{"id":4182,"date":"2015-01-18T13:50:34","date_gmt":"2015-01-18T13:50:34","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=4182"},"modified":"2015-01-18T13:50:34","modified_gmt":"2015-01-18T13:50:34","slug":"koobkii-qaaradda-afrika-oo-furmay-kooxihii-badiyay-iyo-kulamada-caawa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/18\/koobkii-qaaradda-afrika-oo-furmay-kooxihii-badiyay-iyo-kulamada-caawa\/","title":{"rendered":"Koobkii Qaaradda Afrika Oo Furmay, Kooxihii Badiyay Iyo Kulamada Caawa"},"content":{"rendered":"<h2 class=\"entry_title\"><strong>Equatorial Guinea Iyo Gongo Oo Kulanka Furitaanka Koobka Qaramada Afrika Barbaro Galay<\/strong><\/h2>\n<h2><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter  wp-image-96568\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Equatorila-Guine-vs-Congo.jpg?resize=625%2C433\" alt=\"Equatorila Guine vs Congo\" width=\"625\" height=\"433\" \/><\/h2>\n<h2>Kulankii furitaanka koobka qaramada Afrika ee 2015 ayaa ku bilawday barbaro iyada oo xulka qaranka marti galinaya ee Equatorial Guinea uu barbaro la galay dhigooda Congo. Labada xul ayaa ku kala baxay barbaro min hal gool ah.<\/h2>\n<h2>Equatorial Guinea oo ka faa\u2019iidaysanaysa ciideeda hooyo ayaa ciyaarta hogaanka u qabatay daqiiqadii 16 aad kadib markii uu Nsue u dhaliyay goolka furitaanka, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Equatorial Guinea xili hore ciyaarta hogaankeeda la wareegtay.<img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter  wp-image-96573\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Nsue.jpg?resize=653%2C392\" alt=\"Nsue\" width=\"653\" height=\"392\" \/><\/h2>\n<h2>Inkasta oo ay labada xulkba dadaal sameeyeen ayay ugu danayb qaybtii hore ee ciyaartu ku soo dhamaatay 1:0 ay xulka mariti galinaya koobka qaramada Afrika ee 2015 ee Equatorial Guinea ay hogaanka ku haysay.<\/h2>\n<h2>Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay inta badan labada xul is mari waayeen laakiin daqiiqadii 87 aad ayuu xidiga xulka qaranka Congo ee \u00a0Thievy Bifoum\u00a0 ayuu maraliya indha caalamka xaday kadib markii uu xulka qarankiisa u dhaliyay goolka barbaraha, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.Bifoum ayaana taageerayaasha Equatorial Guinea qabli jabiyay isaga oo goolka ka dhaliyay waqtiga dhimashada ee dhamaadka ciyaarta.<\/h2>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandtoday.com\/slt\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/80297355_ncupbanner.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-19796\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandtoday.com\/slt\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/80297355_ncupbanner.jpg?resize=624%2C351\" alt=\"80297355_ncupbanner\" width=\"624\" height=\"351\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h2>Kadib markii ay Congo culays saartay xulka qaranka Equatorial Guinea ayay ugu danbayn heleen goolka ay u dagaalameen, waxaana kubbad uu samaynteda lahaa \u00a0D. Malonga ugu barbareeyay Bifoum.<\/h2>\n<h2>Kulankan oo ahaa kulanka furitaanka koobka qaramad Afrika ayaa ku soo dhamaaday barbaro 1:1 ah, waxaana goolka tartanka ugu horeeyay dhalaliyay xidiga xulka qaranka Equatorial Guinea ee Nsue. Equatorila Guinea iyo Congo oo kuwada jira Group A ayaa kulankan dhibcaha ku qaybsaday.