{"id":4659,"date":"2015-01-25T08:25:42","date_gmt":"2015-01-25T08:25:42","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=4659"},"modified":"2015-01-25T08:25:42","modified_gmt":"2015-01-25T08:25:42","slug":"boobkii-iyo-dhicii-u-balaadhnaa-ee-lagu-qaado-tukaanada-ajaanibtaa-oo-ka-sii-socda-dalka-koonfur-africa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/25\/boobkii-iyo-dhicii-u-balaadhnaa-ee-lagu-qaado-tukaanada-ajaanibtaa-oo-ka-sii-socda-dalka-koonfur-africa\/","title":{"rendered":"Boobkii iyo dhicii u Balaadhnaa ee lagu qaado Tukaanada Ajaanibtaa oo ka sii socda Dalka Koonfur Africa"},"content":{"rendered":"<div class=\"left-column-single\">\n<div class=\"image-holder\"><a class=\"tooltip colorbox cboxElement\" title=\"\" href=\"http:\/\/daadmadheedhnews.net\/uploads\/article\/photo\/IMG_C3C9A5-34BF85-E4F3D9-EB3861-2391E8-C346F9.png\" rel=\"single\"><img decoding=\"async\" class=\"aimage\" src=\"http:\/\/daadmadheedhnews.net\/assets\/thumb.php?src=\/uploads\/article\/photo\/IMG_C3C9A5-34BF85-E4F3D9-EB3861-2391E8-C346F9.png&amp;h=250&amp;w=250\" alt=\"\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"image_shaddow\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/daadmadheedhnews.net\/assets\/images\/utility\/thumb-shadow.png?resize=250%2C5\" alt=\"\" width=\"250\" height=\"5\" \/><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div id=\"article_body\" class=\"body\">Rabashado sababay boob goobo ganacsi oo ay leeyihiin dadka ajaanibta ah oo ku yaalla deegaanno hoos-yimaada magaalada Johannesburg ayaa ka socda maalintii afaraad waddanka Koonfur Afrika.Inta la ogyahay 80 dukaan oo ay leeyihiin ajaanib ah Sooamali ku jirto ayaa lagu boobay goobahaas, iyadoo deegaannada boobku uu ka dhacay ay ka mid tahay Soweto, iyadoo rabshadahan ay ka dhasheen kaddib markii ganacsade Bakistaani ah uu dil u geystay wiil Koonfur Afrikaan ah oo 14-jir ahaa.<\/p>\n<p>Dilkaas kaddib ayaa kooxo dhallinyaro ah oo Koonfur Afrikaan ah waxay ka billaabeen deegaannadaas inay boob u geystaan dukaammada ajaanibta ay leeyihiin, qaarkoodna dab la qabadsiiyay. Iyadoo ganacsade ajnabi ahna uu dhaawac kasoo gaaray rabshadahan.<\/p>\n<p>Saraakiisha ciidanka amniga ayaa sheegay in xaaladdu ay faraha ka baxday, balse ay helaan gurmad ciidan oo uga yimid deegaanada gobolka Gueteng si degenaashaha deegaannaaas loo soo celiyo. Iyagoo xusay inay ajnabiga ah ay ka saarayaan deegaankaas si ay uga nabadgalaan dhibaatooyinka socda.<\/p>\n<p>Wararka ayaa sheegaya in rabshadahan ay ku dhinteen saddex qof oo dadka ajnabiga ah ka mid ah, iyadoo dadkaas la dilay uu ku jiray nin 74 jir ah oo u dhashay dalka Malawi, kaasoo lagu gubay gudaha dukaankiisa.<\/p>\n<p>Booliiska gobolka rabshaduhu ka socdaan ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen ugu yaran 130 qof oo lala xiriirinayo rabshadan, waxaana ku jira dadkaas afar qof oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay in lagu qabtay hub ay ku difaacayeen naftooda iyo hantidooda, balse booliisku ay ku sheegeen inay ahaayeen hub sharci-darro ah.<\/p>\n<p>Sidoo kale, taliyaha ciidamada booliiska gobolka Gueteng ayaa uga digay booliiska inay ka mid noqdaan dadka boobaya hantida ajaanibta, kaddib markii la baahiyay muuqaal sarkaal booliis ah oo qayb ka ah dadweynaha boobka u geysanaya ganacsiyada ajaanibta.<\/p>\n<p>Warbaahinta dalka Koonfur Afrika qaarkood ayaa baahiyay in deegaannada ay ka socdaan rabshada ay ciidamadu faraha ka laabteen inay wax ka qabtaan, boobka iyo bashadaha sii baahaya; waxayna taasi keentay in madaxda hay\u2019adaha iyo ururada xuquuqda aadanaha dalkaas ay ka caroordaan.<\/p>\n<p>Ururrada shaqaalaha, hay\u2019aadaha xaquuqda Aadanaha ee gobolka Gueteng iyo xisbiyada siyaasadda Koonfur Afrika ayaa si isku mid ah u cambaareeyay falalka lagu weerarayo dadka ajaanibta ah; waxayna xuseen in ajaanibta ay qayb ka qaataan horumarka dhaqaalaha Koonfur Afrika; iyagoo odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay xaaladda deegaanka dajiyaan.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa hadda deggen waxaana socda kulamo gooni-gooni ah oo shacabka ay la qaadanayaan madaxda gobolka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda sidii loo xakameyn lahaa rabshadahaasi; isla markaana xaaladda loogu soo celin lahaa sidii hore.<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Rabashado sababay boob goobo ganacsi oo ay leeyihiin dadka ajaanibta ah oo ku yaalla deegaanno hoos-yimaada magaalada Johannesburg ayaa ka socda maalintii afaraad waddanka Koonfur Afrika.Inta la ogyahay 80 dukaan oo ay leeyihiin ajaanib ah Sooamali ku jirto ayaa lagu boobay goobahaas, iyadoo deegaannada boobku uu ka dhacay ay ka mid tahay Soweto, iyadoo rabshadahan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4660,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4659","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1d9","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4659","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4659"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4659\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4659"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4659"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4659"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}