{"id":4454,"date":"2015-01-22T15:18:16","date_gmt":"2015-01-22T15:18:16","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=4454"},"modified":"2015-01-22T15:18:16","modified_gmt":"2015-01-22T15:18:16","slug":"guddoomiyaha-iyo-duqa-degmada-buula-burde-ee-somalia-oo-xabsiga-loo-taxaabay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/22\/guddoomiyaha-iyo-duqa-degmada-buula-burde-ee-somalia-oo-xabsiga-loo-taxaabay\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha Iyo Duqa Degmada Buula Burde Ee Somalia Oo Xabsiga Loo Taxaabay"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Axmed_Cali_Dahir1-524x400.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-4456\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Axmed_Cali_Dahir1-524x400-300x229.jpg?resize=300%2C229\" alt=\"Axmed_Cali_Dahir1-524x400\" width=\"300\" height=\"229\" \/><\/a>Xeer Ilaaliyaha guud ee Somalia, Axmed Cali Daahir ayaa amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo guddoomiyaha iyo duqa degmada Bula-burde ee gobolka Hiiraan, iyadoo la sheegay in xadhigooda uu ku yimid markii lagu helay lunsasho raashin gar-gaar ah oo loogu talo-galay dadka ku nool Bula-burte.<br \/>\nWar laga soo saaray xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa lagu sheegay inay degmada hore ugu direen saraakiil ciidan oo isugu jirta nabadsugid iyo booliis, kuwaasoo baadhitaan kusoo sameeyay arrinkaasi ayna ku ogaadeen eedeysanayaashaas inay lunsadeen raashinkaasi ayna ku jiraan xabsi ku yaala degmadaas.<br \/>\nShir jaraa\u2019id oo ay si wadajir ah Muqdisho ugu qabteen Xeer-ilaaliyaha guud iyo ku xigeenkisa ayaa waxay faahfaahin kaga bixiyeen xadhiga mas\u2019uuliyiinta Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.<br \/>\n\u201cCaawa way xidhan yihiin guddoomiyaha &amp; duqii degmada Bula-burde oo ay kusoo baxeen eedeymo ku saabsan wax-is-daba-marin,\u201d ayuu shirka jaraa\u2019id ku yidhi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Abuukar.<br \/>\nXeer-ilaaliye ku xigeenka ayaa intaas ku daray in maamulkii degmadas ay si KMG ah ugu wareejiyeen guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee degmada Buulo-burte.<\/h2>\n<h2>Dhanka kale, xeer-ilaaliyaha guud ee Somalia Axmed Cali Daahir oo isna la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay eedeynta lagu xidhay madaxdii degmada Buulo-burte, isagoo sharraxay sida lunsiga raashinka uu u dhacay, isagoo ku sheegay hadalkiisa in raashinkan uu ahaa mid loogu talo-galay in shacabka ku go\u2019doonsan degmadaas loo qaybiyo.<\/h2>\n<h2>\u201cWaxaana wax laga xumaado in la lunsado raashinka shacab dhibaateysan loogu talo-galay. Ma ogolaan doonno in kamana hadhayno dadka falalkaas oo kale geysanaya ee ay ku caddaato lunsashada hantida dadweynaha, lana horkeeni doono cid walba oo falkaas oo kale lagu helo sharciga,\u201d ayuu isna ka sheegay shirka Jaraa\u2019id xeer ilaaliyaha guud , Axmed Cali Daahir<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xeer Ilaaliyaha guud ee Somalia, Axmed Cali Daahir ayaa amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo guddoomiyaha iyo duqa degmada Bula-burde ee gobolka Hiiraan, iyadoo la sheegay in xadhigooda uu ku yimid markii lagu helay lunsasho raashin gar-gaar ah oo loogu talo-galay dadka ku nool Bula-burte. War laga soo saaray xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4456,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4454","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-19Q","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4454","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4454"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4454\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4454"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4454"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4454"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}