<\/h2>\n<h2 class=\"entry_title\"><strong>Gabon Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay Burkina Faso, Xili Ay Gabon Hogaanka U Qabatay Group A<\/strong><\/h2>\n<h2><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter  wp-image-96597\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Gabon.jpg?resize=654%2C433\" alt=\"Gabon\" width=\"654\" height=\"433\" \/><\/h2>\n<h2>Xulka qaranka Gabon ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee tartanka qaramada Afrika guulaysta isla markaana jeebada ku rida saddex dhibcood oo nadiif ah. Gabon ayaa guul muhiim ah ka gaadhay xulka qaranka Burkina Faso, waxayna Gabon guushan ku gaadhay 2:0. Waxayna Gabon goolasha ay guushan ku gaadhay uga mahad celonaysaa\u00a0Pierre-Emerick Aubameyang iyo\u00a0Malick Evouna oo goolasha u kala dhaliyay.<\/h2>\n<h2>Burkina Faso iyo Banon ayaa kulanka labaad ee tartaka koobka qaramada Afrika iskaga horyimid. Burkina Faso iyo Gabon ayaa kuwada jira Group A oo ay kulankii furitaanka wada ciyaareen xulalka qaramada Equatorial Guinea iyo Congo, kuwaas oo barbaro galay. Burkina Faso iyo Babon ayaana sii ogaa in xulka guulaystaa uu hogaanka u qaban doono Group A.<\/h2>\n<h2>Xulka qaranka Gabon ayaana dardar fiican kulankan ku bilaabatay taas oo keentay inay daqiiqadii 19 aad ciyaarta hogaankeeda la wareegto. xidiga halista ah ee kooxda Borussia Dortmund ee\u00a0 Pierre-Emerick Aubameyang ayaana Gabon u dhaliyay gookeeda kowaad, isaga oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Gabon hogaanka kula wareegtay. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1:0 kaas ay Gabon gacanta sare ku lahayd.<img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter  wp-image-96595\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Aubameyag.jpg?resize=590%2C332\" alt=\"Aubameyag\" width=\"590\" height=\"332\" \/><\/h2>\n<h2>Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Burkina Faso culays badan saartay Gabon si ay iskaga soo celiso goolka looga hormaray qaybtii hore ee ciyaarta.Qaybtii danbe ee ciyaarta ayaana noqotay mid ay labada kooxood isku qaadayeen weeraro halis ah.<\/h2>\n<h2>Daqiiqadii 72 aad ayuu\u00a0Malick Evouna xulka qarankiisa Gabon u dhaliyay goolka labaad, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Gabon ciyaarta hogaanka ugu qabatay. Kubbad uu si fiican uga soo shaqeeyay\u00a0Fr\u00e9d\u00e9ric Bulot isla markaana uu caawinteeda lahaa ayuu Evouna xulkiisa culayska kaga dulqaaday oo uu ugu dhaliyay goolka kalsoonida.Halkan kadaawo goolka labaad ee Gabon.<\/h2>\n<h2><iframe loading=\"lazy\" src=\"http:\/\/www.youtube.com\/embed\/iUBfACcHIT0\" width=\"490\" height=\"276\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/h2>\n<h2>Goolkan uu\u00a0\u00a0Malick Evouna xulka qarankiisa udhaliyay ayaa ahaa goolkii lixaad ee uu u dhaliyo 1o kii kulan ee ugu danbeeyay.Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Gabon guusha ku gaadhay. Gabon ayaana Group A saddex dhibcood ku hogaaminaysa halka Burkino Faso ugu hoosayso.<img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter  wp-image-96598\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Gabon2.png?resize=631%2C391\" alt=\"Gabon2\" width=\"631\" height=\"391\" \/><\/h2>\n<h2 class=\"entry_title\"><strong>Hordhac: Tunisia Iyo Zambia Oo Bilaabaya Kulamadooda Group B Ee Koobka Qaramada Afrika.