{"id":49350,"date":"2019-03-21T13:47:13","date_gmt":"2019-03-21T13:47:13","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=49350"},"modified":"2019-03-21T13:47:13","modified_gmt":"2019-03-21T13:47:13","slug":"baarlamaanka-iyo-xukuumadda-oo-isku-maandhaafsan-lacagta-laga-qaado-dadka-qaadanaya-taarikada-cusub-ee-gaadiidka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2019\/03\/21\/baarlamaanka-iyo-xukuumadda-oo-isku-maandhaafsan-lacagta-laga-qaado-dadka-qaadanaya-taarikada-cusub-ee-gaadiidka\/","title":{"rendered":"Baarlamaanka Iyo Xukuumadda Oo Isku Maandhaafsan Lacagta Laga Qaado Dadka Qaadanaya Taarikada Cusub Ee Gaadiidka"},"content":{"rendered":"<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b>\u201cAwood Uma Laha Baarlamaanku In Uu Laalo Shaqo Socota Laakiin, Wuxuu Awood U Leeyahay In Uu Wax Naga Waydiiyo Tacriifadda,\u201d Wasiir Cabdillaahi Abokor<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Hargeysa(Arabsiyo-News) Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkaysanaysa qaaddidda lacagta lixda boqol ee kun ah ee laga qaadayo dadka bedelanaya Taarikada kuwaas oo qaadanaya nashqada cusub ee xukuumadda madaxweyne Biixi samaysay. Baarlamaanka gaar ahaana Golaha Wakiillada oo miisaaniyadda ka reebay qaadista lacagtan ayaa si adag ugu sheegay xukuumadda in aanay lacagtaasi qaadin kadib markii ay dhawaan soo baxday in xukuumaddu qiimo dhimis u sameysay dadka qaadanaya inta u dhexeysa Maarij iyo Juun.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha wakiillada, ayaa Salaasadii kulan la qaatay wasiirka gaadiidka iyo jidadka Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan waxaanay si adag guddidu si adag ugu sheegtay wasiirka in aan la sii wadin qaadista lacagtan sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga golaha oo laga soo saaray kulanka laakiin, wasiirka oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in aanu goluhu xaq u lahayn laalidda shaqo socota.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Kulankan ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada Somaliland,oo uu guddoominayay \u00a0Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddiddaas Maxamuud Axmed Obsiiye, ayaa qoraal laga soo saaray oo lagu daabacay bogga Golaha Wakiillada lagu yidhi\u00a0<i>\u201cGuddida ayaa si adag wasiirka ugala hadashay inay joojiyaan Lacagta 600 ee kun ah ee ay qaadayaan Taarikada cusub maaddaama Goluhu hore u laalay sharcinimadeeda markii miisaaniyadda la ansixinayay, isla markaana waxay guddidu wasiirka indhaha u saartay Go\u2019aankii golaha iyo Lifaaqyadii Miisaaniyadda ku lamaanaa kuwii la laalay iyo kuwii la ansixiyey in la qaado.\u201d<\/i><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><i>Qoraalka guddidu ka soo saartay kulanka ayaa lagu sheegay in wasiir Cabdillaahi Abokor arrinta isaga riixay wasaaradda maaliyadda \u201cWasiirka ayaa Guddida u sheegay inaanay wasaaraddiisu arrintan ka warhaynin isla markaana ay guddidu wasaaradda maaliyadda kala xidhiidho arintan,\u201d\u00a0<\/i>Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka guddida ka soo baxay.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Hase ahaatee wasiirka oo wariyeyaashu markii uu kulanka ka baxay waydiiyeen sharcinimada lacagtan baarlamaanku hore u laalay ayaa sheegay in aanu Goluhu laali Karin shaqo socota :\u201cHorta shaqo lama laalo, waa shaqo weeyaan , waxaana waajibinaya xeer 56, 2013 qodobkiisa 48-aad ,markaa shaqo la laalayaa ma jirto Awood uma laha Baarlamaanku inuu laalo shaqo socota , laakiin awood wuxuu u leeyahay inuu wax naga weydiiyo tacriifadda taana waanu ka wada hadalnay.\u201dAyuu yidhi Wasiir Abokor .<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Lacagtan ayaa ah Tacriifad wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadku abuurtay una gudbisay wasaaradda maaliyadda laakiin, Goluhu ku daray tacriifado aanu ogolaan oo laga reebay miisaaniyadda 2019.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Muwaadiniinta ayay wasaaraddu u qorshaysay in ay muddo lix bilood ah si iskood ah u bedeshaan taarikada waxaanu wakhtigaasi kaga eeka bishan Maarij waxaanay wasaaraddu dhawaan shaacisay in ilaa bisha June qiimo dhimis loo sameeyay dadka aan wali bedelan mudddadaasna ay ku bedeshaan.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Arrintan ayaa hadal hayn badan ka abuurtay in wasaaraddu tacriifado waajibiso marka ay doontana qiimo dhimis u sameyso taas ayayna u muuqata in ay keentay kulanka baarlamaanku la qaatay wasiir Cabdillaahi Abokor oo u muuqda in aanu ku qancin dalabka guddida.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Qodobka sharci ee wasiirku cuskaday ayaa ku saabsan samaynta taarikada laakiin, kama hadlayo lacagta ama tacriifadda oo ah tan muranku ka taaggan yahay waxaana sida caadiga ah xalaaleeya tacriifadaha golaha wakiillada.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa \/ Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u201cAwood Uma Laha Baarlamaanku In Uu Laalo Shaqo Socota Laakiin, Wuxuu Awood U Leeyahay In Uu Wax Naga Waydiiyo Tacriifadda,\u201d Wasiir Cabdillaahi Abokor Hargeysa(Arabsiyo-News) Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkaysanaysa qaaddidda lacagta lixda boqol ee kun ah ee laga qaadayo dadka bedelanaya Taarikada kuwaas oo qaadanaya nashqada cusub ee xukuumadda madaxweyne Biixi samaysay. Baarlamaanka gaar ahaana [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":32809,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-49350","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/golaha.png?fit=210%2C210&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-cPY","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49350","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=49350"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49350\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":49351,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49350\/revisions\/49351"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/32809"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=49350"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=49350"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=49350"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}