{"id":39583,"date":"2017-10-31T17:34:52","date_gmt":"2017-10-31T17:34:52","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=39583"},"modified":"2017-10-31T17:34:52","modified_gmt":"2017-10-31T17:34:52","slug":"dr-maxamed-claahi-cumar-mid-kamid-ah-rukumaddii-muuse-biixi-saaray-salaanka-murrashaxnimada-oo-dalka-lagusoo-dhaweeyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/10\/31\/dr-maxamed-claahi-cumar-mid-kamid-ah-rukumaddii-muuse-biixi-saaray-salaanka-murrashaxnimada-oo-dalka-lagusoo-dhaweeyey\/","title":{"rendered":"Dr Maxamed C\/laahi Cumar : Mid kamid ah Rukumaddii Muuse biixi saaray Salaanka Murrashaxnimada oo dalka lagusoo dhaweeyey"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada \u00a0Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cuimar, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa oo uu ka soo degay, isagoo ka soo kicitamay caasimada dalka Kenya oo fadhigiisu ahaa sanadihii u dambeeyey.<br \/>\nDr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hadda xil sare ka haya Xafiiska midowga Yurub ee Nairobi, ayaa kamid ah Guddida fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaanu sidoo kale kamid yahay rukumaddii la loodin waayey ee Murrashax Muuse Biixi la soo halgamay wakhtigii uu loollanka ugu jiray Murrashaxnimada.<br \/>\nSida uu warbaahinta u sheegay safarkiisa ayaa la xidhiidha sidii uu doorkiisa siyaasiga ah uga qaadan lahaa tartanka Doorashada Madaxtinimada ee uu Olollaheedu socdo, iyadoo lagu wado inuu kaalin firin-fircoon ka qaato sidii uu xisbigiisa Kulmiye mar kale ugu guulaysan lahaa talada waddanka.<br \/>\nSoo dhaweynta siyaasigan waxa ka qayb-galay xubno kamida hogaanka xisbiga Kulmiye, Xukuumadda iyo haldoorka deegaanka uu ka soo jeedo.<\/p>\n<p><strong>Halkan hoose ka Daawo:<\/strong><\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/-qsAT2KSx0c\" width=\"640\" height=\"360\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\" data-mce-fragment=\"1\"><\/iframe><\/p>\n<p>Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ahaa Wasiirkii Arrimaha dibada ee ugu mudada dheeraa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, xilkii u dambeeyey ee uu qabtayna ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga, ayaa Golaha Xukuumadda kaga tegay khilaaf soo kala dhex galay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan markii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyada.<br \/>\nKhilaafkaasoo salka ku hayey Loollankii Murrashaxnimada Kulmiye, ayey isaga iyo Garabkii Murrashax Muuse hogaaminayey kaga guulaysteen Koox uu gadh-wadeen u ahaa Ex-wasiir Xirsi oo iyaguna Murrashaxa Kulmiye u sharaxay Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo iminka kamid ah xubnaha miisaanka culus leh ee Muuse Biixi Cabdi u gelbinaya Madaxweynenimada.<br \/>\nSi kastaba ha ahaatee siyaasiga Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa la filayaa inay saaxada siyaasada si adag isugu waajahaan Kooxda manjaraha u haysa Olollaha Xisbiga WADDANI oo uu ugu horeeyo hogaamiye Xirsi, kuwaasoo u badan Wasiirradii ay xukuumadda ka wada tirsanaayeen ee ay laba sanno ka hor isku seegeen loollanka Kulmiye oo hadda dhinac kale ka soo jeestay.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada \u00a0Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cuimar, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa oo uu ka soo degay, isagoo ka soo kicitamay caasimada dalka Kenya oo fadhigiisu ahaa sanadihii u dambeeyey. Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hadda xil sare ka haya Xafiiska midowga Yurub ee Nairobi, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":39555,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-39583","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/hooy.png?fit=682%2C471&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-air","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39583","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=39583"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39583\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":39584,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39583\/revisions\/39584"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/39555"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=39583"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=39583"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=39583"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}