{"id":40314,"date":"2017-11-25T16:14:45","date_gmt":"2017-11-25T16:14:45","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=40314"},"modified":"2017-11-25T16:14:45","modified_gmt":"2017-11-25T16:14:45","slug":"madaxweyne-muuse-biixi-oo-kulan-mahadnaq-ah-la-qaatay-wakiillo-ka-mid-ah-guddiyadii-ololaha-kulmiye-ee-gobollada-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/11\/25\/madaxweyne-muuse-biixi-oo-kulan-mahadnaq-ah-la-qaatay-wakiillo-ka-mid-ah-guddiyadii-ololaha-kulmiye-ee-gobollada-dalka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan Mahadnaq ah la Qaatay Wakiillo ka mid ah Guddiyadii Ololaha KULMIYE ee Gobollada Dalka"},"content":{"rendered":"<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"EN-US\">Waxa uu ka hadlay sida uu ula dagaallamayo dhaqannada waxyeellada ku ah dawladnimada iyo hantida qaranka ee uu musuqu ka mid yahay<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">Hargeysa (AN)- Madaxweynaha cusub ee ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay badhtamihii bishan November 2017, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay guddiyadii ololaha xisbiga KULMIYE ee gobollada dalka Somaliland.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">Kulankan oo ka\u00a0 qabsoomay xaruntii ololaha xisbiga KULMIYE maanta, kana qaybgaleen xubnaha hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo wakiillo kala matalayey guddiyadii ololaha ee gobollada, ayaa madaxweynuhu mahadnaq ballaadhan ugu jeediyey guddiyadaasi kala duwan ee doorashadii xisbiga KULMIYE uga hawlgalay dalka waqtigii ololaha doorashada lagu jiray, isagoo ku ammaanay xubnahaasi inay doorkii ay ka qaateen dib-u-doorashada xisbiga ee mar labaad iyo guushii uu ka soo hooyey doorashadii la galay.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">Xubno ku hadlay afka guddiyada ololaha xisbiga KULMIYE oo hadallo ka jeediyey kulankaasi, ayaa si xeel-dheer u sharraxay tallaabooyinkii xisbiga KULMIYE guusha u soo hooyey ee ay qaadeen waqtigii ololaha, waxaanay u mahadceliyeen shacabweynihii reer Somaliland ee codkooda la garab galay xisbiga KULMIYE.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna ku bogaadiyey guddiyadii ololaha sidii naf-hurnimada lahayd ee ay uga qaybqaateen guushii xisbiga KULMIYE kasoo hooyey doorashadii madaxweynenimo ee dalka ka qabsoontay 13 November 2017, waxaannu ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan sidii xukuumadda cusub ee dhawaan la dhisi doono iyo shacabku u wada yeelan lahaayeen xidhiidh fiican oo joogto ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu si degdeg ah u hirgelin doono ballanqaadyadii ay guddi ahaan iyagoo ka wakiillo ka ah murrashaxiinta xisbiga KULMIYE u gudbiyeen shacabka, isla markaana uu caddaalad iyo sinnaan ku maamuli doono guud ahaanba shacabka reer Somaliland.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">Haseyeeshee madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xubnaha wakiillada ka ah guddiyada ololaha xisbiga u sheegay inaanu marnaba talada ka goosan doonin xisbigiisa KULMIYE, isla markaana wixii talo iyo tusaaleba ah mar walba uga marti yahay.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">Waxa kaloo tilmaamay sida ay uga go\u2019antahay inuu la dagaallamo dhaqannada waxyeellada ku ah dawladnimada iyo hantida qaranka ee uu ka mid yahay musuqmaasuqu oo sheegay inuu ku adkaysan doono xataa haddii uu ku waayayo dad hore u taageersanaa.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">Isagoo arritaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, \u201cHooyada miyiga joogtaa waxay doonaysaa biyo, tacliin iyo caafimaad\u2026. dadka marka la yidhaa cashuurta bixiyana waxay odhanyaan waa musuq oo waad cunaysaan ee maxaanu idiin siinaynaa dadka waxba u qabanmaysaane. Dawladdana haddii inta u sarsaraysaa iskula dhiciwaydo musuqa oo ay odhanwaydo innagii baa wax wadna kuyar oo la qabto oo keliya waxba tarimaayo, eexda haddii la macneeyo islama garanayno, musuqa iyo hufnaanta islama garanayno, waxa qaranka aan ka doonayo islama garanayno, waxa qaranka yaalaba haddii aan reer qudha u dhiibo ma raaligelin karayo, waanay i sugaysaa berri fartaydii eedayeey oo khasaarayeey, taa anigu iskaga diyaar baan u ahay, laakiin waxay dhibi doontaa raggiina mustabaqlka doonaya inay xisbiga iyo siyaasadda sii galaan, waa xal aynu u baahannahay in aynu helno, waar fartaada eed waayo iimaad dooran inaan taad doonayso kuu yeelo.\u201d<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">\u201cWaxay ila tahay wax badan baynu u baahannahay qaranku inuu isla fahmo, wax badan bay tahay in aynaan isku qarin oo ka xishoon, waayo waxaynu isku qarinaa wuu innagu qarxayaa,\u201d ayuu sii raaciyey hadalkiisa Madaxweyne Muuse Biixi.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"EN-US\">HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA KULANKAASI IYO HADALKA MADAXWEYNAHA<\/span><\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/0w4nOYl9DSo\" width=\"640\" height=\"360\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxa uu ka hadlay sida uu ula dagaallamayo dhaqannada waxyeellada ku ah dawladnimada iyo hantida qaranka ee uu musuqu ka mid yahay Hargeysa (AN)- Madaxweynaha cusub ee ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay badhtamihii bishan November 2017, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay guddiyadii ololaha xisbiga KULMIYE ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":40276,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-40314","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/madaxweyne-mbc.png?fit=544%2C351&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-aue","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40314","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=40314"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40314\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":40315,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40314\/revisions\/40315"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/40276"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=40314"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=40314"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=40314"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}