<\/strong><\/h2>\n<h2><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-96506\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/80297355_ncupbanner.jpg?resize=624%2C351\" alt=\"_80297355_ncupbanner\" width=\"624\" height=\"351\" \/><\/h2>\n<h2><strong>Zambia v DR Congo<\/strong><\/h2>\n<h2>Garoonka: Estadio de Ebebiyin<\/h2>\n<h2>Waqtiga: 7pm Saacada Geeska Afrika<\/h2>\n<h2>Zambia iyo Democratic Republic of Congo ayaa ah dalal deris ah oo si weyn u isku yaqaana.<\/h2>\n<h2>Waxa ay iska horyimaadeen 25 jeer iyadoo Zambia ay badisay sideed jeer halka DR Congo ay badisay toaobada jeer, inkastoo DR Congo oo loo aqoon jiray Zaire ay ka badisay kulankooda kaliya ee Qaramada Afrika ee kulankii finalka ee 1974 ee lagu qabtay dalka Masar.<\/h2>\n<h2>Kabtanka Zambia Rainford Kalaba, kaasoo u ciyaara kooxda ugu weyn DR Cong ee TP Mazembe ayaa aaminsan in kulankan uu kala qeexi doono haddii ay ka soo baxayaan wareega group-yada iyo haddii kale.<\/h2>\n<h2>\u201cDR Congo waa ay adkaan doontaa sababtoo ah waxaa jira cyaartoy aan naqaano laakiin sidoo kale waa ay ogyihiin inay adag tahay in la garaaco Zambia.\u201d ayuu yiri xiddiga khadka dhexe.<\/h2>\n<h2>\u201cInaan badino kulankaan muhiimad weyn ayuu leeyahay sababtoo ah waxa uu inoo soo saari karaa wareega 8da.\u201d<\/h2>\n<h2><strong>MA OGTAHAY?<\/strong><\/h2>\n<h2>Goolhayaha xulka DR Congo iyo kabtanka Robert Kidiaba, oo 39 sanno jir noqonaya bisha Febraayo ayaa noqon doona xiddigii ugu da\u2019da weynaa ee ka qeyb qaata tartankaan isagoo waayihiisa ciyaareed ee heer caalami bilaabay 13 sanadood ka hor.<\/h2>\n<h2><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter  wp-image-96473\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/80313111_bata.jpg?resize=574%2C323\" alt=\"_80313111_bata\" width=\"574\" height=\"323\" \/><\/h2>\n<h2><strong>Tunisia v Cape Verde<\/strong><\/h2>\n<h2>Garoonka: Estadio Manuel Enguru<\/h2>\n<h2>Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika<\/h2>\n<h2>Tunisia waxa ay ku qasban tahay inay ka soo kabsato labo xiddig oo muhim ah oo ay weyday, weeraryahanadeeda Saber Khalifa iyo Fakhreddine Ben Youssef, kuwaasoo dhaawac darteed xilli danbe looga saaray xulka.<\/h2>\n<h2>Labada xiddig ayaa ku dhaawacmay kulankii saaxiibtinimo ee ay isbuucii hore la ciyaareen Algeria, waxaana haatan cadaadis oo dhan uu dusha ka korayaa xiddiga Bordeaux Wahbi Khazri inuu hogaamiyo xulkii koobkaan hantay 2004 ka dib markii uu ka soo dhex muuqday kulamadii isreebreebka.<\/h2>\n<h2>Dhaawacyada ayaa qeyb ka ahaa isbuuc adag oo keenay in Tunisia ay dhibaato ka soo wajahdo dhanka jiifka.<\/h2>\n<h2>Dhanka kale tababaraha reer Portugal ee xulka Cape verde Rui Aguas ayaa sheegay in xulka Blue Sharks ay doonayaan inay gaadhaan wareega 8da si la mid ah sidii ay sameeyeen labo sanno ka hor.<\/h2>\n<h2><strong>MA OGTAHAY?<\/strong><\/h2>\n<h2>Xulka Tunisa ayaa markii 12aad oo isku xigta ka soo muuqanaya Koobka Qaramada Afrika, laakiin xulka Masar ayaa rikoodh heysta iyagoo 14 jeer oo isku xigta soo xaadiray tartankaan<\/h2>\n<h2 class=\"entry_title\"><strong>Equatorial Guinea Iyo Gongo Oo Kulanka Furitaanka Koobka Qaramada Afrika Barbaro Galay<\/strong><\/h2>\n<h2><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter  wp-image-96568\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Equatorila-Guine-vs-Congo.jpg?resize=625%2C433\" alt=\"Equatorila Guine vs Congo\" width=\"625\" height=\"433\" \/><\/h2>\n<h2>Kulankii furitaanka koobka qaramada Afrika ee 2015 ayaa ku bilawday barbaro iyada oo xulka qaranka marti galinaya ee Equatorial Guinea uu barbaro la galay dhigooda Congo. Labada xul ayaa ku kala baxay barbaro min hal gool ah.