{"id":41111,"date":"2018-01-21T15:24:58","date_gmt":"2018-01-21T15:24:58","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=41111"},"modified":"2018-01-21T15:24:58","modified_gmt":"2018-01-21T15:24:58","slug":"xukuumadda-somaliland-oo-hayadda-cuntada-iyo-beeraha-ee-fao-kala-wareegtay-qalab-kalluumaysi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2018\/01\/21\/xukuumadda-somaliland-oo-hayadda-cuntada-iyo-beeraha-ee-fao-kala-wareegtay-qalab-kalluumaysi\/","title":{"rendered":"Xukuumadda Somaliland oo Hay\u2019adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO Kala Wareegtay Qalab Kalluumaysi"},"content":{"rendered":"<p>Berbera-(AN)Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka\u00a0 Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaam Cabdillaahi Ismaciil (Saylici) oo safar shaqo ku jooga magaaladda Berbera ee Caasmadda gobolka saaxil ayaa saaka kormeeray dekedii hore ee Nec-Fish oo lagu sameeyay dayactir iyo dib u habayn balaadhan.<\/p>\n<p>Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaam Saylici oo uu wehelinayo Wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo\u00a0 horumarinta Kalluumaysiga Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa xadhiga ka jaray deked yar oo loogu tallo galay Kaluumaysiga taasi oo ay hirgalisay Hay\u2019adda Cuntada iyo beeraha ee Qaramadda midoobay ee loo soo gaabiyo FAO isla markaasna ay maalgalisay dawladda Norway.<\/p>\n<p>Madaxweyne ku xigeenka Somaliland \u00a0oo ka qayb galay Munaasibad Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysigu ay Hay\u2019adda FAO kagala wareegtay todoba doonyood oo nooca kalluumaysiga ah oo lagu sameeyay dayactir iyo dekedda Kalluumaysiga ee Nec-Fish ayaa waxaa kasoo qayb-galay Saraakiil ka socda Dawladda Norway, Masuuliyiinta Hay\u2019adda FAO ee Somaliland iyo Xirfadlayaal lagu tababaray Jaamacadda Faraca badda ee Berbera, kuwaasi oo iyagu sameeyay Doonyahan Kalluumaysi ee lagu wareejiyay Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha \u00a0iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland.<\/p>\n<p>Saraakiishan ka kala socda Hay\u2019adda FAO iyo dawladda Norway ayaa sharraxay dedaalka isugu jiray \u00a0tababarka iyo aqoon korodhsiga ay siiyeen shaqaalaha sameeyay doonyahan iyo baahida loo qabo inay Xukuumadda Somaliland ka faa\u2019iidaysato xirfaddooda.<\/p>\n<p>Wasiirka Xannaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali ayaa ka mahadceliyay deeqda dawladda\u00a0 Norway ay Somaliland siiso, Waxaanna uu ammaanay wadashaqaynta ka dhaxaysa Hay\u2019adda FAO.<\/p>\n<p>Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay inay Xukumadda cusubi awoodda saari doonto wax soo saarka beeraha iyo Kalluumaysiga waxaanna uu ammaanay dayactirka Nec-Fish-ta Magaalada Berbera iyo doonyahan cusub oo uu ku tilmaamay billow wanaagsan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Berbera-(AN)Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka\u00a0 Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaam Cabdillaahi Ismaciil (Saylici) oo safar shaqo ku jooga magaaladda Berbera ee Caasmadda gobolka saaxil ayaa saaka kormeeray dekedii hore ee Nec-Fish oo lagu sameeyay dayactir iyo dib u habayn balaadhan. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaam Saylici oo uu wehelinayo Wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo\u00a0 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":41112,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-41111","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/1H3A9000.jpg?fit=800%2C533&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-aH5","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41111","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=41111"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41111\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":41114,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41111\/revisions\/41114"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/41112"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=41111"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=41111"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=41111"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}