{"id":50123,"date":"2019-05-20T19:56:47","date_gmt":"2019-05-20T19:56:47","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=50123"},"modified":"2019-05-20T19:56:47","modified_gmt":"2019-05-20T19:56:47","slug":"madaxweyne-muuse-oo-la-sheegay-inuu-warbixin-khaldan-u-gudbiyey-qaadhaan-bixiyeyaasha-doorashooyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2019\/05\/20\/madaxweyne-muuse-oo-la-sheegay-inuu-warbixin-khaldan-u-gudbiyey-qaadhaan-bixiyeyaasha-doorashooyinka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Muuse oo la sheegay inuu Warbixin khaldan u gudbiyey Qaadhaan-bixiyeyaasha Doorashooyinka"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu warbixin khaldan u gudbiyey Safiirka Ingiriiska, una sheegay in laga heshiiyey khilaafka saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamanka ee ay beelaha darafyadu ka cabanayaan.<br \/>\nSidaasi waxa sheegay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde \u201cMadaxwaynuhu waxa uu safiirka UK usheegay in gobaladii Sool, iyo Awdal iyo beelihii ka cabanayay saami qaybsiga ay hada ogolaadeen in sidii hore lagu galo, waana arin laga been abuurtay goboladaa iyo beelahaa cabanayay\u201d ayuu yidhi gudoomiye Cabdiqaadir Jirde.<br \/>\nMadaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaan si rasmi ah u soo bandhigin qodobada la xidhiidha doorashooyinka ee uu kala hadlay safiirka Ingiriiska ee uu dhawaan la kulmay, waxaana la dhawrayaa dooda ay madaxtooyadu kala hortimaado dhawaaqa gudoomiye Jirde.<br \/>\nMadaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyey Xaflada 18 May, ayaa sheegay in Doorashada Baarlamanka la qaban doono Bisha November ee sanadkan, waxaanu ugu baaqay Xisbiga WADDANI inay ka qaybgalaan Doorashada.<br \/>\nMadaxweynuhu wuxuu sheegay in Doorashooyinka wixii kaga aaddanaa Xukuumaddu ay bixisay.<br \/>\n\u201cLabada doorasho ee isku sidkan ee sannadkan dabayaaqadiisa qorshaysan, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu waxa ay fuliyeen dhammaan wixii kaga soo aaday miisaaniyad iyo xeerarba. Waxa kale oo ay aqbaleen dhammaanba soo-jeedintii Axsaabta Qaranka ee ahaa \u2013 In la kordhiyo tirada Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo in Komishanka Cusub qabto doorashooyinka, waxannu aqbalnay Komishanka cusub ee la dooranayo waqtigii la dooranayey lasoo hormariyo oo bisha Siddeedaad kowdeeda la bilaabo magacaabiddooda, waxanau aqbalnay in Komishanka cusubi uu qabto doorashooyinka marka kii hore waqtigoodii dhammaado, waxannu diyaar u nahay inaannu ka qayb qaadanno oo aannu weliba tanaasul badan u samaynno wax kasta oo suurtogal ah oo ay xisbiyada mucaaridku tabanayaan si ay doorashadu inoogu qabsoonto.\u201dayuu yidhi Madaxweynuhu.<br \/>\nMadaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi \u201cSidaas darteed, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu waa u diyaar in ay doorashooyinku ku dhacaan wakhtigoodii. Waxaan ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo muujiyey xil-kasnimo iyo in uu diyaar u yahay doorashooyinka. Waxaan ugu baaqayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI in uu u soo diyaar garoobo doorashooyin ku dhaca wakhtigoodii, wax Allah iyo wixii aad naga codsateenna waannu dhammaynay, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo si gaar ah u diiddan doorashada, waxannu leenahay waxay dantu ku jirto in taageerayaashaadu kasoo qaybgalaan meelaha looga taliyo qaranka ee goleyaasha Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.\u201d.<br \/>\nMowqifka Madaxweynaha iyo caqabadaha Doorashada ku gedaaman, ayaa aad u kala fog, waxaase muuqata in cadaadis badani xukuumadda ka haysto qabashada Doorashada \u201cWaxa xaqiiqo in Dawladdaha Caalamku yidhaahdeen Doorashada Baarlamanka haddii aad qabataan waan idinla soo shaqayn karnaa, laakiinse haddii ay dib u dhacdo mooji sida xaalku noqon doono\u201d ayuu sheegay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo mar sii horaysay ka hadlayey arrimaha doorashada.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu warbixin khaldan u gudbiyey Safiirka Ingiriiska, una sheegay in laga heshiiyey khilaafka saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamanka ee ay beelaha darafyadu ka cabanayaan. Sidaasi waxa sheegay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde \u201cMadaxwaynuhu waxa uu safiirka UK usheegay in gobaladii Sool, iyo Awdal iyo beelihii ka cabanayay saami qaybsiga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":50124,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-50123","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/DRTY.png?fit=491%2C363&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-d2r","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50123","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=50123"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50123\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":50125,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50123\/revisions\/50125"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/50124"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=50123"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=50123"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=50123"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}