{"id":42813,"date":"2018-04-21T18:14:01","date_gmt":"2018-04-21T18:14:01","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=42813"},"modified":"2018-04-25T18:16:59","modified_gmt":"2018-04-25T18:16:59","slug":"dalada-sonsaf-oo-ku-baaqday-in-xoriyadeeda-loo-soo-celiyo-naciimo-abwaan-qorane","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2018\/04\/21\/dalada-sonsaf-oo-ku-baaqday-in-xoriyadeeda-loo-soo-celiyo-naciimo-abwaan-qorane\/","title":{"rendered":"Dalada Sonsaf Oo Ku Baaqday In Xoriyadeeda Loo Soo Celiyo Naciimo Abwaan Qorane"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN);-Baaq ay soo saareen Ururrada Bulshada Rayidka ahi oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee SANSAF Md. Mustafe Sacad Dhimbiil ayaa xukuumadda iyo bahda garsoorkaba ugu baaqay in si degdeg ah xorriyadeeda loogu soo celiyo Naciima Axmed Ibraahim oo toddobaadkii hore Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku xukuntay xadhig dhan muddo saddex sanadood ah.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" data-attachment-id=\"28372\" data-permalink=\"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/11\/30\/daawo-gudiga-hoosaadka-arimaha-gudaha-gwakiilada-sland-oo-warbixin-ka-dhagaystay-dalada-sonsaf\/sonsaf\/\" data-orig-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/sonsaf.jpeg?fit=240%2C210&amp;ssl=1\" data-orig-size=\"240,210\" data-comments-opened=\"1\" data-image-meta=\"{&quot;aperture&quot;:&quot;0&quot;,&quot;credit&quot;:&quot;&quot;,&quot;camera&quot;:&quot;&quot;,&quot;caption&quot;:&quot;&quot;,&quot;created_timestamp&quot;:&quot;0&quot;,&quot;copyright&quot;:&quot;&quot;,&quot;focal_length&quot;:&quot;0&quot;,&quot;iso&quot;:&quot;0&quot;,&quot;shutter_speed&quot;:&quot;0&quot;,&quot;title&quot;:&quot;&quot;,&quot;orientation&quot;:&quot;0&quot;}\" data-image-title=\"sonsaf\" data-image-description=\"\" data-image-caption=\"\" data-large-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/sonsaf.jpeg?fit=240%2C210&amp;ssl=1\" class=\"alignnone wp-image-28372 \" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/sonsaf.jpeg?resize=410%2C359\" alt=\"\" width=\"410\" height=\"359\" \/><\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay dalladda SONSAF oo ah baaqan ayaa waxa dalladda SONSAF ku tidhi:<br \/>\n\u201cBaaqa Ururrada Bulshada Ee Xadhiga Naciima Axmed Ibraahim<br \/>\nUrurrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxay kulamo is-daba joog ah ka yeesheen xukunka ku dhacay Naciima Axmed Ibraahim (Naciima Abwaan Qorane) oo 15-kii Bisha April ay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ku xukuntay 3 sano oo xadhig ah.<br \/>\nUrurrada Bulshadu waxay si toos ah ugu booqdeen Xabsiga Gabiley Naciima si ay u soo Xaqiijiyaan Tacadiyada iyo Jidh-dilka ay ka sheegatay Maxkamadda Horteeda, ee ay qareenadeeduna dalbadeen in la baadho sida ku cad qoraalka ku taariikhaysan 10\/04\/2018 maxkamadduna heshay 15\/04\/2018.<br \/>\nNaciima waxay Ururrada Bulshada Rayidka ah u xaqiijisay in loo gaystay tacadiyo si la mid ah sida ay qareenadeedu sheegeen.<br \/>\nUrurrada Bulshada Rayidka ahi waxay si adag u cambaaraynayaan xadhiga loo gaystay Naciima waxaanay codsanayaan in xorriyadeeda loo soo celiyo, laguna sameeyo baadhitaan madax bannaan tacadiyada ay sheeganayso Naciima.<br \/>\nUrurrada Bulshada Rayidka ahi waxay ka codsanayaan Madaxweynaha JSL in si degdeg ah xorriyadeeda loogu soo celiyo Naciima Axmed Ibraahim iyo Maxamed Kayse oo isaguna 16\/04\/2018 Maxkamadda Gobolku ku xukuntay xadhig 18 bilood ah.<br \/>\nUgu dambayntii, Ururrada Bulshada rayidku waxay ku baraarujinayaan hay\u2019adaha sharci fulinta iyo garsoorkaba in ay dhawraan xorriyadaha aasaasiga ah ee Dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta\u201d<br \/>\nAllaa Mahad Leh<\/p>\n<p>Mustafe Sacad Dhimbiil<br \/>\nGuddoomiyaha SONSAF<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN);-Baaq ay soo saareen Ururrada Bulshada Rayidka ahi oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee SANSAF Md. Mustafe Sacad Dhimbiil ayaa xukuumadda iyo bahda garsoorkaba ugu baaqay in si degdeg ah xorriyadeeda loogu soo celiyo Naciima Axmed Ibraahim oo toddobaadkii hore Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku xukuntay xadhig dhan muddo saddex [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":28372,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-42813","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/sonsaf.jpeg?fit=240%2C210&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-b8x","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/42813","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=42813"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/42813\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":42815,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/42813\/revisions\/42815"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28372"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=42813"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=42813"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=42813"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}