<\/h2>\n<h2>Equatorial Guinea oo ka faa\u2019iidaysanaysa ciideeda hooyo ayaa ciyaarta hogaanka u qabatay daqiiqadii 16 aad kadib markii uu Nsue u dhaliyay goolka furitaanka, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Equatorial Guinea xili hore ciyaarta hogaankeeda la wareegtay.<img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter  wp-image-96573\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Nsue.jpg?resize=653%2C392\" alt=\"Nsue\" width=\"653\" height=\"392\" \/><\/h2>\n<h2>Inkasta oo ay labada xulkba dadaal sameeyeen ayay ugu danayb qaybtii hore ee ciyaartu ku soo dhamaatay 1:0 ay xulka mariti galinaya koobka qaramada Afrika ee 2015 ee Equatorial Guinea ay hogaanka ku haysay.<\/h2>\n<h2>Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay inta badan labada xul is mari waayeen laakiin daqiiqadii 87 aad ayuu xidiga xulka qaranka Congo ee \u00a0Thievy Bifoum\u00a0 ayuu maraliya indha caalamka xaday kadib markii uu xulka qarankiisa u dhaliyay goolka barbaraha, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.Bifoum ayaana taageerayaasha Equatorial Guinea qabli jabiyay isaga oo goolka ka dhaliyay waqtiga dhimashada ee dhamaadka ciyaarta.<\/h2>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandtoday.com\/slt\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/80297355_ncupbanner.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-19796\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandtoday.com\/slt\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/80297355_ncupbanner.jpg?resize=624%2C351\" alt=\"80297355_ncupbanner\" width=\"624\" height=\"351\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h2>Kadib markii ay Congo culays saartay xulka qaranka Equatorial Guinea ayay ugu danbayn heleen goolka ay u dagaalameen, waxaana kubbad uu samaynteda lahaa \u00a0D. Malonga ugu barbareeyay Bifoum.<\/h2>\n<h2>Kulankan oo ahaa kulanka furitaanka koobka qaramad Afrika ayaa ku soo dhamaaday barbaro 1:1 ah, waxaana goolka tartanka ugu horeeyay dhalaliyay xidiga xulka qaranka Equatorial Guinea ee Nsue. Equatorila Guinea iyo Congo oo kuwada jira Group A ayaa kulankan dhibcaha ku qaybsaday.<\/h2>\n<h2 class=\"entry_title\"><strong>Gabon Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay Burkina Faso, Xili Ay Gabon Hogaanka U Qabatay Group A<\/strong><\/h2>\n<h2><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter  wp-image-96597\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Gabon.jpg?resize=654%2C433\" alt=\"Gabon\" width=\"654\" height=\"433\" \/><\/h2>\n<h2>Xulka qaranka Gabon ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee tartanka qaramada Afrika guulaysta isla markaana jeebada ku rida saddex dhibcood oo nadiif ah. Gabon ayaa guul muhiim ah ka gaadhay xulka qaranka Burkina Faso, waxayna Gabon guushan ku gaadhay 2:0. Waxayna Gabon goolasha ay guushan ku gaadhay uga mahad celonaysaa\u00a0Pierre-Emerick Aubameyang iyo\u00a0Malick Evouna oo goolasha u kala dhaliyay.