{"id":4572,"date":"2015-01-24T13:36:17","date_gmt":"2015-01-24T13:36:17","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=4572"},"modified":"2015-01-24T13:36:17","modified_gmt":"2015-01-24T13:36:17","slug":"madaxweynaha-turkiga-oo-sababeeyay-dib-u-dhaca-booqashadiisa-muqdisho-iyo-madaxtooyada-soomaaliya-oo-ka-hadashay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/24\/madaxweynaha-turkiga-oo-sababeeyay-dib-u-dhaca-booqashadiisa-muqdisho-iyo-madaxtooyada-soomaaliya-oo-ka-hadashay\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Turkiga Oo Sababeeyay Dib-U-dhaca Booqashadiisa Muqdisho Iyo Madaxtooyada Soomaaliya Oo Ka Hadashay"},"content":{"rendered":"<h1><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/download-39.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-4576\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/download-39-300x150.jpg?resize=300%2C150\" alt=\"download-39\" width=\"300\" height=\"150\" \/><\/a>Madaxweynaha Turkiga Oo Sababeeyay Dib-U-dhaca Booqashadiisa Muqdisho Iyo Madaxtooyada Soomaaliya Oo Ka Hadashay.<\/h1>\n<h2>Madaxweynaha Turkiga, Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay baaqashada socdaalkii u qorshaysnaa in uu ku tago Soomaaliya shalay, maalin uun ka dib markii qarax ismiidaamin ah lala eegtay hudheel ay degganaayeen wefti dalkiisa ka socda oo ku sugnaa Muqdisho.<\/h2>\n<h2>Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, madaxweynaha Turkiga ayaa ka warbixiyay sababta baaqashada socdaalkiisa, waxaanu sheegay inuu ka qaybgalayo aaska boqorkii Sucuudiga ee habeen hore geeriyooday &#8220;Waxaanu go\u2019aansannay in aanu tagno Riyaad, halkaas ayaanu ku sii jeednaa imika,\u201d ayuu yidhi Erdogan oo u waramay telefishanka dawladda dalkiisa ee TRT. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, &#8220;Laakiin, waxaanu doonaynaa in sidii qorshahayagu ahaa aanu tagno Jabuuti iyo Soomaaliya.\u201d<\/h2>\n<h2>Madaxweynaha Turkigu wuxuu sheegay in uu u socdaali doono Jabuuti marka uu ka yimaaddo aaska boqorkii Sucuudiga Cabdalla Bin Cabdi casiis oo ku geeriyooday dalkaas. &#8220;Waa dib-u-dhigis uun imika, waxaase uu Soomaaliya iman doonaa marka uu aasku dhammaado, laakiin ma ogin wakhtiga iyo taariikhda rasmiga ah ee ay noqon doonto,\u201d waxa sidaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa\u2019uud Aweys.<\/h2>\n<h2>Khamiistii la soo dhaafay ayaa gaadhi laga buuxiyay waxyaabaha qarxa waxa lala eegtay oo lagu qarxiyay hudheel ay ku shirayeen masuuliyiin ka kala socotay Turkiga iyo Soomaaliya oo ku yaalla muqdisho, waxaana halkaa ku dhintay laba ka mid ah ilaaladii hudheelkaas.<\/h2>\n<h2>Masuuliyadda weerarkaas waxa sheegtay ururka Al-Shabaab. Hase ahaatee, waxa dawladda Turkigu ay sheegtay in ay nabad-qabaan oo aanay wax ba soo gaadhin weftigii Turkiga ee halkaasi ku sugnaa, kuwaasi oo la rumaysan yahay inay u sii gogol xaadhayeen Madaxweynahooda.<\/h2>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Turkiga Oo Sababeeyay Dib-U-dhaca Booqashadiisa Muqdisho Iyo Madaxtooyada Soomaaliya Oo Ka Hadashay. Madaxweynaha Turkiga, Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay baaqashada socdaalkii u qorshaysnaa in uu ku tago Soomaaliya shalay, maalin uun ka dib markii qarax ismiidaamin ah lala eegtay hudheel ay degganaayeen wefti dalkiisa ka socda oo ku sugnaa Muqdisho. Sida ay baahisay wakaaladda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4576,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4572","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1bK","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4572","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4572"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4572\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4572"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4572"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4572"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}