{"id":4710,"date":"2015-01-25T15:09:33","date_gmt":"2015-01-25T15:09:33","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=4710"},"modified":"2015-01-25T15:09:33","modified_gmt":"2015-01-25T15:09:33","slug":"xogo-iftiiminaya-cidda-leh-hubka-lagu-qabtay-markab-dekedda-berbera-ku-xidhan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/25\/xogo-iftiiminaya-cidda-leh-hubka-lagu-qabtay-markab-dekedda-berbera-ku-xidhan\/","title":{"rendered":"Xogo Iftiiminaya Cidda Leh Hubka lagu Qabtay Markab Dekedda Berbera ku Xidhan"},"content":{"rendered":"<p>Berbera (AN)- Ciidanka ammaanka xeebaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qabtay hub saaran markab ku xidhay dekedda magaalada Berbera gelinkii hore ee shalayMarkabka oo badeecado u sida ganacsato reer Somaliland ah, ayaa laga helay hub isugu jira beebeeyo, madaafiic, gaadiidka dagaalka iyo hubka fudud kadib markii la bilaabay in laga rogo alaabta saarnayd markabkaasi ku xidhan Dekedda Berbera, isagoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde oo ka hadlay hubka markabku saaran oo uu sheegay in aannu ku jirin qoraalka (manifesto) muujinaya qalabka uu sido ee maamulka dekedda loo gudbiyey. <!--more--><\/p>\n<p>\u201cMarkabku wuxuu soo galay dekedda, waxaannu Berbera u siday bagaash iyo gaadiid, markaa kolkii laga rogayey ayaa lagu arkay hub ciidan oo ku dhex jira, hubkaasina runtii kuma uu jirin maanafeeska uu soo gudbiyay, markaa waxay noqontay inaanu baadhno si aanu u ogaanno hubkaas sharciyaddiisa iyo cidda leh iyo meesha uu ka yimi,\u201d ayuu yidhi Warancadde oo oo arrintan uga warramay BBC-da shalay.<\/p>\n<p>Waxa kaloo Wasiirku faahfaahiyey noocyada hubka markabku saaran, waxaannu yidhi; \u201cWallaahi wuu badan yahay hubku, waxa ku jira baabuurta gaashaaman iyo artilariga boqol iyo dhawr iyo labaatanka milimitirka ah, beebee baa ku jira, dhawr baabuur oo kuwa tiknikada ah baa ku jira.<\/p>\n<p>Waxa ku jira baabuurta qufulan ee ciidammadu fuulaan, waxa ku jira baabuurta kale ee aan rasaastu karin. Doon weyn oo kuwa dagaalka ah ayaa ku jirta.\u201d Md. Warancadde waxa uu sheegay inay baadhis socoto, isagoo xaqiijiyey in nimanka wada markabku u sheegeen inay Sudan laga soo saaray hubka, balse aanay hayn wax caddayn ah, sidoo kalena ay u sii jeedaan Dubai, balse ay gacanta ku haynayaan inta laga helayo ciddii lahayd iyo meesha uu hubakni u socday.<\/p>\n<p>Haseyeeshee, ilo-wareedyo Jamhuuriya ka helay xaaladda markabkaas oo Dekedda Berbera ku xidhan, ayaa xaqiijiyey in kabtanka markabka oo ciidammada ammaanku xabsiga u taxaabeen uu si buuxda uga warbixiyey xalay fiidkii cidda leh hubkaas iyo halka uu u socdo, sidoo kalena soo bandhigay dukumantiyo rasmi ah oo muujinaya meesha uu ka yimi iyo halka loo wado hubka saaran.<\/p>\n<p>\u201cKabtanka markabka oo goor dhoweyd [xalay fiidkii] warbixin siiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, taliyeyaasha ciidammada Qaranka, Ilaalada Xeebaha iyo Maareeyaha Dekedda Berbera waxa uu sheegay in hubka markabkiisa saaran ay leedahay dawladda Suudaan, kuna wado magaalada Abu Dabay ee dalka Imaaraadka Carabta oo lagu qabanayo carwo ay ka qaybgalayaan shirkadaha hubka sameeya caalamka, arrintaas oo xaqiiqda u dhow, waayo hubka markabka saaran waa noocyo kala duwan oo mid la mid ah ma jiro, waana noocyo casri ah oo aynaan hore u arag, xataa waxa ku jira kaarayaal, doonyaha dagaalka iyo baabuurta qufulan ee rabshadaha lagaga hortago, welise baadhistii way socotaa oo lagama sal-gaadhin.\u201d Sidaa waxa Jamhuuriya u sheegay mid ka mid ah saraakiisha sare ee Dekedda Berbera oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo xalay.<\/p>\n<p>Waxa kaloo ilahaasi tibaaxeen in kabtanka markabku gacanta ka geliyey masuuliyiinta dawladda Somaliland dhukumantiyo caddaynaya in hubkaas laga soo raray dekedda Port Sudan, kuna socdo Abu Dhabi iyo weliba caddaymo kale oo ku saabsan carwada shirkadaha hubka sameeya ee lagu qabanayo Imaaraadka Carabta. Dhinaca kale, Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera Mr. Cumar Abokor Jaamac oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si wax looga weydiiyo arrinta markabka iyo badeecadaha sida ee ku xidhan dekedda, ayaa ka cudurdaartay inuu wax faahfaahin ka ah bixiyo, waxaannu ku gaabsaday in baadhista arrintaasi socoto, markabkana laga rogayo badeecado isugu jira bagaash iyo gaadiid uu u sido ganacsato reer Somaliland.<\/p>\n<p>Source: Wargeyska Jamhuuriya<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyomedia.com<\/p>\n<p>Hargeisa\u00a0 Desk<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Berbera (AN)- Ciidanka ammaanka xeebaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qabtay hub saaran markab ku xidhay dekedda magaalada Berbera gelinkii hore ee shalayMarkabka oo badeecado u sida ganacsato reer Somaliland ah, ayaa laga helay hub isugu jira beebeeyo, madaafiic, gaadiidka dagaalka iyo hubka fudud kadib markii la bilaabay in laga rogo alaabta saarnayd markabkaasi ku xidhan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4722,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4710","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1dY","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4710","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4710"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4710\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4710"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4710"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4710"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}