{"id":4520,"date":"2015-01-23T10:36:24","date_gmt":"2015-01-23T10:36:24","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=4520"},"modified":"2015-01-23T10:36:24","modified_gmt":"2015-01-23T10:36:24","slug":"maamulka-puntland-ayaa-ka-xumaaday-booqashadii-uu-madaxwaynaha-somaliland-uu-doraad-ku-tagay-magaalada-laascaanood","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/23\/maamulka-puntland-ayaa-ka-xumaaday-booqashadii-uu-madaxwaynaha-somaliland-uu-doraad-ku-tagay-magaalada-laascaanood\/","title":{"rendered":"Maamulka Puntland ayaa ka xumaaday booqashadii uu Madaxwaynaha Somaliland uu doraad ku tagay Magaalada Laascaanood"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Dr_Gaas_1.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-4521\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Dr_Gaas_1-300x168.jpg?resize=300%2C168\" alt=\"Dr_Gaas_1\" width=\"300\" height=\"168\" \/><\/a>Maamulka Puntland ayaa ka xumaaday booqashadii uu Madaxwaynaha Somaliland uu doraad ku tagay Magaalada Laascaanood iyo Jiidda hore ee ciidamada Qaranku ku sugan yihiin, waxayna sheegtay inay socdaalkaasi cambaareynayso.<br \/>\nWar-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska af-hayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland raali ka ahayn waxa lagu sheegay daan daansi ay waddo dawladda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.<br \/>\nWar-saxaafadeedka oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Wargeyska Somalilandtoday, ayaa lgu yidhi \u201cDawladda Puntland ee Soomaaliya waxay si buuxda u cambaareynaysaa daan-daansiga qaawan ee Maamulka Hargeysa ay ka wadaan qaybo ka mid ah deegaamada Puntland, gaar ahaan Magaalada Laascaanood oo Madaxwaynaha Maamulkaasi uu shalay (Doraad) si qarsoodiya ku tagey. Sidoo kale dawladda Puntland waxay u sheegaysaa dawladda Federaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo dawladaha deriska ah in gobolka Sool uu ka mid yahay deegaannada dhulka Puntland, wuxuuna Maamulkaasi (Somaliland) uu ku joogaa Laascaanood Cabudhin iyo cabsi gelin joogto ah oo uu ku hayo shacabka ku nool dhulkaasi, sidaa daraadeed Puntland waxay caddeynaysaa in Maamulka Somaliland uu qaadayo masuuliyadda waxyeelada ka timaadda aaggaasi.<\/h2>\n<h2>Ugu dambayn, Puntland waxay u sheegaysaa shacabkeeda in dawladdu si buuxda u difaaceyso deegaamada Puntland guud ahaan, isla-markaana ay iskaga filan tahay dal kasta oo ku soo xad gudba dhulkeeda\u201d ayuu war-saxaafadeedkiisa ku yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Puntland. Laakiin Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isaguna qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshada, waxa uu ciwaan uga dhigay \u201cReer SOOL Waxay Muujiyeen Jacaylka Iyo Hamuunta Dawladnimo\u201d ayuu yidhi, Wasiirka Madaxtooyada oo la faalloonayey safarka Madaxweyne Siilaanyo ee Laascaanood, waxaanu intaasi ku daray \u201cMarkii waftigii uu Hoggaaminayey Madaxweynuhu aanu gaadhay xarunta gobolka Sool ayey dad weynahu nagaga horyimaaddeen meel in badan ka soo durugsan magaalada si ay u muujiyaan heerka hilowga ay u qabaan soo dhawaynta madaxdooda. Waxay indhahaagu qabanayeen dadweyne isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada oo si farxad leh u soo buuxsamay waddooyinka laga galo magaalada iyagoo ku dhawaaqaya hal ku dhegyo ay ku soo dhawaynayaan Masuuliyiinta tirada badan ee soo booqday\u201d<br \/>\nHadalkan wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ayaa aad uga fog doodda Maamulka Puntland ee ah in shacabka reer Sool lagu haysto xoog.<br \/>\nBooqashada Madaxweynaha Somaliland uu doraad ku tegey Laascaanood waxay ahayd tii labaad ee uu degmadaas ku tago laga soo bilaabo markii ay si buuxda gacanta ugu gashay Somaliland bishii Oktoobar ee sanadkii 2007.<br \/>\nMarch 2014 ayey ahayd markii sidan oo kale Madaxweynaha Somaliland booqasho aan hore loo shaacin ku tagay degmada Laasqoray ee bariga gobolka Sanaag<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maamulka Puntland ayaa ka xumaaday booqashadii uu Madaxwaynaha Somaliland uu doraad ku tagay Magaalada Laascaanood iyo Jiidda hore ee ciidamada Qaranku ku sugan yihiin, waxayna sheegtay inay socdaalkaasi cambaareynayso. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska af-hayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland raali ka ahayn waxa lagu sheegay daan daansi ay waddo dawladda Somaliland ee uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4521,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4520","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1aU","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4520","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4520"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4520\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4520"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4520"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4520"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}