{"id":46958,"date":"2018-12-09T14:52:24","date_gmt":"2018-12-09T14:52:24","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=46958"},"modified":"2018-12-09T14:54:48","modified_gmt":"2018-12-09T14:54:48","slug":"goaanka-wasaarada-gadiidka-iyo-horumarinta-jidadka-jsl-ee-ka-dhanka-ah-gadiidka-vitz-tu-ma-yahay-mid-waafaqsan-sharciga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2018\/12\/09\/goaanka-wasaarada-gadiidka-iyo-horumarinta-jidadka-jsl-ee-ka-dhanka-ah-gadiidka-vitz-tu-ma-yahay-mid-waafaqsan-sharciga\/","title":{"rendered":"GO\u2019AANKA KA DHANKA AH GADIIDKA VITZ-TU MA YAHAY MID WAAFAQSAN SHARCIGA?"},"content":{"rendered":"<p><strong>HORDHAC <\/strong><\/p>\n<p><strong>W<\/strong>asaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL waxay mamnuucday in gaadiidka loo yaqaano Vitz-ta ama Dukhaanka inay u kala gooshaan goboladda iyo degmooyinka JSL. Isla markaana waxay ku amartay in ay ka shaqeeyaan guddaha magaalooyinka oo kaliya. Sida waxa sheegay, <strong>W<\/strong>asiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL 19-Nov-2018 isagoo ka hadlay warbaahinta madaxa banaan ayuu amray in gawaadhida Vitz-ta\u00a0 aanay qaadi Karin rakaab isla markaana u kala safri Karin gobolada iyo degmooyinka dalka, wuxuu sii raaciyay hadalkiisa in gadiidka qaada sagaal qof tiro ka yar oo raakaba\u00a0 in ay ruqsada siiyan dawladaha hoose isla markaana ay ka shaqayn karaan intaa dawlada hoose ay maamusho wuxuuna xusay in uu sidaa dhigayo Xeerka Wadamarista Gadiidku. Sido kale war-saxafadeedka ay sumadiisu tahay WG&amp;HJ\/XW-01\/437 oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka WG&amp;HJ ayaa lagu xusay in WG&amp;HJ ay mamnuucday isku socodka gadiidka Vitz-ta ee gobolada dalka iyadoo looga goleeyahay badqabka iyo ilaalinta naf iyo maal ee dadwaynaha.<\/p>\n<p>Sido kale taliyaha Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka ayaa\u00a0 17-nov-2018\u00a0 u sheegay telefishenka madaxa banaan ee Horn Cable TV in uu joojiyay isu socodka gadiidka Vitz ee goboladda dalka isago xusay in uu dabaqayo amar kaso baxay wasiirka gadiidka isla markaan ku tilmaamay in go\u2019aanada wasiirku sharci yihiin.<\/p>\n<p><strong>AWOODDA WASAARADDA GAADIIDKA IYO HORUMARINTA JIDADKA JSL<\/strong><\/p>\n<p><strong>W<\/strong>asaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadku waa mid kamida Waaxda Fulinta ee JSL, isla markaan qabata shaqooyin u gaar ah sida uu dhigayo Xeer Lr. 71\/2015 qodobkiisa 34aad faqrada 10aad taaso oo sheegay in WG&amp;HJ ka masuul tahay Qorshaynta iyo dejinta siyaasaddaha gaadiidka JSL. Sido kale waxaa saaran inay fuliso dhamaan xeerarka loo dhigay in lagu maamulo gadiidka, si wafaqsan dastuurka iyo dhamaan xeerarka kale ee wadanka sida uu dhigay qodobka 90aad ee Dastuurka JSL faqaradiisa 14aad.\u00a0 Isla markaana Wasiirka WG&amp;HJ wuxuu leeyahay shaqo iyo awoodo qeexan, sida ku cad Xeerka Lr. 71\/2015, hadaba sida ku xusan xeerkan qodobkiisa 21aad Wasiirku wuxuu\u00a0 u xilsaaran yahay dejinta siyaasadda, meelmarinta xil gudashada iyo waajibaadka Wasaaraddiisa, hagideeda, metelaadeeda iyo kormeeridda agaasinka guud ee Wasaaradda.<\/p>\n<p><strong>SHARCIYADDA GO\u2019AANKA WASAARADDA GADIIDKA IYO HORUMARINTA JIDADKA JSL<\/strong><\/p>\n<p>dhamaan muwaadiniinta Somaliland waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuqo iyo xoriyaad asaasiya ilaa intii sharcigu ka qaaday mooye. waxa uu dhigaya qodoka 23aad ee dastuurka JSL faqradiisa 1aad\u00a0 in qofka muwaadinka ah ama qofkasta oo sifo sharci ah wadanka ku jooga xor u yahay in uu dalka meelkasta uu mari karo una safri karo meelkasta oo uu doono, ilaa intii uu xeer ka reebay mooye sida ay dhigay faqrada 2aad ee isla qodobkani. Go\u2019aanka ay soo saartay WG&amp;HJ waa mid si toosa uga hor imanay in muwaadiniintu hantidooda ku isticmaalan halkii ay doonan, una isticmaalan meel ka baxsan magalooyinka.<\/p>\n<p>Sidoo kale qodobka 11aad ee Dastuurka JSL faqradiisa 1aad wuxuu xusayaa in dawladu masuul ka tahay shaqo abuurka si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka. Go\u2019aanka Wasiirku waa mid meesha ka saaraya shaqo abuurka iyo kobcida dhaqaale ee muwaadiniinta ku shaqaysta gaadiidka Vitz-ta.