{"id":40244,"date":"2017-11-22T16:54:27","date_gmt":"2017-11-22T16:54:27","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=40244"},"modified":"2017-11-22T17:17:27","modified_gmt":"2017-11-22T17:17:27","slug":"suldaanka-guud-ee-beelaha-arab-oo-hambalyo-u-diray-madaxweynaha-la-doortay-madaxweynaha-xilka-ka-sii-degaya-xisbiyada-mucaaradka-ah-iyo-maayarka-caasimadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/11\/22\/suldaanka-guud-ee-beelaha-arab-oo-hambalyo-u-diray-madaxweynaha-la-doortay-madaxweynaha-xilka-ka-sii-degaya-xisbiyada-mucaaradka-ah-iyo-maayarka-caasimadda\/","title":{"rendered":"Suldaanka Guud ee Beelaha Gobolka Hawd oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay,"},"content":{"rendered":"<p class=\"x_MsoNormal\">Hargeysa, November 22, 2017, (AN) \u2013 Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, isaga oo sidoo kalena ammaan u jeediyay Madaxweynaha xilka ka sii degaya Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu sidoo kale bogaadiyay Musharrixiinta Xisbiyada Mucaaradka ah Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi \u201cCirro\u201d iyo Md. Faysal Cali-Waraabe, Komishanka Doorashooyinka iyo Ciidamada Qaranka JSL oo uu xusay inay kaalin lama-illaawin ah ka qaateen guushii quruxda badnayd ee qaranku ka gaadhay doorashooyinka.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\u201cDadweynaha Somaliland oo si nabadgalyo ah codadkoodii u dhiibtay ayaan iyagana runtii aad u hambalyaynayaa\u201d ayuu yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Suldaan Cumar waxa uu ummadda ugu duceeyay in Ilaahay ammaanka u xoojiyo, isaga oo sidoo kale na ugu baaqay in ay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ay doorteen ku garabgalaan wanaagga iyo horumarinta qaranka. \u201cWaxaan rejaynayaa inay ummadda isku wadi doonaan, ka ka leexda soo qabtaan, ka durugsan soo dhoweeyaan, ka la joogana wanaajiyaan\u201d ayuu yidhi Suldaanku.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Suldaanku waxa uu ammaan usoo jeediyay Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo ku bogaadiyay doorashada quruxda badan ee uu suurtogaliyay, isaga oo aan weliba tartamayn.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\u201cKenya ayaynnu ogayn doorashadeedii wixii ka dhacay, Mugaabi oo 37 sanno dalkiisa haystay oo ilaa hadda xukunkii budh lagaga furfuri la\u2019 yahay maalmahan waad maqlayseen\u201d ayuu yidhi, isaga sii raaciyay \u201cMadaxweynaheenna iminka jooga ee Axmed Maxamed Maxamuud \u201cSiilaanyo\u201d runtii markii horana dulqaad badan buu soo sameeyay oo waa kii 80 cod ku tanaasulay, maantana wuxu muujiyay inuu diyaar u yahay in uu xilka u wareejiyo sidii wanaagsanayd ee isaga loogu wareejiyay oo kale.\u201d<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\u201cMadaxweyne Siilaanyo ammaan buu mudan yahay, in la hambalyeeyo ayuu mudan yahay, in la xuso na wuu mudan yahay. Waxaan leeyahay Ilaahay inta cimrigaaga ka hadhay nabad iyo naxariis iyo nolol wanaagsan ha kuugu dhammeeyo\u201d.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan-Soolteelko ayuu isagana Suldaanku ku bogaadiyay waxqabadka uu caasimadda ka hirgaliyay muddooyinkii ugu dambeeyay.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\u201cWaxa kale oo aan bogaadinayaa Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid \u201cSolteelko\u201d oo isaguna dedaal badan muujiyay, waxqabad badanna sameeyay oo ay ka mid yihiin waddooyinkan caasimadda meel walba laga hirgaliyay. Si gaar ah, waxaan ugu bogaadinayaa sida wanaagsan ee uu isaga xilsaaray Dugsiga Sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo uu dhammaystiray baahidiisii ugu mudnayd\u201d.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxa uu ugu dambayn tacsi u diray dadkii dhowaan ku geeriyooday shaqaaqooyinkii ka dhashay natiijadii doorashooyinka madaxtinnimo ee dalka, isaga oo inta dhaawaca ahna u rejeeyay in Ilaahay caafimaad degdeg ah ugu deeqo.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Arabsiyonews.com<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa, November 22, 2017, (AN) \u2013 Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, isaga oo sidoo kalena ammaan u jeediyay Madaxweynaha xilka ka sii degaya Md. Axmed Maxamed Siilaanyo. Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":40245,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":true,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-40244","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/Suldaan-Cumar.jpg?fit=400%2C533&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-at6","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40244","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=40244"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40244\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":40247,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40244\/revisions\/40247"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/40245"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=40244"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=40244"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=40244"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}