<\/h2>\n<h2>Burkina Faso iyo Banon ayaa kulanka labaad ee tartaka koobka qaramada Afrika iskaga horyimid. Burkina Faso iyo Gabon ayaa kuwada jira Group A oo ay kulankii furitaanka wada ciyaareen xulalka qaramada Equatorial Guinea iyo Congo, kuwaas oo barbaro galay. Burkina Faso iyo Babon ayaana sii ogaa in xulka guulaystaa uu hogaanka u qaban doono Group A.<\/h2>\n<h2>Xulka qaranka Gabon ayaana dardar fiican kulankan ku bilaabatay taas oo keentay inay daqiiqadii 19 aad ciyaarta hogaankeeda la wareegto. xidiga halista ah ee kooxda Borussia Dortmund ee\u00a0 Pierre-Emerick Aubameyang ayaana Gabon u dhaliyay gookeeda kowaad, isaga oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Gabon hogaanka kula wareegtay. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1:0 kaas ay Gabon gacanta sare ku lahayd.<img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter  wp-image-96595\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Aubameyag.jpg?resize=590%2C332\" alt=\"Aubameyag\" width=\"590\" height=\"332\" \/><\/h2>\n<h2>Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Burkina Faso culays badan saartay Gabon si ay iskaga soo celiso goolka looga hormaray qaybtii hore ee ciyaarta.Qaybtii danbe ee ciyaarta ayaana noqotay mid ay labada kooxood isku qaadayeen weeraro halis ah.<\/h2>\n<h2>Daqiiqadii 72 aad ayuu\u00a0Malick Evouna xulka qarankiisa Gabon u dhaliyay goolka labaad, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Gabon ciyaarta hogaanka ugu qabatay. Kubbad uu si fiican uga soo shaqeeyay\u00a0Fr\u00e9d\u00e9ric Bulot isla markaana uu caawinteeda lahaa ayuu Evouna xulkiisa culayska kaga dulqaaday oo uu ugu dhaliyay goolka kalsoonida.Halkan kadaawo goolka labaad ee Gabon.<\/h2>\n<h2><iframe loading=\"lazy\" src=\"http:\/\/www.youtube.com\/embed\/iUBfACcHIT0\" width=\"622\" height=\"350\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/h2>\n<h2>Goolkan uu\u00a0\u00a0Malick Evouna xulka qarankiisa udhaliyay ayaa ahaa goolkii lixaad ee uu u dhaliyo 1o kii kulan ee ugu danbeeyay.Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Gabon guusha ku gaadhay. Gabon ayaana Group A saddex dhibcood ku hogaaminaysa halka Burkino Faso ugu hoosayso.<img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter  wp-image-96598\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Gabon2.png?resize=631%2C391\" alt=\"Gabon2\" width=\"631\" height=\"391\" \/><\/h2>\n<h2 class=\"entry_title\"><strong>Hordhac: Tunisia Iyo Zambia Oo Bilaabaya Kulamadooda Group B Ee Koobka Qaramada Afrika.<\/strong><\/h2>\n<h2><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-96506\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/80297355_ncupbanner.jpg?resize=624%2C351\" alt=\"_80297355_ncupbanner\" width=\"624\" height=\"351\" \/><\/h2>\n<h2><strong>Zambia v DR Congo<\/strong><\/h2>\n<h2>Garoonka: Estadio de Ebebiyin<\/h2>\n<h2>Waqtiga: 7pm Saacada Geeska Afrika<\/h2>\n<h2>Zambia iyo Democratic Republic of Congo ayaa ah dalal deris ah oo si weyn u isku yaqaana.<\/h2>\n<h2>Waxa ay iska horyimaadeen 25 jeer iyadoo Zambia ay badisay sideed jeer halka DR Congo ay badisay toaobada jeer, inkastoo DR Congo oo loo aqoon jiray Zaire ay ka badisay kulankooda kaliya ee Qaramada Afrika ee kulankii finalka ee 1974 ee lagu qabtay dalka Masar.<\/h2>\n<h2>Kabtanka Zambia Rainford Kalaba, kaasoo u ciyaara kooxda ugu weyn DR Cong ee TP Mazembe ayaa aaminsan in kulankan uu kala qeexi doono haddii ay ka soo baxayaan wareega group-yada iyo haddii kale.