<\/p>\n<p>Qodobka 20aad ee Dastuurka JSL faqardiisa 1aad waxay dhigay in Shaqadu tahay xaq uu leeyahay kuna waajib ah, muwaadin kasta oo gudan kara. Sidaas darteed, dawladdu waxay xil iska saaraysaa shaqo abuuris iyo tayaynta tababarada shaqaalaha. Sida darted go\u2019aanka Wasiirku waa mid lidi ku ah\u00a0 xaqa shaqada iyo in qofka muwaadinka ahi ka shaqaysan karo goobkasta iyo shaqo walba oo uu u gudan karo sifo sharcigu ogol yahay. Sido kale waana arin dhawacaysa xuquuqda iyo xoriyaadka shaqada ee muwaadiniinta ee dastuuriga ah.<\/p>\n<p>Sido kale wuxuu dhigayaa\u00a0 Xeer L\/r.56\/2013 qodobkiisa 4aad faqradiisa 1aad in dawladaha hoose leeyihiin maamulka iyo masuuliyada wadooyinka magaalad\u00a0 gudeeheeda wuxuuna qodobkani tilamaamaya isla faqradan xarafka (J) in dawlada hoose bixinayso ruqsada adeega gadiidka dadwaynaha. Xeerku kama reebin gadiidka dawlada hoose ka diiwaan gashan in ay safar galaan ama u kala gooshan gobolada iyo degmooyinka dalka. Gadiidkaa waxaa ka mid ah Basaska, iska rogooyinka, booyadaha iyo sido kale Vitz-ta.\u00a0 Sido kale qodobka 20aad ee Xeer L\/r.56\/2013 \u00a0xarafkiisa (B) marka u qeexayo Gawadhida yar yar, in gaadhigii qaada tiro ka yar sagaal qof oo rakaaba a uu xeerku u aqoonsanyo\u00a0 Gaadhi yar. Sida qodobka ku cad maaha ujeedka qodobku in uu maamnuucayo in gaadhi rakaab loo adeegsado gaadhi qaada tiro ka yar sagaal qof laakin macnaha qodobku waa mid qeexaya gaadhiga yar. Mana jirto haba yaratee meel uu xeerku ku manuucayo in gaadiidka yar yar safar loo isticmaalo, laakiin waxaa ka reeban dhamaan gadiidka u kala safraya gobolada dalka iyo degmooyinkiisa inay qaadan rakaab ka badan inta loo asteeyay Sida uu dhigayo, qodobka 94aad ee Xeerka Lr. 56\/2013, faqradiisa 2aad iyo 3aad waxay maamnuucayaan in gaadhigu ama mooto lagu qaado in ka badan tirada raakabka lagoogu tala galay ee ku qoraan buuga gadiidkaas.<\/p>\n<p>Kama mid aha shaqada Wasiirka dajinta xeerar iyo in uu soo rogo amaro ay ka dhalanayaan ciqaab. Sida uu dhigayo Xeer L\/r 71\/2015 qodobkiisa 22aad xarafka (B) faqradiisa 14aad waxaa Wasiirka ka reeban inuu soo saaro amaro xanbaarsan ciqaab hadaan xeer awood u siin<\/p>\n<p>Hadaba go\u2019aanka Wasiirka WG&amp;HJ waa mid ka hor imanay Qodobada 23aad(1), 11aad(1), 20aad(1) \u00a0iyo 90(12)iyo(14) ee Dastuurka JSL iyo Qodobada 4aad(1)(j) iyo 20aad(B) ee Xeer L\/r 56\/2013 iyo Qodobada 34aad(10), 22aad iyo 22(B) ee Xeer L\/r 71\/2015. Isla markaana tacadi ku ah xuquuqda muwaadiniinta.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegaya qodobka 128aad(2) ee Dastuurka JSL in xeerkasta oo aan dastuurka wafaqsanayn uu noqonayo waxba kama jiraan. Waxaana la mid ah go\u2019aan kasta oo maamul oo ka hor imanaya Dastuurka iyo xeerarka wadanka.<\/p>\n<p>Go\u2019aanka wasiirka ee uu tilmaamay in uu u cuskaday Xeer L\/r 56\/2013 haba yaraatee waa mid waxba kama jiraana, isla markaana aan lahayn \u00a0asal iyo aasaas sharci.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waa diyaarintii: <strong>Cabdiraxmaan Siciid Xuseen<\/strong><\/p>\n<p><a href=\"mailto:Abdurrahmansh05@gmail.com\">Abdurrahmansh05@gmail.com<\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>HORDHAC Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL waxay mamnuucday in gaadiidka loo yaqaano Vitz-ta ama Dukhaanka inay u kala gooshaan goboladda iyo degmooyinka JSL. Isla markaana waxay ku amartay in ay ka shaqeeyaan guddaha magaalooyinka oo kaliya. Sida waxa sheegay, Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL 19-Nov-2018 isagoo ka hadlay warbaahinta madaxa banaan ayuu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":46959,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,3,10],"tags":[],"class_list":["post-46958","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-arimaha-bulshada","category-featured"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/WhatsApp-Image-2018-12-09-at-02.49.39.jpeg?fit=620%2C504&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-cdo","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/46958","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=46958"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/46958\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":46962,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/46958\/revisions\/46962"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/46959"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=46958"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=46958"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=46958"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}