{"id":40582,"date":"2017-12-12T19:19:38","date_gmt":"2017-12-12T19:19:38","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=40582"},"modified":"2017-12-12T19:19:38","modified_gmt":"2017-12-12T19:19:38","slug":"madaxweynaha-la-doortay-oo-qaabilay-safiirro-iyo-diblomaasiyiin-ka-socda-midowga-yurub-iyo-dawladda-ingiriiska","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/12\/12\/madaxweynaha-la-doortay-oo-qaabilay-safiirro-iyo-diblomaasiyiin-ka-socda-midowga-yurub-iyo-dawladda-ingiriiska\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha la Doortay oo Qaabilay Safiirro iyo Diblomaasiyiin ka socda Midowga Yurub iyo Dawladda Ingiriiska"},"content":{"rendered":"<div tabindex=\"-1\">\n<div tabindex=\"-1\">\n<div tabindex=\"0\">\n<div>\n<div class=\"_rp_g5\" tabindex=\"-1\">\n<div class=\"_rp_S4 ms-border-color-neutralLight ShowReferenceAttachmentsLinks ShowConsesusSchedulingLink\" tabindex=\"-1\">\n<div class=\"_rp_55 _rp_45\">\n<div>\n<div id=\"Item.MessagePartBody\" class=\"_rp_U4\">\n<div id=\"Item.MessageUniqueBody\" class=\"_rp_V4 ms-font-weight-regular ms-font-color-neutralDark rpHighlightAllClass rpHighlightBodyClass\">\n<div class=\"rps_95c0\">\n<div>\n<div>\n<div dir=\"ltr\">\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">Hargeysa (AN )- Madaxweynaha cusub ee uu dhawaan doortay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka kooban safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda ururka dalalka Midowga Yurub iyo dalka Ingiriiska oo booqasho ku yimi Somaliland.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">Weftigan oo ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Yurub u u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Veronique Lorenzo, xubnana ka yihiin safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Daved Concar, sariirro diblomaasiyiin ka socda dalalka Denmark, Sweden iyo Switzerland iyo weliba saraakiil sare oo ka tirsan hay\u2019adda dalka Britain u qaabilsan deeqaha caalamiga ah ee DFID, kuwaas oo ujeeddada socdaalkooda uu ka mid yahay ka qaybgalka xafladda dhaarinta Madaxweynaha cusub ee dhacaysa berri, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi uu ku qaabilay qasriga Madaxtooyada galabta.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">Madaxweynaha la doortay Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, waxa kulankaasi dhexmaray safiirrada iyo diblomaasiyiinta reer Yurub ay kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo muhiim ah, waxaanay labada dhinac diiradda saareen qodobbo ku saabsan kor-u-qaadista iyo dardargelinta xidhiidhka ay Somaliland la leedahay guud ahaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo Waddanka Ingiriiska iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ay dhinacyadu ku wadashaqayn karaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">Safiirrada iyo diblomaasiyiinta Midowga Yurub iyo Ingiriiska, ayaa dhinacooda shaaciyey inay u socdaan ka qaybgalka xafladda lagu dhaarinayo Madaxweynaha cusub, isla markaana ay diyaar la yihiin inay si buuxda ula shaqeeyaan Madaxweynaha dhawaan la doortay iyo xukuumadiisaba, kana taageeri doonaan dhinacyada maalgashiga, horumarinta, qorshaha mashruuca weyn ee lagu dhisayo waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor), tayeynta waxbarashada gaar ahaan farsamada gacanta iyo sidii loo dejin lahaa hannaan ama farsamo ay ku sii socon karaan wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">Ugu dambayn, Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu uga mahadceliyey weftigan booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxaannu tilmaamay inay ka go\u2019an tahay sidii uu wadashaqan midho-dhal leh ula yeelan lahaa dalalka beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub iyo waddanka Ingiriiska ee ay ka socdaan safiirrada iyo diblomaasiyiintani.<\/span><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"_pe_d _pe_62\" tabindex=\"-1\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"_rp_05\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"_rp_k\" tabindex=\"-1\">\n<div class=\"_qc_F ms-bg-color-white _qc_G\">\n<hr class=\"_qc_B\" \/>\n<div class=\"_qc_y ms-border-color-neutralLight _qc_z\" tabindex=\"-1\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN )- Madaxweynaha cusub ee uu dhawaan doortay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka kooban safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda ururka dalalka Midowga Yurub iyo dalka Ingiriiska oo booqasho ku yimi Somaliland. Weftigan oo ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Yurub u u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":40583,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-40582","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/12\/thumbnail_DSC_4215-1.jpg?fit=960%2C509&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-ayy","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40582","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=40582"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40582\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":40584,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40582\/revisions\/40584"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/40583"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=40582"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=40582"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=40582"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}