{"id":4140,"date":"2015-01-17T16:16:54","date_gmt":"2015-01-17T16:16:54","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=4140"},"modified":"2015-01-17T16:16:54","modified_gmt":"2015-01-17T16:16:54","slug":"waxaanu-ognahay-in-guddoomiyaha-xisbiga-waddani-uu-sidii-craxmaan-tuur-doonayo-midnimo-waayo-imika-wuxuu-xidhiidh-la-leeyahay-dawladda-xasan-sheekh-la-taliyaha-madaxwaynaha-somaliland-ee-ha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/17\/waxaanu-ognahay-in-guddoomiyaha-xisbiga-waddani-uu-sidii-craxmaan-tuur-doonayo-midnimo-waayo-imika-wuxuu-xidhiidh-la-leeyahay-dawladda-xasan-sheekh-la-taliyaha-madaxwaynaha-somaliland-ee-ha\/","title":{"rendered":"Waxaanu Ognahay In Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Uu Sidii C\/raxmaan Tuur Doonayo Midnimo, Waayo Imika Wuxuu Xidhiidh La Leeyahay Dawladda Xasan Sheekh\u201d La Taliyaha Madaxwaynaha Somaliland Ee Hay\u2019adaha, C\/fataax Siciid Axmed  Wareysi Gaar Ah"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/images-16.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-4141\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/images-16.jpg?resize=298%2C169\" alt=\"images-16\" width=\"298\" height=\"169\" \/><\/a>Xukuumadda Somaliland, ayaa ka biyo diiday hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaasi oo nuxurkiisu ahaa in lala xaajoodo Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar oo dhawaan ka fallaagoobay Somaliland.<\/h2>\n<h2>Xukuumaddu waxay sheegtay in Suldaan Wabar oo reer AWDAL ahi uu ka soo horjeedo qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, sidaa daraadeedna ay wax lala yaabo tahay in Guddoomiye Cirro soo jeediyo in lala hadlo ama heshiis lala gaadho qof qaran dumis ah.<\/h2>\n<h2>Sidaana waxa sheegay La Taliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee arrimaha hay\u2019adaha Caalamiga ah iyo kuwo Maxaliga ah, Cabdifataxaax Siciid Axmed oo Wareysi siiyey Wargeyska Somalilandtoday isagoo safar ku jooga Magaalada London.<\/h2>\n<h2>Cabdifataax oo la waydiiyey sida uu u arko talada Guddoomiye Cirro ee ah in xukuumaddu la xaajooto Suldaan WABAR, ayaa ku jawaabay\u00a0 \u201cNinka Maanta leh Suldaan Wabar waa reer Somaliland waa ayaan daro, waayo Suldaan Wabar wuxuu dibadda uga baxay gooni isku taaggii, halgankii dalkan loo galay, markaa ninka leh waa Suldaane ha lala hadlo waa arrin aad iyo aad looga xumaado\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu sheegay \u201cNin qaran dumis ah inuu Cabdiraxmaan Cirro yidhaahdo ha lala xaajoodo waa wax aad iyo aad looga xumaado, waxaanan leeyahay Cabdiraxmaanow arrinkaa ku noqonno\u201d<\/h2>\n<h2>La Taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Hay\u2019aduhu waxa kale oo uu Guddoomiyaha WADDANI ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay dawladda Soomaaliya isla-markaana uu mustaqbalka doonayo midnimo Soomaali-weyn \u201cWaxaanu ognahay oo aanu xog-ogaal u nahay in Guddoomiyaha WADDANI uu xidhiidh la leeyahay dawladda Xamar ee Xasan Sheekh Madaxwaynaha ka yahay\u201d ayuu yidhi, la taliyaha Madaxwaynuhu, waxaanu intaasi ku daray in Guddoomiye Cirro damacsan yahay sidii Marxuum Cabdiraxmaan Tuur ugu goostay Xamar \u201cWuxuu doonayaa \u00a0in sidii Cabdiraxmaan Tuur oo kale ay meesha ka dhacdo oo uu isaguna marka dambe Xamar iska tago. Sidaa daraadeed waxaan leeyahay waa in dadka reer Somaliland guddo iyo dibadba haka feejignaadaan waxyaabaha noocaas ah \u00a0ama laga hor-tago waxyaabahaa uu Guddoomiyuhu damacsan yahay\u201d<\/h2>\n<h2>Cabdifataax Siciid Axmed, oo sii hadlaya ayaa sheegay \u201cWaxaanu ognahay inuu xidhiidhkaasi jiro iyo inuu midnimo iyo wax aan loo joogin uu doonayo, waayo xisbiga WADDANI waa cunsuri\u201d ayuu yidhi<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukuumadda Somaliland, ayaa ka biyo diiday hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaasi oo nuxurkiisu ahaa in lala xaajoodo Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar oo dhawaan ka fallaagoobay Somaliland. Xukuumaddu waxay sheegtay in Suldaan Wabar oo reer AWDAL ahi uu ka soo horjeedo qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, sidaa daraadeedna [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4141,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4140","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-14M","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4140","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4140"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4140\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4140"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4140"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4140"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}