{"id":40546,"date":"2017-12-10T21:12:41","date_gmt":"2017-12-10T21:12:41","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=40546"},"modified":"2017-12-10T21:12:41","modified_gmt":"2017-12-10T21:12:41","slug":"xarunta-xuquuqal-insaanka-oo-soo-saartay-warbixinteeda-sanad-laha-ah-ee-xaaladda-xuquuqal-insaanka-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/12\/10\/xarunta-xuquuqal-insaanka-oo-soo-saartay-warbixinteeda-sanad-laha-ah-ee-xaaladda-xuquuqal-insaanka-somaliland\/","title":{"rendered":"Xarunta Xuquuqal Insaanka oo soo saartay warbixinteeda sanad laha ah ee xaaladda xuquuqal insaanka Somaliland"},"content":{"rendered":"<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Xarunta Xuquuqal Insaanka oo soo saartay warbixinteeda sanad laha ah ee xaaladda xuquuqal insaanka Somaliland<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Sanad kasta 9ka December, maalin ka hor Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka, waxa Xarunta Xuquuqal Insaanku ay soo saartaa warbixin sanad leh ah oo ay kaga hadlayso xaaladda xuquuqda aadanaha ee sanadkaas. Ujeedadu waa in dareenka lagu soo jeediyo arimaha xuququal insaan ee jira islamarkaana talooyin la bixiyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Warbixinta sanadkan 2017 oo ka kooban lixdan bog waa mid ka dhalatay cilmi baadhis laga sameeyey dhamaan gobolada dalka oo dhan iyada oo la waraystay dadka ay khuseeyso islamarkaana la dersay qoraalo muhiim ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Warbixintu waxaay ka hadlaysaa dhaqanka kakan ee booliiska oo weli u xidha dadka si aan waafaqsanayn shuruucda dalka u taal. Iyada oo aanu jirin xeer dhaqangal ah oo xanibaya awoodaha booliisku isticmaalo. Xaruntu waxaay diiwangelisay sanadkan dhacdooyin badan oo booliisku uu gaystay xad gudubyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Booliiska Somaliland ma laha oo kuma dhaqmo qoraalo qoran oo tilmaamaya habka iyo goorta uu isticmaali karo xabad. Dadka ay xidhaan waxaay kula kacaan tacadiyo jidheed iyo kuwo aflagaado iyaga oo isticmaala marka ay dadka xidhayaan awood xad dhaaf ah. Dadka waxyeelada ka soo gaadhay gacanta booliiska waxa ka mid ah dad naftooda ku waayahay iyo kuwo ku dhaawacmay.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Arimaha booliiska la xidhiidha ee warbixintu ay ka hadlayso waxa ka mid ah:<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Saldhigyada booliiska ee buux dhaafka ah oo ay aad u daran tahay xaaladooda nadaafad, cunto iyo caafimaad;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Xadhigga aan loo haysan waaranka maxkamadeed oo caado ka noqday Somaliland iyada oo garsoorku aanu ku samayn korjoogtayn booliiska si loo hubiyo inaan lagu tacadiyin xuquuqda dastuurka ku qoran;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Mudada rumaanka dadka lagu hayo oo aad u dheer;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Qareenada oo aan loo ogolayn inay saldhigga dhexdiisa kula kulmaan dadka xidhan iyo inay talo ku dhex siiyaan;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Qareenada oo aan helin mudo ku filan oo ay difaaca ku diyaarsadaan;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Cadaymaha oo aan qareenada iyo dadka la soo eedeeyey la sii siin ka hor intaan dacwaddu bilaabmin si ay ugu heli karaan fursad ay iskaga difaacaan;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Inta badan dadka la soo eedeeyo qareeno ma laha;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Booliiska iyo ciidanka qaranka oo awood xad dhaaf ah isticmalaay mudaharaadyo dhacay doorashada kadib, 15 November 2017. Ugu yaraan afar qof way ku dhintaan sagaal kalaena way ku dhawaacameen mudaharaadyadaas.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Dad loo xidho dacwado madani ah oo ay ka mid tahay dayn.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Arimaha kale ee warbixintu ka hadashay waxa ka mid ah:<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Tacadiyada loo gaysto haweenka iyo hablaha ee ay ka mid yihiin kufsiga, garaacista, gudniinka;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Xuquuqda qabiilada laga tirada badan yahay;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">U cago juglaynta dadka u dooda xuquuqda insaanka;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Xadhiga iyo dacwaynta siyaasiyiinta;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Xadhiga iyo dacwad ku oogista suxufiyiinta iyo sidoo kale xayiraadda goobo warbaahineed. Sanadkan, 2017, 27 suxufi ayaa la xidhay. Laba ka mid ah dacwad ayaa lagu soo oogay. Sidoo kale lix shabakadood ayaa la xayiray. Sanadkii hore ee 2016 waxa la xidhay 28 suxufi iyada oo la xayiray 2 wargays.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Talo soo jeedin<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay dawladda Somaliland kula talinaysaa:<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">In la cidhib tiro takoorka iyo faquuqa lagu hayo qabiilada laga tiro baan yahay, lana siiyo adeegyo<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">In la cidhib tiro tacadiyada ka dhanka ah haweenka, lana ansixiyo xeerarka ilaalinaya haweenka iyo hablaha ee ay ka mid yihiin xeerka qoyska, xeer kufsiga;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Inay samayso xeerka lagu cidhib tirayo gudniinka;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Inay joojiso xeerka ciqaabta ee ay ku qaadayso suxufiyinta. Suxufiyiinta oo xeerka ciqaabta lagu qaadaa waxaay ka soo horjeedda dastuurka iyo Xeerka Saxaafadda, iyo sidoo xeerarka caalamiga ah. Xeerarka madaniga ah iyo Xeerka Saxaafadda waa in lagu daaqo arimaha la xidhiidha warbaahinta;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Inay ogolaato in la furi karo warbaahin cusub oo ay ka mid tahay idaacaduhu. Dawladdu waa inay u soo celiso hanaankii lagu diiwaangelin jiray warbaahinta cusub islamarkaana ay ogolaato in kuwa jira cid cusub lagu wareejin karo. Sidoo kale waa in xayiraadda laga qaado wargaysyada xayiran ee Haatuf, Somaliland Times, al Haatuf al Arabia, Hubsad iyo Codka Shacabka, iyo shabakadaha la xayiray;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Inay dib u habayn ku samayso Booliiska Somaliland oo ay ka dhigto booliis ay dacwadihiisa qaadi karaan maxkamadaha caadiga ah iyo inay samayso hanaan booliiska lagula xisaabtami karo;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Inay joojiso dadka loo xidhayo dacwadaha madaniga ah;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Inay joojiso xadhiga iyo haynta sharci darada ah. Waa in xadhiga dadka loo raaco si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaal;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Inay hagaajiso xaaladaha saldhigyada boolioska.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Guleid Ahmed Jama<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaank<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">Hargeysa Somaliland<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN\">\u00a0<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xarunta Xuquuqal Insaanka oo soo saartay warbixinteeda sanad laha ah ee xaaladda xuquuqal insaanka Somaliland Sanad kasta 9ka December, maalin ka hor Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka, waxa Xarunta Xuquuqal Insaanku ay soo saartaa warbixin sanad leh ah oo ay kaga hadlayso xaaladda xuquuqda aadanaha ee sanadkaas. Ujeedadu waa in dareenka lagu soo jeediyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":40547,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-40546","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/12\/xuq.png?fit=449%2C242&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-axY","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40546","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=40546"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40546\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":40549,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40546\/revisions\/40549"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/40547"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=40546"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=40546"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=40546"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}