<\/h2>\n<h2>\u201cDR Congo waa ay adkaan doontaa sababtoo ah waxaa jira cyaartoy aan naqaano laakiin sidoo kale waa ay ogyihiin inay adag tahay in la garaaco Zambia.\u201d ayuu yiri xiddiga khadka dhexe.<\/h2>\n<h2>\u201cInaan badino kulankaan muhiimad weyn ayuu leeyahay sababtoo ah waxa uu inoo soo saari karaa wareega 8da.\u201d<\/h2>\n<h2><strong>MA OGTAHAY?<\/strong><\/h2>\n<h2>Goolhayaha xulka DR Congo iyo kabtanka Robert Kidiaba, oo 39 sanno jir noqonaya bisha Febraayo ayaa noqon doona xiddigii ugu da\u2019da weynaa ee ka qeyb qaata tartankaan isagoo waayihiisa ciyaareed ee heer caalami bilaabay 13 sanadood ka hor.<\/h2>\n<h2><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter  wp-image-96473\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.laacib.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/80313111_bata.jpg?resize=574%2C323\" alt=\"_80313111_bata\" width=\"574\" height=\"323\" \/><\/h2>\n<h2><strong>Tunisia v Cape Verde<\/strong><\/h2>\n<h2>Garoonka: Estadio Manuel Enguru<\/h2>\n<h2>Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika<\/h2>\n<h2>Tunisia waxa ay ku qasban tahay inay ka soo kabsato labo xiddig oo muhim ah oo ay weyday, weeraryahanadeeda Saber Khalifa iyo Fakhreddine Ben Youssef, kuwaasoo dhaawac darteed xilli danbe looga saaray xulka.<\/h2>\n<h2>Labada xiddig ayaa ku dhaawacmay kulankii saaxiibtinimo ee ay isbuucii hore la ciyaareen Algeria, waxaana haatan cadaadis oo dhan uu dusha ka korayaa xiddiga Bordeaux Wahbi Khazri inuu hogaamiyo xulkii koobkaan hantay 2004 ka dib markii uu ka soo dhex muuqday kulamadii isreebreebka.<\/h2>\n<h2>Dhaawacyada ayaa qeyb ka ahaa isbuuc adag oo keenay in Tunisia ay dhibaato ka soo wajahdo dhanka jiifka.<\/h2>\n<h2>Dhanka kale tababaraha reer Portugal ee xulka Cape verde Rui Aguas ayaa sheegay in xulka Blue Sharks ay doonayaan inay gaadhaan wareega 8da si la mid ah sidii ay sameeyeen labo sanno ka hor.<\/h2>\n<h2><strong>MA OGTAHAY?<\/strong><\/h2>\n<h2>Xulka Tunisa ayaa markii 12aad oo isku xigta ka soo muuqanaya Koobka Qaramada Afrika, laakiin xulka Masar ayaa rikoodh heysta iyagoo 14 jeer oo isku xigta soo xaadiray tartankaan<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Equatorial Guinea Iyo Gongo Oo Kulanka Furitaanka Koobka Qaramada Afrika Barbaro Galay Kulankii furitaanka koobka qaramada Afrika ee 2015 ayaa ku bilawday barbaro iyada oo xulka qaranka marti galinaya ee Equatorial Guinea uu barbaro la galay dhigooda Congo. Labada xul ayaa ku kala baxay barbaro min hal gool ah. Equatorial Guinea oo ka faa\u2019iidaysanaysa ciideeda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4184,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[7,2],"tags":[],"class_list":["post-4182","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-videos","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-15s","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4182","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4182"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4182\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4182"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4182"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4182"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}