{"id":42510,"date":"2018-04-04T12:51:44","date_gmt":"2018-04-04T12:51:44","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=42510"},"modified":"2018-04-04T12:51:44","modified_gmt":"2018-04-04T12:51:44","slug":"madaxweynaha-somaliland-oo-madaxtooyada-ku-qaabilay-dhallinyaro-hal-abuur-cusub-ikhtiraacay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2018\/04\/04\/madaxweynaha-somaliland-oo-madaxtooyada-ku-qaabilay-dhallinyaro-hal-abuur-cusub-ikhtiraacay\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somaliland Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Dhallinyaro Hal-abuur Cusub Ikhtiraacay"},"content":{"rendered":"<p class=\"x_MsoNormal\">Hargeysa-(AN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay\u00a0\u00a014 (Afar iyo toban) dhalinyaro reer Somaliland ah oo wiilal iyo gabdho isugu jira, kuwaas oo maskaxdooda ka curiyey hal-abuurro kala duwan oo dhinaca ganacsiga\u00a0\u00a0iyo wax soo saarka ah.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay dhalinyarada hindistay hal-abuurrada kala duwan ee dhinacyada ganacsiga iyo nolosha isugu jira oo ka qabsoomay xarunta aqalka madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Maalgashiga iyo Dhallinyarada &amp; ciyaaraha,\u00a0\u00a0Md. Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) iyo Yuusuf Mire Maxamed, Maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud\u00a0\u00a0Caydiid (Soltelco) iyo la taliyaha madaxweynaha ee dhinaca arrimaha bulshada, mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, waxaana uu madaxweynuhu dhammaanba dhalinyaradaas kaga dhegaystay xogo dheeraad ah oo ay ka bixiyeen hal-abuurkooda, caqabadaha ka hor yimi iyo guulaha ay ku tallaabsadeen.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Da\u2019yarta hal-abuurka curiyey, ayaa isugu jirey qaar hal-abuuray waxyaabo kala duwan oo ay kamid yihiin, samaynta kabo iyo dhar\u00a0\u00a0casri ah, kiriimmo cusub iyo saliido jidhka iyo timaha ah, saabuuno jidhka ah, farshaxanno, beeridda calafka xoolaha oo hab casri ah, agab cusub ee maayadda dabka ku shaqeeya, cuntooyin nafaqaysan iyo waxyaabo kale, iyadoo uu madaxweynuhu ku bogaadiyey dedaalka dheeraadka ah ee ay sameeyeen, samirka iyo sida ay maskaxdooda u\u00a0\u00a0tuujiyeen, waxaanu hoosta ka xarriiqay inuu madaxweyne ahaan si dhaw ula shaqayn doono, isla markaana la garab taagan yahay wax kasta oo meesha lagaga saari karo caqabadaha haysta arrimaha ganacsi ee ay curiyeen.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dhalinyarada hal-abuurka cusub soo kordhiyay hadal mahadnaq iyo bogaadin ah u jeediyey, ayaa da\u2019yarta ka codsaday inay samaystaan dallad isku xidhan oo dhinaca hal-abuurka ah, si ay isugu xidhnaadaan, isla markaana maskaxaha afkaarta cusub soo kordhiyey la mideeyo.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhalinyarada hortooda ka shaaciyey inay qarankooda xaq ugu leeyihiin inuu taageero ka geysto sidii fikirkaas looga midho dhalin lahaa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,\u201c Idinka oo da\u2019yar inaad fikir cusub oo hal abuur ah keenteen waan idiinka mahadnaqayaa, waan idiin ducaynayaa, waanan idinla shaqaynayaa, in la gacan-qabto qofka dhalinyarada ahi kaligii waxa uu qabtaa dawlad ahaan ma aha baryo iyo duco\u2019e qaranka xaq baad ku leedihiin waana waajib aad leehihiin in mar haddii uu qofku hal-abuur keenay inuu hal-abuurkaas la taageero, wax caam ah oo la idiin qaban karo iyo wax gaar ahba.\u201d<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Madaxweynuhu isaga oo niyadda u dhisaya dhalinyada hal-abuurka samaysay, isla markaana dhiirrigelinaya waxa uu ka codsaday in aanay niyad-jabin oo ay dedaalkooda libin-laabaan, si gaar ahna ugu tashadaan taageeradiisa, \u201cMar alla iyo markii aad ii baahataan waad I heli karaysaan, fikir ahaan iyo talo ahaanba, tixgelin gaar ahna waan siinayaa qofka fikirka wada, waayo qofka kale ee la da\u2019da ah qiime ayuu dheer yahay, waana inaydaan niyad-jabin oo aydan daalin oo aad halkaas kasii waddaan waad gaadhaysaane, annagana waad nagu tashanaysaan wax ay taagi reebto mooyaane, albaabkayguna mar walba wuu idiin furan yahay.\u201d Ayuu yidhi madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><i>Wa-bilaahi Tawfiiq<\/i><\/b><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa-(AN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay\u00a0\u00a014 (Afar iyo toban) dhalinyaro reer Somaliland ah oo wiilal iyo gabdho isugu jira, kuwaas oo maskaxdooda ka curiyey hal-abuurro kala duwan oo dhinaca ganacsiga\u00a0\u00a0iyo wax soo saarka ah. Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay dhalinyarada hindistay hal-abuurrada kala duwan ee dhinacyada ganacsiga iyo nolosha isugu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":42511,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-42510","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/Madaxweyne.png?fit=1196%2C582&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-b3E","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/42510","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=42510"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/42510\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":42513,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/42510\/revisions\/42513"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/42511"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=42510"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=42510"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=42510"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}