{"id":49486,"date":"2019-03-30T18:31:00","date_gmt":"2019-03-30T18:31:00","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=49486"},"modified":"2019-03-30T18:31:30","modified_gmt":"2019-03-30T18:31:30","slug":"siddeebaa-olollaha-tallaalka-cudurka-dabeysha-looga-fuliyey-somaliland-gabiley-maalin-isniin-ah-oo-ku-beegnayd-25-kii-bisha-march-ayaa-wareeggii-1-aad-ee-sanadka-2019-ee-ololaha-tallaalka-cudurk","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2019\/03\/30\/siddeebaa-olollaha-tallaalka-cudurka-dabeysha-looga-fuliyey-somaliland-gabiley-maalin-isniin-ah-oo-ku-beegnayd-25-kii-bisha-march-ayaa-wareeggii-1-aad-ee-sanadka-2019-ee-ololaha-tallaalka-cudurk\/","title":{"rendered":"Siddeebaa Olollaha Tallaalka Cudurka Dabeysha looga fuliyey Somaliland ?"},"content":{"rendered":"<p>Gabiley(AN)-Maalin Isniin ah oo ku beegnayd 25-kii Bisha March, ayaa wareeggii 1-aad ee sanadka 2019 ee Ololaha Tallaalka Cudurka Dabeysha ee Carruurta Da&#8217;doodu u dhaxayso Shan sanno iyo wixii ka hooseeyaa uu ka bilaabmay guud ahaan Dalka Somaliland, kaasoo Kooxaha Tallaalka fulinaya iyo kuwa Wacyi-gelinta qaabilsani ay muddo saddex maalmooda dhex gaaf-wareegayeen gudaha Magaallooyinka iyo deegaamada ka baxsan, iyagoo Bulshada ku dhiiri-gelinayey inay Ubadka siiyaan Tallaalka ka hortaga Xannuunka Dabeysha.<\/p>\n<p>Tallaalkan oo ka kooban laba Dhibcood oo Afka laga siinayey Carruurta, ayaa lollihiisu uu socday ilaa 28-kii Bisha March, waxaana si weyn uga qayb-qaadanayey Gaadiidka Wac-gelinta oo gudbinayey farriimo Dadweynaha lagu gaadhsiinayo muhiimada Tallaalkan uu leeyahay, taasoo xoojisay hab-sami u fulinta Olollahan oo ay Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland hogaaminaysay.<\/p>\n<p>&#8220;Kooxaha Tallaalku way noo yimaadeen, gurigay noogu yimaadeen, si fiican ayaanay noogu talaalleen Carruurta, waanan ku faraxsanahay, Waalidiinta kalena waxaan ku waanin lahaa inay Carruurta talaallaan&#8221; sidaasi waxa Warbaahinta u sheegtay Khadra Ciidle oo kamida Hooyooyinka ku dhaqan Magaalada Gabiley ee Ubadkooda Talaallay maalintii uu bilaabmay Ololluhu, waxaanay intaasi ku dartay inay dareensantahay halista cudurka Dabeysha.<br \/>\nOlollahan oo laga fuliyey dalka, ayaa la soo gabagabeeyey 28-kii Bisha.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Gabiley(AN)-Maalin Isniin ah oo ku beegnayd 25-kii Bisha March, ayaa wareeggii 1-aad ee sanadka 2019 ee Ololaha Tallaalka Cudurka Dabeysha ee Carruurta Da&#8217;doodu u dhaxayso Shan sanno iyo wixii ka hooseeyaa uu ka bilaabmay guud ahaan Dalka Somaliland, kaasoo Kooxaha Tallaalka fulinaya iyo kuwa Wacyi-gelinta qaabilsani ay muddo saddex maalmooda dhex gaaf-wareegayeen gudaha Magaallooyinka iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":49487,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-49486","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Snapshot_2143.png?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-cSa","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49486","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=49486"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49486\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":49489,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49486\/revisions\/49489"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/49487"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=49486"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=49486"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=49486"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}