfuran oo lagula xidhiidhayo dhinacyada bulshada ka soo jeeda Gobolada wax saluugsan.<\/p>\n<p>Guntii iyo gabagabada qormadan, waxaan ku soo uruurinayaa aynu aqbalno weedhii Madaxweyne Biixi xil-wareejinta ka hor kula dardaarmay taageerayaasha Xisbiga ee ahayd in aan cidna loogu sad iyo saami kordhinayn taageeradii iyo tacabkii ay gelisay in uu xisbigu kursiga Madaxtinimada ku guulaysto mar kale, waxaana iga toosin ah \u201c madaxweyne waxa muhiim ah in aad dhamaystirto cusboonaysiinta hogaanka Hay\u2019addaha fulinta ka unkama,sida Ciidamada, Garsoorka\u00a0 iyo inaad dheeli-tir ku samayso sad-bursiga\u00a0 xilalka xukuumiga ah iyo Hay\u2019addaha sare ee Qaranka\u00a0 ka muuqda, kuna sar-goyso in garoonka laga wada dhex muuqdo.<\/p>\n<p>By: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)<\/p>\n<p>Suxufi ka howlgala Warbaahinta Madaxbanaan<\/p>\n<p>Hargeysa\/ Somaliland<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sanad iyo badh kaddib, Madaxweyne Muuse ma ku guulaystay dib u soo celinta nidaamkii Dawladnimada iyo kala-dambeyntii diciifay\u2026.Faallo Madaxweynaha 5aad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi 2017-2019 Dad badan ayaa wali la\u00a0 qabsan\u00a0 la\u2019 amma aan fahmin hannaanka Maamul iyo hogaamineed ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyadoo sanad iyo badh ka soo wareegtay xilligii ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":50518,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[3,10,2],"tags":[],"class_list":["post-50517","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-arimaha-bulshada","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/biixi.jpg?fit=960%2C640&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-d8N","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50517","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=50517"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50517\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":50519,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50517\/revisions\/50519"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/50518"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=50517"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=50517"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=50517"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}