{"id":40873,"date":"2018-01-04T15:14:37","date_gmt":"2018-01-04T15:14:37","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=40873"},"modified":"2018-01-04T15:14:37","modified_gmt":"2018-01-04T15:14:37","slug":"golaha-wasiirrada-somaliland-oo-qarraar-ka-soo-saartay-maamulka-hawada-iyo-arrimo-kale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2018\/01\/04\/golaha-wasiirrada-somaliland-oo-qarraar-ka-soo-saartay-maamulka-hawada-iyo-arrimo-kale\/","title":{"rendered":"Golaha Wasiirrada Somaliland oo Qarraar ka soo saartay Maamulka Hawada iyo Arrimo kale"},"content":{"rendered":"<p class=\"xgmail-msonormal\">Hargeysa(AN)-Warsaxaafaddeed ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu sheegay in Goluhu dood dheer ka yeeshay Qodobo ku saabsan Xaalada Siyaasaddeed, dhaqaale iyo Maamul ee dalka, kuwaasoo gunnaanadkii Shirka laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban Afar qodob.<\/p>\n<p class=\"xgmail-msonormal\">\u201cShirkan oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay hoolka shirarka golaha wasiirada ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa dood-dheer oo ay yeesheen ka dib waxa shirkaasi ka soo baxay laguna lafo-guray qodobo muhiim u ah qaranka iyo shacbiga Somaliland.\u201d Ayaa lagu yidhi Warsaxaafaddeed ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyada.<\/p>\n<p class=\"xgmail-msonormal\">Warsaxaafaddeedka ayaa lagu sii yidhi \u201c<b>Waxaanay u dhignaayeen Qodobada ka soo baxay shirku:-<\/b><\/p>\n<p class=\"xgmail-msolistparagraph\">1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 In Dawladda Somaliland ay gardaro cad u aragto faro-gelinta ay Soomaaliya ku samaysay hawada Somaliland, sidoo kalena ay qaar ka mid ah maamulkeedu soo galaan xuduudaha Somaliland, taasina maaha mid ay Somaliland u dulqaadan doonto wixii hadda ka danbeeya.<\/p>\n<p class=\"xgmail-msolistparagraph\">2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 In la xoojiyo go\u2019aankii wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeyntu ay ka soo saartay joojinta dhulka danta guud ee qaranka.<\/p>\n<p class=\"xgmail-msolistparagraph\">3.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 In la joojiyo qabyaalada loo isticmaalo warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawl-gasha.<\/p>\n<p class=\"xgmail-msolistparagraph\">4.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 In \u00a0xubnahan hoos ku xusan loo saaro inay ka shaqeeyaan xal u helidda qiima dhaca shilinka Somaliland, xubnahaas oo kala ah:-<\/p>\n<p class=\"xgmail-msolistparagraph\">\u00d8\u00a0 Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Yuusuf Maxamed Cabdi,<\/p>\n<p class=\"xgmail-msolistparagraph\">\u00d8\u00a0 Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad<\/p>\n<p class=\"xgmail-msolistparagraph\">\u00d8\u00a0 Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud Cawad<\/p>\n<p class=\"xgmail-msolistparagraph\">\u00d8\u00a0 Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Dr Cabdiweli Sh Cabdilaahi Suufi<\/p>\n<p class=\"xgmail-msolistparagraph\">\u00d8\u00a0 Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Xasan Maxamed Cali iyo<\/p>\n<p class=\"xgmail-msolistparagraph\">\u00d8\u00a0 Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale)<\/p>\n<p><strong>Dheriga Maxaa kulaylka ka keenay?<\/strong><\/p>\n<p>Maalintii shalay ayey ahayd markii Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uu Xukuumadda madaxweyne Muuse ku eeddeeyey inay raali ka tahay in Hawada Somaliland laga maamulo Soomaaliya iyo inay Masuuliyiin ka socda Dawladda Soomaaliya booqasho siyaasaddeed ku yimaadaaan Gudaha Somaliland.<\/p>\n<p>Maamulka Hawada Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto ayaa dabayaqaadii Bishii December munaasibad lagu daah-furay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, balse wali ma cadda in si rasmiya dawladda Federaalka loogu wareejiyey Maamulka Hawada iyo haddiiba lagu wareejiyo qaabka ay u maamuli doontaa.<\/p>\n<p>Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa hore wadahadallo uga yeeshay arrinta Maamulka Hawada iyo sidii ay ula wareegi lahaayeen. Laakiinse heshiisyadii laga gaadhay wadahadalladaasi may noqon kuwo dhaqan-gal noqday.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Warsaxaafaddeed ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu sheegay in Goluhu dood dheer ka yeeshay Qodobo ku saabsan Xaalada Siyaasaddeed, dhaqaale iyo Maamul ee dalka, kuwaasoo gunnaanadkii Shirka laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban Afar qodob. \u201cShirkan oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":40874,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-40873","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/Golaha-wasiirada3.jpg?fit=500%2C219&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-aDf","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40873","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=40873"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40873\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":40875,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40873\/revisions\/40875"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/40874"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=40873"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=40873"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=40873"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}