{"id":4174,"date":"2015-01-18T13:43:02","date_gmt":"2015-01-18T13:43:02","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=4174"},"modified":"2015-01-18T13:43:02","modified_gmt":"2015-01-18T13:43:02","slug":"hollande-dagaal-diimeed-ma-dooneyno","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/18\/hollande-dagaal-diimeed-ma-dooneyno\/","title":{"rendered":"Hollande: Dagaal diimeed ma dooneyno"},"content":{"rendered":"<figure class=\"media-landscape full-width has-caption lead\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/ws\/660\/amz\/worldservice\/live\/assets\/images\/2015\/01\/17\/150117171400_niger_624x351_afp_nocredit.jpg?resize=624%2C351\" alt=\"\" width=\"624\" height=\"351\" \/><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"media-caption__text\">Niger waxaa ka socdo dibad baxyo looga soo horjeedo sawir gacmeedka<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p class=\"story-body__introduction\">Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa sheegay in uusan marnaba aqbalayn in uu dabinka ugu dhaco \u201cargagixisada\u201d oo uu faraha la galo dagaal diimeed.<\/p>\n<p>Mr Hollande ayaa hadalkaasi jeediyay xilli dibad-baxyo ka dhanka ah Faransiiska ay ka socdaan waddamo badan oo uu ka mid ah dalalka Islaamka.<\/p>\n<p>Dibadbaxyada ugu ballaaran ayaa waxa ay ka dhacayaan dalka Niger oo illaa todobo kaniisad lagu gubay.<\/p>\n<p>Mr Hollande ayaa sheegay in Faransiisku uu ahaanaya dal calmaani ah oo u furan diimaha oo dhan.<\/p>\n<p>Waxa uu ugu baaqay dadka dalkiisa in ay midoobaan oo ay ku dhegnaadaan mabaa&#8217;diida dalkooda.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape full-width has-caption\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/ws\/625\/amz\/worldservice\/live\/assets\/images\/2015\/01\/17\/150117141917_niger_624x351_n_nocredit.jpg?resize=624%2C351\" alt=\"\" width=\"624\" height=\"351\" \/><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"media-caption__text\">Dadka isu soo baxay waxaa u badan dhallinyaro<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Dhanka kale dibad-baxyada ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Niamey ee dalka Niger ayaa waxaa ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid maalba.<\/p>\n<p>Dadka dibad-baxyada dhigaya ayaa dab qabadsiiyay kaniisado isla markaana jeex-jeexay nuqullo ka mid ah Baybalka.<\/p>\n<p>Dadkaasi ayaa arrintaasi uga jawaabaya daabacaadda sawir gacmeed uu wargeyska Charlie Hebdo uu ka sameeyay Nabi Muxammed Naxariis iyo Nabad Gelyo korkiisa ha ahaatee.<\/p>\n<p>Baadari lagu magacaabo Zakaria Jadi, oo kaniisaddiisa la gubay ayaa BBC-da u sheegay in waxba aan looga tagin meesha.<\/p>\n<p>Dalalka kale ee dibadbaxyada ay ka dheceen waxaa ka mid ah, Pakistan, Turkiga, Yaman, Soomaaliya iyo kuwa kaloo badan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Niger waxaa ka socdo dibad baxyo looga soo horjeedo sawir gacmeedka Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa sheegay in uusan marnaba aqbalayn in uu dabinka ugu dhaco \u201cargagixisada\u201d oo uu faraha la galo dagaal diimeed. Mr Hollande ayaa hadalkaasi jeediyay xilli dibad-baxyo ka dhanka ah Faransiiska ay ka socdaan waddamo badan oo uu ka mid ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4175,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4174","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-15k","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4174","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4174"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4174\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4174"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4174"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4174"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}