{"id":4727,"date":"2015-01-25T15:14:55","date_gmt":"2015-01-25T15:14:55","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=4727"},"modified":"2015-01-25T15:14:55","modified_gmt":"2015-01-25T15:14:55","slug":"aadan-dhoola-yare-muxuu-ka-yidhi-muranka-dhul-ee-ka-jira-xaafada-masalaha-ee-magaaladda-hargeysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/25\/aadan-dhoola-yare-muxuu-ka-yidhi-muranka-dhul-ee-ka-jira-xaafada-masalaha-ee-magaaladda-hargeysa\/","title":{"rendered":"AADAN DHOOLA YARE MUXUU KA YIDHI MURANKA DHUL EE KA JIRA XAAFADA MASALAHA EE MAGAALADDA HARGEYSA"},"content":{"rendered":"<p><strong>Qormadan waxaan kaga hadalaya arrin fool xun oo ka dhacday xaafada masallaha garoomada loogu talo galay caruurtu inay ku ciyaarto.<\/strong><\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/aadan-dhoolayare221.jpg?w=696\" alt=\"\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p><strong>Sidaynu ka warqabno waxaynu ognahay in danta guud ee wadanka aan loo aaba yeelin laguna doorsaday in la baloodhaysto ama loo iibiyo dano gaar ah.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Waxaynu ka war qabna inaanay jirin goobihii loogu talo galay danta guud oo cagta la mariyay,waxaynu ka war qabna inaanay xaafado badani lahayn saldhig bilays oo aan lahayn meel laga dhiso. Waxa u dambaysay shalay markii garoomada masallaha laga siibay birihii goolasha laguna sameeyay seesas ay ilaalo ka ahaayeen ciidanka qaranku.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Waxaynu ka war qabna in<br \/>\n<\/strong><span id=\"MainContent_lblArticle2\"><span id=\"spnCOntent\"><\/span><\/span><\/p>\n<p><strong><span id=\"MainContent_lblArticle2\"><span id=\"spnCOntent\">taliyaha ciidanka qaranku ku doodi jiray inay tahay xero ciidan. Waxa jirtay in madaxweynuhu u xilsaaray guddi wasiiro ahaa laakin uu ka maroorsaday taliyaha ciidanku talada lahaanshaha isaga oo ku doodaya inay tahay lama taabtaan oo loo soo dhawaan karin agagaarka ciidanka.<\/span><\/span><\/strong><strong><br \/>\n<\/strong><\/p>\n<p><strong>waxa jira dad beeralay aha oo beerahoodi la raaciyay Airportka,balse markii ay guddidii uu madaxweynuhu u xil saaray damceen in loo mag dhabo dadka danyarta ah waxa is hortaagay taliyaha.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Hadaba waxa dhacday in dhulki caynka aha iyo garoomadii ciyaalka laga iibiyo niman baayacmushtar ah oo maal geliyay in loo seeso looguna seeso awoodii ciidanka oo looga faaiidaystay dano gaar ah.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Waxaynu ka war qabna in ay jiraan ciyaal ku haya magaalada dhibaatooyin ama fal nabadgelyo xumi waxaynu ka war qabna inay tahriibaan dhalinyaradu oo waagi beryaba ku dhinta saxaraha iyo badweynta. Sababta amuurahaas oo dhan keentay waxay tahay shaqo laaan ka jirta wadanka iyo daryeel xumi aan cidina xil iska saarin dhalinyaradaas loo diiday inay heelaan goobo ay ku ciyaaraan ku caweeyaan oo la boobay.<\/strong><\/p>\n<p><strong>taasina ay keentay in dhalinyaradaasi ay ku kacaan falal fool xun iyo nabadgelyo daro cawaaqibkeeduna ka xumaan doono haddii aan dhalinyarada loo jahayn mustaqbal wanaagsan. Arinta ugu badan in danaha guud lagu tagri falo waxa sabab u ah dadk laftooda oo aan garanahayn danahooda cid u doodaana aanay jiri.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Hadaba waxa ka xun arin ka dhacday xaafada masallaha ee lala wareegay garoomadi caruurta taas oo ay ciidanka qaranku ku seeseen qori caarada oo ahayd arinti ay dadkan ka gadoodeen kana dagaalameen in lagu isticmaalo qori caaradi taas oo uu ka faaiidaystay taliyaha ciidanka qaranku.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Hadaba mudane madaxweyne waxa jiray filin ay masaaridu matashay xili ay dareemeen musuqmaasuq iyo dhakhtarada lagu iibiyo xubnaha jidhka dadka magaciisuna aha Xataa Luxuumana Yaa Raiis oo ay macnaheedu tahay waxay arintu maraysa in hilbahayagii la iibinaya.