{"id":41134,"date":"2018-01-22T12:04:12","date_gmt":"2018-01-22T12:04:12","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=41134"},"modified":"2018-01-22T12:04:12","modified_gmt":"2018-01-22T12:04:12","slug":"madaxweynaha-somaliland-oo-daah-furay-barnaamij-lagu-tayeynayo-laguna-tiro-koobayo-shaqaalaha-dawladda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2018\/01\/22\/madaxweynaha-somaliland-oo-daah-furay-barnaamij-lagu-tayeynayo-laguna-tiro-koobayo-shaqaalaha-dawladda\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha  Somaliland oo Daah-furay Barnaamij Lagu Tayeynayo Laguna Tiro Koobayo Shaqaalaha Dawladda."},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa-22.01.2018-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ramsi ah u daah-furay qorshe ballaadhan oo lagu tiro koobayo shaqaale weynaha rayidka ah ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee dawladda, kaas ay hormood ka tahay hay\u2019adda shaqaalaha dawladdu.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Munaasibadda daah-furka hawshan oo maanta\u00a0 ka bilaabantay madaxtoyada Somaliland, ayaa waxa ibo furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaana qayb ka ahaa guddoomiyaha hay\u2019adda shaqaalaha dawladda Mudane Sharma\u2019arke Axmed Muxumed Geelle iyo wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, Marwo Hindi Jaamac Xirsi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ugu horrayn guddoomiyaha hay\u2019adda shaqaalaha dawladda Somaliland Mudane Sharma\u2019arke Axmed Muxumed Geele oo munaasibadda lagu daah-furay tayeynta iyo sugidda tirada shaqaalaha dawladda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa\u00a0 tilmaamay inay tallaabadani tahay mid lagu kobcinayo xirfadda shaqaalaha, isla markaana caddaaladooda lagu sugayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, \u201cMaanta waxa aynu daah-furaynaa bilowga laba kaclaynta qaranka oo ah in la diyaariyo shaqaale wanaagsan oo qaranka siiya adeeg tayeysan, waxana aynu kobcin doonaa xirfaddooda, xoolahooda iyo dhammaanba wixii ay agab iyo adduunba inooga baahdaan si ay u bixiyaan adeeg wanaagsan\u201d.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Marwo Hindi Jaamac Xirsi, ayaa iyaduna xustay in sugidda tirada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda u shaqeeyaa hal-beeg u noqon doonto qorsheyaasha qaranka muhiimka ah ee la qaadanayo, waxaana ay tidhi, \u201cMaadaama oo aynu nahay qaran jira waxa muhiim ah inaynu ogaanno ummadeena inta shaqaysa iyo\u00a0 inta uqalanta shaqooyinka ay hayaan iyo inta aan u qalmin,\u00a0 marka aynu ogaanno tirada shaqaalaheenana waxa aynu ogaan karnaa tirada shaqaalaha aynu qaadan karno sanad-miisaaniyadeed kasta iyo xirfadaha aynu u baahanahay inaynu ku kordhinno, farriintayduna waa in waqtiga shaqada la ilaaliyo oo uu qofkuna shaqadiisa ilaashado.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ujeedda laga leeyahay barnaamijkan shaqaalaha dawladda lagu tiro koobayaa tahay sidii kor loogu qaadi lahaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan shaqaalaha dawladda ee gacanta ku haya adeegyada bulshada loo hayo, waxaana uu yidhi,\u201cUjeeddada aynu hawshan iyo tirintan ka leenahay waa inaynu dadka ku abuurno qaran ahaan iyo shaqaale ahaanba kalsooni ah inay wax waliba u socdaan si hufan oo aan musuq lahayn, dawladina waxa ay ku dhisan tahay aaminaadka dadka\u2019e waxa la inaga rabaa inaynu dadku ku qancaan inaynu ugu adeegayno si daacad ah oo aan lahayn musuq ama aanu qofku tirsanayn caddaalad-darro lagu dulmaayo awoodda dawladda.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa farta ku fiiqay in abuuritaanka jawi kalsooniyeed oo laga dhex\u00a0 unkumo cashuur bixiyeyaasha iyo dawladdu halbeeg u tahay isku filaansho iyo horumar qaranku gaadho, \u201cHaddii dadka shicibka ah ee dhaqaalaha haysta iyo qofka aan haysanin ee caadiga ahi sida taajirka lacagta badan laga qaado, islaanta tamaandhada iibinaysa\u00a0 ee wax laga qaado iyo qofka shaqaalaha ah ee mushaharka yar qaata ee wax laga jaraa ay aaminaan in lacagtaa laga qaaday ay halkii loogu tallo galay ku dhacayso waxaan aaminsanahay inaynu wax badan dhibaatooyinka jira \u00a0ka baxayno oo aynu isku filnaansho gaadhayno, xukuumad ahaanna waxa la inaga rabaa inaynu taas hirgelino, si taas loo hirgeliyana waxa aynu ka bilownay inaynu shaqaalaha dawladda ogaanno,\u201d ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa shaaciyey in hawshani bilow u noqon doonto garsoor shaqaalaha dhexdooda ah, isla markaan aan wax haddidaad ah loo geysan doonin shaqaalaha dawladda, waxaana uu yidhi, \u201cWaxa soo noqnoqday in dawladdu mushahar badan bixiso oo in badan oo mushaharkaas kamid ah ay qaataan dad aan shaqaynini, amaba dad aan jirini, taas weynu hubinaynaynaa, midna weynu ognahay oo dadka mushaharka la siiyaa wuu yar yahay oo kuma filna, taasina waxa ay keentaa niyad-jabka iyo musuqa, si taas looga baxana waxa aynu ogaanaynaa tirada aynu u baahanahay, dabadeedna waxaynu ku dedaali doonaa in wixii la inoo dhiibo amaba qaranka cashuur ahaan looga soo ururiyaa uu halkiisii oo aan musuq lahayn uu galo, waxaana aynu ku dari doonnaa in shaqada loo sinnaado oo uu qof kastaa kusoo galo aqoontiisii, maantana tani waa bilow, shaqaalahana lama eryayo lamana riix-riixayee waxa la hubsanayaa imisaa inoo shaqeeya, imisaase inaga dhiman.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Barnaamijka lagu sugayo tirada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda u shaqeeyo, isla markaana dib loogu eegayo\u00a0 tayadooda, ayaa socon doona muddo toddobaatan (70) maalmood ah, waxaana ka qayb ah qorshayaashii lagu samayn lahaa hawlgabka shaqaalaha dawladda, maadaama oo ay jiraan shaqaale badan oo gaadhay da\u2019dii ay hawlgab ku noqon lahaayeen.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/ysyAeMbO97k\" width=\"854\" height=\"480\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa-22.01.2018-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ramsi ah u daah-furay qorshe ballaadhan oo lagu tiro koobayo shaqaale weynaha rayidka ah ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee dawladda, kaas ay hormood ka tahay hay\u2019adda shaqaalaha dawladdu. &nbsp; Munaasibadda daah-furka hawshan oo maanta\u00a0 ka bilaabantay madaxtoyada Somaliland, ayaa waxa ibo furay madaxweynaha Jamhuuriyadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":40176,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-41134","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/Presedent-MBC.png?fit=458%2C312&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-aHs","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41134","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=41134"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41134\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":41135,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41134\/revisions\/41135"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/40176"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=41134"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=41134"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=41134"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}