{"id":4855,"date":"2015-01-28T13:55:23","date_gmt":"2015-01-28T13:55:23","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=4855"},"modified":"2015-01-28T13:55:23","modified_gmt":"2015-01-28T13:55:23","slug":"shir-sanadeedka-w-caafimaadka-oo-ka-furmay-laascaanood-wasiir-xaglo-toosiye-oo-iftiimiyey-siyaasiyiin-reer-sool-ka-xistiyaya-horumarka-socda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/28\/shir-sanadeedka-w-caafimaadka-oo-ka-furmay-laascaanood-wasiir-xaglo-toosiye-oo-iftiimiyey-siyaasiyiin-reer-sool-ka-xistiyaya-horumarka-socda\/","title":{"rendered":"Shir-Sanadeedka W. Caafimaadka Oo Ka Furmay Laascaanood &#038; Wasiir XAGLO-TOOSIYE Oo Iftiimiyey Siyaasiyiin Reer SOOL Ka Xistiyaya Horumarka Socda"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/51dedfb47d6f3403bf289e3290b59668_L.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-4858\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/51dedfb47d6f3403bf289e3290b59668_L-300x237.jpg?resize=300%2C237\" alt=\"51dedfb47d6f3403bf289e3290b59668_L\" width=\"300\" height=\"237\" \/><\/a>Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa shalay Magaalada Laascaanood waxa uu ka furay Shir Sannadeedkii Caafimaadka, kaas oo noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah ee wasaaraddu ku qabato gobol ka baxsan caasimadda Hargeysa.<br \/>\nShirkan Waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasime Waaxeedyada Qaybaha Wasaaradaasi ka Kooban tahay .<br \/>\nAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka xog waramay Waxqabadkii u hirgalay bahda Caafimaadka Sannadkii tagay ee 2014 iyo Qabyada jirta ee la rabo in sannadkan la dhamaystiro.<\/h2>\n<h2>Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo si rasmi ah u furay Shir sannadeedkaas ayaa ugu horayn sheegay inuu ku faraxsan yahay in Markii kowaad ay shir miisaankan oo kale leh ku qabtaan Xarunta Gobolka Sool ee Magaalada Laascaanood.<\/h2>\n<h2>Wasiirku waxa uu is dul taagay nuxurka ay Shirkan ka leeyihiin \u201cShirkan waxaan rabaa in madaxdu ay ku soo saarto qorshaha iyo hadafyada aynu rabno in aynu gaadhno si aynu u dhamaystirno Wixii himilo ah ee inoo qorshaysan, Sannadkii hore wixii inaga qabyoobay waa inaad miiska soo saartaan si aynu u qabyo tirno\u201d.<br \/>\nMarkaas kadib Waxa uu Wasiirka Caafimaadka iyo madaxda Wehelinaysay ay Kormeer ku soo sameeyeen Xarunta Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Sool iyo qaybaha kala duwan ee Cisbitaalka Guud ee Magaalada Laascaanood isagoo soo indho indheeyay Xaaladda Cisbitaalka iyo bukaan jiifka yaalla waxaanu warbixin ka dhagaystay Guddida horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Sool.<br \/>\nDr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo halkaasi ka hadlay ayaa iftiimiyay isbedelka Cisbitaalka Laascaanood ku yimid mudadii uu xilka hayay \u201cRuntii Maalintii Wasaaradan la ii dhiibay Dhakhtarkani Wuu xidhnaa Wasiirkii Xilka igu wareejiyay Xil wareejintiisii ayay ka mid ahayd dhakhtarka Laascaanood iyo ka Ceerigaabo inay xidhan yihiin, Safarkii ugu horeeyay ee aan ku imidna qashin baa tuulnaa waxaa maanta ii farxad inuu furan yahay oo shaqaynayo oo dadku jiifaan dhismayaashuna ku soo kordheen, Safarkii u horeeyay ee aan imid waxaa la igu lahaa Dhakhtarka noo fur, maantana hadaad leedihiin dhakhtar qalliin ayaanu u baahanahay waa alxamdulilaah\u201d.<br \/>\nWasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi \u201cHorumarku maalin kuma yimaaddo maadama cisbitaalka dhawaan la furay wakhti ayay qaadanaysaa sidii waxa ka dhiman loo buuxiyo, mudadii sannadka iyo badhka ahayd ee aan joogay wasaaradda waxyaabaha kale ee aan qabtay waxaa ka mid ah Iskuulka Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka ee Gobolka Sool oo lacag Saddex boqol oo Kun oo dollar ku dhow dhow ay gashay anaa dhagax dhigay oo dhisay isla markaana furay waa dhisme dhaxal gal ah oo soo saari doona kal kaaliyeyaasha caafimaadka ee dalka guud ahaan iyo gobolka Soolba u baahnaa\u201d.<br \/>\nWasiirka Caafimaadku waxa uu tilmaamay Mashaariic door ah oo uu ka hirgaliyay Gobolka Sool isagoo fulinaya balanqaadkii Madaxweynaha waxaanu yidhi \u201c Meesha la yidhaahdo Kala baydh, Xudun iyo Awr boogays hay\u2019ad UNFPA la yidhaahdo Ayaan ku soo xidhay oo qalabka iyo daawadana bixisa isla markaana Mid walba oo ka mid ah Saddexdaas Xarumood Shaqaalaha ka hawlgala siisa Guno fiican\u201d .<br \/>\nWasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye waxa uu ka hadlay dad dano siyaasadeed leh oo Madaxweynaha hortiisa ka sheegay in caafimaad aanu jirin \u201cArrintaas dhacday waxay ahayd qorshe la soo abaabulay oo Siyaasadaysan, Waxay ka u malaynayeen in Madaxweynuhu aanu ka warqabin xaaladda caafimad ee dalka waa Nasiib daro, laakiinse waan fahamsanahay anigu, waxaa jira dad la dagaalama oo aan jeclayn in Gobolka wax loo qabto, Weliba waa siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Sool, Kuwaas oo la dagaalamaya qofkii raba inuu wax ka qabto, Waxaan idiin caddaynayaa in Shakhsi ahaan aanan u joojinayn dadka noocaas u fikiraya, Wixii aan qaban karana waan qabanayaa<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa shalay Magaalada Laascaanood waxa uu ka furay Shir Sannadeedkii Caafimaadka, kaas oo noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah ee wasaaraddu ku qabato gobol ka baxsan caasimadda Hargeysa. Shirkan Waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasime Waaxeedyada Qaybaha Wasaaradaasi ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4858,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4855","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1gj","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4855","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4855"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4855\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4855"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4855"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4855"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}