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Taas waxay la madaxweyne marka ay caruurteeni tahriibayso ee xubnahoodi lagu kala iibsado Liibiya badhna rahmaad loo haysto iyaga oo ka cararaya dulmiga iyo eexashada ka taagan xataa wasaaraduhu markay shaqaalaha qoranayaan.iyo qaar ka cadhooda markay waayaan meelo u gaara ah oo laga iibsaday cidina dan ka lahayn. Mudane madaxweyne waxa la yaab ah marka ay xukuumada sheegto dhibta ka taagan ciyaalka xaafadaha kala xidha ama rabshadaha ka sameeya jidadka.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Mudane madaxweyne waxa nasiibdarro ah marka taliyihi ciidanku gacmaha ku qaatay sharcigi kuna fuliyay qori caaradi inuu ku seesto garoomadi caruurta iyada oo laga iibiyay niman tijaar ah oo uu gacmihiisa iyo awoodi ciidanka ku seesay garoomadi iyo danti guud mudane madaxweyne waxa ceeb inoogu filan in ka badan laba boqol oo askari oo ilaalinaysay seeska shacbkuna ku soo qamaamay.waa nasiib daro jananka gacmihiisa ku fuliyay sharci daro isaga oo cabudhiyay shacabka.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Waxa is weydiin leh maxa keenay in ciidanka qaranku ilaaliyo dhul la seesayo,iyada oo ay dawladi hoose joogto oo bilaysku joogo miyaan ceeb ugu filnayn ciidanka qaranku inay faraha la galaan seeska dhulka oo ay fulinyeen niman daaha dabadiisa ku jira.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Mudane madaxweyne ujeedada labada boqol ee ciidan loo keenay sees dhul waxa maanta lagu sigtay inuu ka dhaco khasaare nafeed taas oo ay odayaasha degaanku ka hortageen iyadoo uu taliyuhu ku talo galay inuu dhiig ku daadiyo sees aanu sharciyad u soo marin.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Mudane madaxweyne taliyihi ciidanku inta uu ku raacay ayuu amar ku sii bixiyay inuu nabadgelyada khakhal geliyo.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Waxa is weydiin leh sharafta jananka miyay tahay inuu ku seeso ciidanki qaranka garoomadi caruurta. Maanta markaan tagay goobtaas oo aan la kulmay dhalinyaradi gadoodsanayd waxay ii sheegeen inay laba arimood u taagan tahay inay tahriibaan muraala dilaac darti iyo inay ku dhintaan oo qoriga ku qabsadaan ciidanka.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Hadaba madaxweyne waxaad kala doorata jananka ciidanka ee qoriga caaradi ka horgeeyay shacabka oo aan xaq u lahayn iyo inaad u soo celiso garoomada dhalinyarada islamarka aad soo aragto ogaatana sababta ciidanka qaranku ugu seesay qori caaradii dhulki ay xaqa u lahayd dawlada hoose kala nidaamintooda.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Waxaan rajaynaya mudane madaxweyne inaad xil iska saari doonto sidi aad arinta nabadgelyo xumida sababi gaadhay aad wax uga qaban lahayd.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Wa billahi tawfiiq<\/strong><\/p>\n<p><strong>Aden Axmed Cilmi Dholayare.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qormadan waxaan kaga hadalaya arrin fool xun oo ka dhacday xaafada masallaha garoomada loogu talo galay caruurtu inay ku ciyaarto. Sidaynu ka warqabno waxaynu ognahay in danta guud ee wadanka aan loo aaba yeelin laguna doorsaday in la baloodhaysto ama loo iibiyo dano gaar ah. Waxaynu ka war qabna inaanay jirin goobihii loogu talo galay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4728,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4727","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1ef","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4727","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4727"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4727\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4727"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4727"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4727"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}