{"id":48419,"date":"2019-01-31T17:26:14","date_gmt":"2019-01-31T17:26:14","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=48419"},"modified":"2019-01-31T17:26:14","modified_gmt":"2019-01-31T17:26:14","slug":"somaliland-wasaaradda-diinta-hawlgal-aan-hore-loo-arag-bilawday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2019\/01\/31\/somaliland-wasaaradda-diinta-hawlgal-aan-hore-loo-arag-bilawday\/","title":{"rendered":"Somaliland: Wasaaradda Diinta Hawlgal aan hore loo arag bilawday"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa, January 31, 2019 (Arabsiyonews) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa bilawday hawlgal aan hore noociisa looga qaban Somaliland muddadii ay jirtay, ka dib markii ay bilawday inay diiwaangeliso madarasadaha diiniga ah ee dalka ka jira, kuwaasi oo caruurta lagu baro qur\u2019aanka iyo diinta iyo waliba jimciyadaha khayriga ah ee ka shaqeeya arrimaha ku tacaluqa dhinaca diinta.<\/p>\n<p>Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Aden C\/laahi Cabdalla ayaa sheegay inay hawshani bilaabeen todobaadkii hore, isla markaana ay ilaa hadda diiwaangeliyeen in ka badan 150 Maddaariis iyo Jimciyado ay ku midoobeen ah kuwaasi oo buuxiyey shuruudo ay Wasaaraddu u dhigtay.<\/p>\n<p>\u201cSharaf bay noo tahay Wasaarad ahaan ee diiwaangelinta inaad noqotaan dufcaddii u horreysay, una hoggaansantaan soo jeedintii wasaaradda, isla markaana nala fahantaan hawshan ujeeddada aannu u leenahay, aad baanan idiinkaga mahadnaqayaa dhammaantiin, waayo waa waajib dastuuri ah oo inna wada saaran. Dastuuri markaan leeyahay, dastuurkeennu wuxuu inna farayaa barashada diinta islaamku inay tahay mid waajib ah. Markaa, maaddaama oo aanay ka hor-imanayn Shareecada Dastuurkeennu ee uu xoojinayo barashada Qur\u2019aan oo wasaaraddu diiwaangeliso oo kormeerto, xag markaynu ka eegno waa arrin Illaahay raalli ka yahay, waana arrin dastuuri ah.\u201d Ayuu yidhi Agaasime Cabdillaahi.<\/p>\n<p>Agaasimaha guud oo ka waramaya ujeedada ka dambaysa diiwaangelintani waxa uu yidhi; \u201cMaaddaama oo ay Wasaaradda diinta iyo awqaaftu u igmantay arrinka diinta iyo Qur\u2019aanka. Diiwaangelinta ujeeddada ugu weyn ee aannu ka leenahay waxa weeye 1- in la helo xogta maddaariska diiniga ah. 2- in la gaadho mustaqbalka manhaj mideeya maddaariista oo idinka idinka yimaadda. Maaha mid annaga naga yimaadda ee mid idinka idinka yimaadda oo aad raalli ku tihiin, taasna laguma gaadhi karo diiwaangelin la\u2019aan. Aad baan idiinkaga mahadnaqayaa inaad tihiin Maddaariskii ugu horreeyey ee is-diiwaangeliya.\u201d<\/p>\n<p>Xubno ka tirsan Maamulayaasha Maddarasadaha kala duwan ee la diiwaangeliyey iyo kuwa isla maanta oo qaar aannu wax ka weydiinnay siday u arkaan diiwaangelintan ay safka ugu jireen, qaarna shahaadooyinka-ba qaadanayeen, waxaanay ku tilmaameen tallaabo wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland dhinaca horumarka u qaadday, tahayna mid muhiim u ah Maddarasadaha, bulshada ay diinta barayaan iyo dowladda-ba, waxaanay u mahad-celiyeen masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada wasaaradda Diinta.<\/p>\n<p>\u201cHadday wasaaraddu dareentay oo go\u2019aansatay maanta inay maddarasadaha isku xidho oo ay tayadooda kor u soo qaaddo, tiradoodana ogaato. Waxaannu rejaynaynaa in diiwaangelintan iyo go\u2019aankan wasaaraddu wax badan ku soo kordhin doono tayada maddarasadaha, macallimiinta iyo maamulayaashooda-ba, waayo, waxa wax wayn innoo tari kara laba tabobbar oo ay sannadkii wasaaraddu inna siiso oo aynaan markii hore hayn iyo wixii kale ee ay tayada kor ugu qaadayso, waanan soo dhawaynaynaa diiwaangelintan.\u201d Sidaa waxa yidhi Sheekh Yuusuf Beddel Axmed oo ku hadlay afka Maamulayaasha Maddarasadaha ee shahaadooyinka aqoonsiga la guddoonsiiyey.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa, January 31, 2019 (Arabsiyonews) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa bilawday hawlgal aan hore noociisa looga qaban Somaliland muddadii ay jirtay, ka dib markii ay bilawday inay diiwaangeliso madarasadaha diiniga ah ee dalka ka jira, kuwaasi oo caruurta lagu baro qur\u2019aanka iyo diinta iyo waliba jimciyadaha khayriga ah ee ka shaqeeya arrimaha ku tacaluqa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":48420,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-48419","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/wasss.jpg?fit=960%2C618&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-cAX","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/48419","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=48419"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/48419\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":48421,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/48419\/revisions\/48421"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/48420"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=48419"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=48419"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=48419"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}