{"id":50001,"date":"2019-05-10T14:16:10","date_gmt":"2019-05-10T14:16:10","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=50001"},"modified":"2019-05-10T14:16:10","modified_gmt":"2019-05-10T14:16:10","slug":"madaxweynaha-somaliland-oo-tacsi-udiriy-geerida-x-cabdi-waraabe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2019\/05\/10\/madaxweynaha-somaliland-oo-tacsi-udiriy-geerida-x-cabdi-waraabe\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi Udiriy Geerida X.Cabdi Waraabe"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-family: Baskerville;\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka,\u00a0\u00a0waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee\u00a0Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe)\u00a0oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 10\/05\/2019, Magaalada Hargeysa. waxaanu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa\u00a0dhammaan tafiirta Reer Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf meel ay kala joogaanba.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-family: Baskerville;\">Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Rukun ka mida Rukamada Qaranka Somaliland ku aas-aasmay, tusaale fiicana u ahaa dhammaan hal-doorka Somaliland,\u00a0\u00a0tan iyo maalintii uu kaalin qaadayna waxa lagu yaqaanay diin jacayl dad ururin iyo daacadnimo, \u00a0wuxuuna caan ku ahaa nabadda \u00a0iyo isu keenida bulshada isagoo saaxada ku soo galay odaynimo geyiga Somaliland wada gaadhay Marxuum xaaji Cabdikariim xuseen Yuusuf, wuxu ahaa oday halgan adag u soo galay \u00a0 aas-aaska Jamhuuriyadda Somaliland wuxuuna ka mid ahaa waayeelkii tirada yaraa ee u guntaday nabadeynta iyo dawlad dhiskii qaranka, wuxuu ahaa tiir ka mida aqalka \u00a0guurtida Somaliland, wuxuuna ku suntannaa maalin iyo habeen inuu u hagar baxo geediga nabadda Somaliland, isagoo ahaa musdanbeed arrin kasta oo murugta loola noqdo, u odayeynta toosinta iyo tanaasulka siyaasiyiinta dalka, madaxdii qaranka soo hoggaamisayna uu la garab taagnaa talo iyo tusaale, waxaana lagu xasuusan doonaa samo-talis talo suuban. Ruugcadaa u soo rafaaday rumaynta qaranka Somaliland oo uu baal dahab ah ka\u00a0galay sooyaalka taariikhdiisuna ku xusnaan doonto.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-family: Baskerville;\">Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka,\u00a0waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, dhammaan reer xaaji Cabdikariin, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-family: Baskerville;\">Aamiin Aamiin Aamiin<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-family: Baskerville;\">Maxamuud Warsame Jaamac<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-family: Baskerville;\">Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.<\/span><\/p>\n<div><span style=\"font-family: Arial Unicode MS;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div>\n<div><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka,\u00a0\u00a0waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee\u00a0Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe)\u00a0oo ku geeriyootay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":50002,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-50001","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Snapshot_2325.png?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-d0t","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50001","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=50001"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50001\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":50003,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50001\/revisions\/50003"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/50002"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=50001"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=50001"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=50001"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}