{"id":46598,"date":"2018-12-02T19:28:51","date_gmt":"2018-12-02T19:28:51","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=46598"},"modified":"2018-12-02T19:29:36","modified_gmt":"2018-12-02T19:29:36","slug":"8-arrimood-oo-gen-asad-cismaan-diyaano-kaga-duwan-yahay-murrashaxiinta-madaxweyne-ee-puntland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2018\/12\/02\/8-arrimood-oo-gen-asad-cismaan-diyaano-kaga-duwan-yahay-murrashaxiinta-madaxweyne-ee-puntland\/","title":{"rendered":"8 Arrimood oo Gen. Asad Cismaan Diyaano \u201ckaga duwan yahay Murrashaxiinta Madaxweyne ee Puntland\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Boosaaso(AN)- \u201c Dadka reer Puntland waxa ina horyaalla inaan kala doorano laba wado. Raacno wadadii hore iyo inaan raacno tan horumarka iyo badhaadhaha, inaan helno nabad iyo tan cabsida, inaan shaqaysano ama inaan dawarsano. Inaan difaacno dhulkeena iyo inaan ku noolaano ducfi iyo dulinimo. Inaan kala doorano wada guusha iyo ta guul-daradda..\u201d sidaas waxa khudbad qulluubta Shacbiga Puntland degtay ku sheegay Taliyihii ugu sarreeyay ciidanka nabadsugidda iyo sirdoonka Puntland ee PSF,Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi oo Magaalada Boosaaso \u00a0kaga dhawaaqay inuu yahay sharrax u taagan \u00a0xilka madaxweynaha Puntland, doorashada dhacaysa horraanta sannadka 2019.<\/p>\n<p>Gen. Asad waxa uu sheegay inay murrashaxnimadiisa ku timi codsi uga yimi Shacbiga Puntland ee aanay rabitaan xaggiisa ah ku iman, waxaanu dadweynaha kala dooransiiyey dhowr arrimood oo ku saabsan xaalada iminka dalku ka jiro iyo waxa uu doonayo inuu ka bedelo \u201cwaxaan la dagaalami doonaa laba arrimood oo kala ah Musuqmaasuqa iyo Dhul-boobka iyo argagixisada iyo maamul-xumada\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Munaasibada uu ku shaaciyay musharraxnimadiisa waxa ka qaybgalay Siyaasiyiin, Culumo\u2019udiin, Ganacsato, Aqoonyahano, Abawaano, Haween, dhalinyaro\u00a0 iyo qaybaha kala duwan ee bulshada\u00a0 reer Puntland, kuwaasoo ka mabsuuday hadalkii u horeeyey ee uu ku shaaciyey murrashaxnimada.<\/p>\n<p>\u201cWaxaad ogtihiin in aanan ahayn qof jecel sawir iyo ha lagu sheego, ama u xiiqsan xil iyo jago raadin, oo runtii ah mid aan u arko amaano culays badan, xisaab adduun iyo mid aakhirona wadata. Ha yeeshee waxaan ka fursan waayay tixgalinta codsiga bulshadeenna sharafta leh, mar haddii ay kalsoonidaas iyo taageeradaas baaxadda leh ii muujiyeen; waxaana leeyahay codsigiinna waan aqbalnay, mahadsanidiin\u2026.. Guulaysta\u201d.\u00a0 ayuu yidhi.<\/p>\n<p>\u201cHaddii alle igu guuleeyo argagixiso heli mayso geed qariya ama god ay ku dhuumato; ganacsato caga juglayn iyo cabsigalin ay baad lacag kaga aruursadaana jiri mayso; taako Puntland dhulkeeda ah oo gacan cadow Somaali-diid ah ku sii jiri doontana ma jiri doonto, taasna waa sababta qaybta hore ee halku dhiggeenna uu u yahay (Difaac)\u201d. ayuu ku daray hadal dheer oo uu ka jeediyey madal si weyn loo camiray.<\/p>\n<p>Murrashaxa ayaa sheegay in Barmaamujka waxqabadkiisa uu ku dari doono arrimaha Haweenka, Maal-gashiga, Shaqo-abuurka iyo dib soo noolaynta ujeeddooyinkii Puntland loo aasaasay, waxaanu taageerayaasha dareensiiyey doorka ay Puntland ku leedahay dib-u-dhiska Dawladnimada Soomaaliya, isagoo tacsi iyo duco u diray geesiyaashii ka soo jeeday Puntland ee dib u \u00a0xasilinta dalka u shihiiday wakhtigii adkaa ee ay soo martay dhismaha Dawladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cHaddii alle ii garto hoggaanka Puntland, talada dalka noqon mayso mid aniga oo madaxwayne ah iga billaabata iguna dhamaata, waxaan dhidibbada u adkayn doonnaa hay\u2019adaha dowladda annagoo shaqadooda u fududayn doonna, hawl gudashadoodana u madax bannanayn doonno\u201d ayuu sii yidhi Musharax Asad Cismaan Diyaano isagoo hadalkiisa sii wata. \u201cQorshayaashayda ku aadan xoojinta dowlad\u00a0 wadaaga iyo garsoorka, waxa kale oo aan ka shaqayn doonaa arrimaha bulshada sida; caafimaad, waxbarashada, biyaha iyo korontada, sidoo kale waxaan shaqo abuur u samayn doonaa dhalinayrada, Qorshaha haweenka ayaa ka mid ah barnaamijkayga siyaasadeed\u201d ayuu mar kale sheegay.<\/p>\n<p><strong>Halkan ka daawo Khudbadii uu ku shaaciyey murrashaxnimada:<\/strong><\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/5DC5Xy0mpaI\" width=\"640\" height=\"360\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Garowe Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Boosaaso(AN)- \u201c Dadka reer Puntland waxa ina horyaalla inaan kala doorano laba wado. Raacno wadadii hore iyo inaan raacno tan horumarka iyo badhaadhaha, inaan helno nabad iyo tan cabsida, inaan shaqaysano ama inaan dawarsano. Inaan difaacno dhulkeena iyo inaan ku noolaano ducfi iyo dulinimo. Inaan kala doorano wada guusha iyo ta guul-daradda..\u201d sidaas waxa khudbad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":46599,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-46598","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Gen.-asa.jpg?fit=375%2C500&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-c7A","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/46598","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=46598"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/46598\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":46602,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/46598\/revisions\/46602"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/46599"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=46598"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=46598"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=46598"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}