{"id":4680,"date":"2015-01-25T09:35:08","date_gmt":"2015-01-25T09:35:08","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=4680"},"modified":"2015-01-25T09:35:08","modified_gmt":"2015-01-25T09:35:08","slug":"wasiirka-caddaaladda-oo-dhagax-dhigay-xarun-dhaqan-celin-loogu-samayn-doono-dhallinyarada-sharciga-khilaafta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/25\/wasiirka-caddaaladda-oo-dhagax-dhigay-xarun-dhaqan-celin-loogu-samayn-doono-dhallinyarada-sharciga-khilaafta\/","title":{"rendered":"Wasiirka Caddaaladda oo Dhagax-dhigay Xarun Dhaqan-celin Loogu Samayn Doono Dhallinyarada Sharciga Khilaafta"},"content":{"rendered":"<div id=\"stcpDiv\">\n<p>Hargeysa (AN) Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa dhagax-dhigay shalay dhisme laga hirgelin dono xarun lagu dhaqan celiyo dhallinyarada sharciga khilafta, taasoo lagu bari doono farsamaha gacanta, dib-u-habaynta loogu samayn doono nolosha dhallinyaradaas.<\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/c1%2829%29.jpg?w=696\" alt=\"\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Dhulka Xarunta laga dhisi doono oo Wasaaradda Hawlaha Guud ugu deeqday Wasaaradda Caddaaladda, isla markaana ay maalgelin doonto dhismaheeda hay&#8217;adda UNDP, waxa xaflada dhagax-dhiga ka qaybgalay Masuuliyiinta sarsare ee Wasaaradaha Caddaaladda, Hawlaha Guud, Madaxa hay\u2019adda UNDP ee Somaliland iyo saraakiil\u00a0 kale oo hay\u2019adda ka socday.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud Cabdi Cali Saa\u2019iq, ayaa sheegay in dhulkan ay ugu deeqeen Wasaaradda Caddaaladda si ay uga hirgeliso xarunta dhaqan-celinta dhallinyarada. Dhulkan ayaa ku dhegsan dhismaha Wasaaradda Hawlaha Guud<\/p>\n<p>amma halkii la odhan jiray Xero Shabeel<\/p>\n<p><span id=\"spnCOntent\"><\/span><\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/c2%2828%29.jpg?w=696\" alt=\"\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa tilmaamay in xaruntan noqon doonto mid faa\u2019iido badan u yeelata dhallinyarada sharciga khilaafta, iyadoo lagu bari doono farsamooyinka gacanta si ay noloshooda u dabaqabateeyaan, ugana hadhaan dambiyaday faraha kula jireen.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cXaruntan dhismaheeda waxa naga caawinaya hay\u2019adda UNDP, gaar ahaan qaybta Amniga bulshada. Wejiga horena waxa laga dhisi doona 4 xafiis, laba hool oo dhallinyarada wax lagu baraayo, laba qol oo ammaank ah, suuliyaashi hablaha iyo wiilasha iyo hoolal mustaqbalka tababaro lagu qabto,\u201d ayuu yidhi Md. Xuseen Axmed Caydiid.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waxa kale oo uu Wasiirka Caddaaladdu ka dhawaajiyey in wasaarad ahaan ay hay\u2019adda gacanta ku hayaan 70 dhallinyaro xukuno ku dhaceen ah oo dhaqan celin loo samaynaayo, qaybnaka ah barnaamij dalka oo dhan laga bilaabi doono oo sii daynta shuruudaysan la yidhaa, looguna talagalay in fursad dhaqancelin iyo sii dayn la siiyo dadka dambiyada fudud gala ee da\u2019 yarta u badan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Madaxa Hay\u2019adda UNDP ee Somaliland Mr. Steven, ayaa laf ahaantiisu sheegay in xaruntan ay fursad u noqon doonto dhallinyaro badan oo dambiyada ku lugta leh, kuwaasoo noloshooda wax badan lagaga beddelaayo, isagoo intaa ku daray inuu mashruucan in badan ka beddeli doono ammaanka bulshada Somaliland.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Qandaraaska dhismaha xaruntan oo shirkadda Bulaale Construction ku guulaystay waxa lagu dhammaystiri doona sida Wasiirka Caddaaladdu sheegay muddo 6 bilood gudahood ah.<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa dhagax-dhigay shalay dhisme laga hirgelin dono xarun lagu dhaqan celiyo dhallinyarada sharciga khilafta, taasoo lagu bari doono farsamaha gacanta, dib-u-habaynta loogu samayn doono nolosha dhallinyaradaas. Dhulka Xarunta laga dhisi doono oo Wasaaradda Hawlaha Guud ugu deeqday Wasaaradda Caddaaladda, isla markaana ay maalgelin doonto dhismaheeda hay&#8217;adda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4682,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4680","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1du","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4680","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4680"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4680\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4680"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4680"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4680"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}