{"id":41358,"date":"2018-02-04T18:51:20","date_gmt":"2018-02-04T18:51:20","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=41358"},"modified":"2018-02-04T18:51:44","modified_gmt":"2018-02-04T18:51:44","slug":"somaliland-wershad-cidhiidh-gelisay-shirkada-sbi-oo-kooto-ku-haysatay-sharaabka-soodhaha-leh-oo-laga-furay-burco","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2018\/02\/04\/somaliland-wershad-cidhiidh-gelisay-shirkada-sbi-oo-kooto-ku-haysatay-sharaabka-soodhaha-leh-oo-laga-furay-burco\/","title":{"rendered":"Somaliland: Wershad cidhiidh gelisay Shirkada SBI Oo Kooto ku Haysatay Sharaabka Soodhaha leh oo laga furay Burco"},"content":{"rendered":"<p><strong>Walaaca Shirkadda SBI, wax-soo-saarka Wershada Saxansaxo iyo dareenka Bulshada ee tartanka Ganacsiga<\/strong><\/p>\n<p><strong>Hargeisa(AN):- Wallow Mudooyinkii Hore Sharaabka Noocyadiisa Kala Duwan ka Iman Jiray Dalalka Dibada Waxaa Mudo Kusiman Ilaa Saddex Sano Dalka ka Soosaaray Warshada\u00a0 SBI cocacola oo Soosaarta \u00a0Sharaabka Noocayadiisa Kala Duwan, Iyadoo Taasina Meesha Ka Saartay In Gabi Ahaanba La Joojiyo Sharaabyadii kala Duwaa ee Ka Iman Jiray Dalka Dibadiisa, taas oo ganacsatadii kala duwaneyd ee dalka dibadiisa kala soo dagi jiraynaya lagu qasbay inay ka iibsadaan wershada SBI oo xukuumadii hore madaxweyne axmed\u00a0 Siilaayo kooto ugu xidhay Sharaabka Soo-saarista Sharaabka.<\/strong><\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline \"><\/div>\n<p><strong>Waxaana Wershada SBI Sidoo kale Xukuumadii madaxweyne Axmed Siilaayo Amar ku Bixisay In Loo Sameeyo Cashuur dhaaf aad u\u00a0 hooseeya maadama ay tahay wershad waxsoosaar oo dalka laga leeyahay.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Marka laga yimaado Bilihii ugu horeeyey Oo Wershada SBI Ay Sharaab Qiimo Jaban Dadka ka iibin jirtay Labadii sano ee u danbeeyey qiimaha sharaabka ay soosaarto warshada sbi waxaa uu la qiimo noqday sharaabadii hore ay ganacsatadu soo dejin jirtay, mana jirin wax faraq ah oo u dhexeeyey qiimaha lagu iibiyo sharaabka ka yimaada dalka dibadiisa iyo ka dalka ay ku farsamayso SBI cocacola.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Hadaba kadib markii ay Dhawaan Xilka la Wareegtay Xukuumada Cusub Ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi\u00a0 oo la kowsatay Dhiirigalinta Ganacsiga Xorta ah\u00a0 ayaa Waxa Dalka Laga hirgaliyey Warshado Cusub oo Soosaara Sharaabka Soodhaha Leh Noocayadiisa kala Duwan.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Waxaana Talaabadan\u00a0 Soodhaweeyey Ganasatada yar-yar ee la Daaladhacayey Qiimaha Sare ee ay Ku iibsadaan Sharaabka Shirkada SBI\u00a0 oo kootada ugu xidhnaa, taasoo meesha ka saaraysa in Qiimo gaar ah lagu Iibiyo Sharaabka, isla markaana abuuraysa tartan Ganacsi oo Bulshada dan u ah, kaasoo ku wajahan suuqa Sharaabka soodhaha leh.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Wrshadan Cusub ee ku soo korodhay soo-saarka Sharaabka oo magaceeda la yidhaahdo Saxansaxo\u00a0 ayaa Soo-saaraysa noocyo kala duwan oo Sharaab Soodhe leh ah, kaasoo durba cidhiidha geliyey Sharaabka SBI oo markii hore Kooto ku haystay Suuqa.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Labadan Shirkadood ayaa waajihi doonaa tartan adag oo dhinaca Suuqa ah, taasoo guul weyn u ah Shacbiga iyo daah-furnaanta Ganacsiga dalka.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Walaaca Shirkadda SBI, wax-soo-saarka Wershada Saxansaxo iyo dareenka Bulshada ee tartanka Ganacsiga Hargeisa(AN):- Wallow Mudooyinkii Hore Sharaabka Noocyadiisa Kala Duwan ka Iman Jiray Dalalka Dibada Waxaa Mudo Kusiman Ilaa Saddex Sano Dalka ka Soosaaray Warshada\u00a0 SBI cocacola oo Soosaarta \u00a0Sharaabka Noocayadiisa Kala Duwan, Iyadoo Taasina Meesha Ka Saartay In Gabi Ahaanba La Joojiyo Sharaabyadii kala [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":41359,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":true,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-41358","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/Warshadahaha.png?fit=696%2C497&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-aL4","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41358","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=41358"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41358\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":41361,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41358\/revisions\/41361"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/41359"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=41358"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=41358"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=41358"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}