{"id":39581,"date":"2017-10-31T17:10:56","date_gmt":"2017-10-31T17:10:56","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=39581"},"modified":"2017-10-31T17:10:56","modified_gmt":"2017-10-31T17:10:56","slug":"warbixin-lagu-lafa-gurayo-ujeedooyinka-loo-abuuray-mus-dambeedka-xisbiga-wadani-iyo-xog-culus-oo-lagu-soo-bandhigay-wargeyska-indian-ocean","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/10\/31\/warbixin-lagu-lafa-gurayo-ujeedooyinka-loo-abuuray-mus-dambeedka-xisbiga-wadani-iyo-xog-culus-oo-lagu-soo-bandhigay-wargeyska-indian-ocean\/","title":{"rendered":"Warbixin Lagu Lafa Gurayo Ujeedooyinka Loo Abuuray Mus-Dambeedka Xisbiga Wadani Iyo Xog Culus Oo Lagu Soo Bandhigay Wargeyska Indian Ocean"},"content":{"rendered":"<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Wargeyska Indian Ocean ayaa maalintii shalay ee axada ahayd soo bandhigay warbixin si qoto dheer uga hadleysa doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Wargeyska oo si gaar ah tooshka u saaray qormadiisan koowaad xisbiga Wadani ayaa si balaadhan u qaadaa dhigay haykalka hogaanka Xisbiga Wadani isagoo si weyn uga hadlay waxa uu ugu yeedhay mus-dambeedka uu sheegay inay yihiin koox siyaasiyiin,madax dhaqameed iyo ganacsato isugu jira.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Qormadan uu soo tarjumay weriye Cabdillahi Bashiir Soobe ayaa u dhigneed sidan:<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Dalka iskii ugu dhawaaqay madax banaanida ee Somaliland ayaa la filayaa inay ka qabsoonto doorosho in badan loo haqal taagayey taas oo ku beegan inay dhacdo 13-ka bisha Noofember ee sanadkan 2017-ka.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Wargeysku wuxuu maalmaha soo socda usoo bandhigi doonaa qormooyin taxana ah oo aynu maalinba kaga hadli doono sadexda xisbi mid ka mid ah, anagoo qormadan koowaad ku bilaaba doona xisbiga mucaaridka ah ee Wadani.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Xisbiga Wadani ayaa ah xisbiga ugu da\u2019da yar ee ka qeyb galaya doorashadan.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Waxa la ogyahay in xisbigani uu si deg deg ah u hantiyey qaacidad balaadhan oo taageerayaal ah.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Qaab dhismeedka xisbigan ayaa ka duwan gebi ahaanba sidii looga bartay xisbiyada Somaliland.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Xisbiga Wadani wuxuu leeyahay hogaan sare oo ka kooban Gudoomiye,Gudoomiye ku meel gaadh ah iyo xil ku cusub xisbiyada Somaliland oo ah xilka Hogaamiye\u2026<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Intaa waxa u dheer xisbigan awood kale oo ah waxa loo yaqaano Mus-dambeed\u2026<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Xubnaha loo yaqaano mus-dambeedka waxay isugu jiraan siyaasiyiin,madax dhaqameed iyo ganacsato.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Arinta keliya ee mideysa xubnaha musdambeedka waa keliya inay ka soo wada jeedaan beesha Musharaxa Madaxweynaha Cabdiraxman Cirro.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Hadaba qormadan waxaynu si gaar ah diirada u saari doonaa sababta iyo ujeedada loo sameeyay guddida musdambeedka. Sida aynu hore u soo aragnay musharax kasta wuxuu leeyahay la taliyaal u gaar ah oo kala taliya mid waliba waxa uu aqoonta u leeyahay, Arinta mus-dambeedka ayaa gebi ahaanba ka duwan arimaha loogu tala galay la taliyaasha kale ee xisbiyadu leeyihiin.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Inta aynaan u gudbin ujeedada loo abuuray guddida musdambeedka bal aynu yara dul istaagno qeybo ka mid ah awoodaha guddidan musdambeedka.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">-Waxa ka mid ah awoodaha guddidan inay mar walba iyagu yeeshaan ogolaanshaha ugu dambeeya go\u2019aanada ee gudoomiyuhu gaadhayo.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">-Waxay awood buuxda u leeyihiin inay soo magacaabaan dhamaan xubnaha golaha sare iyo golaha dhexe.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">-Waxay awood u leeyihiin inay go\u2019aan ka gaadhaan dhamaan arimaha la xidhiidha dhaqaalaha iyo kharashaadka xisbiga.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">-Waxay awood u leeyihiin inay soo ansixiyaan khudbadaha iyo wareysiyada musharaxa madaxweynaha.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Hadaba waxa laga yaabaa in qofku isweydiiyo sababta keentay in guddidan la abuuro iyo baahida xisbigu u qabo jiritaankooda., Xog iyo baadhitaan badan oo wargeyska Indian Ocean sameeyay ka dib waxaanu soo helnay macluumaad ku saabsan xeeladaha iyo ujeedada loo aasaasay Musdambeedka. Ka dib markii beesha uu ka soo jeedo musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Wadani ay isku raacday inay taageero buuxda siiyaan Mr.Cirro ayaa waxa la daba dhigay shuruudo badan oo ay kow ka ahayd abuurista guddidan musdambeedka.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Sababta ugu muhiimsaneed ee loo cuskaday jiritaanka guddidan ayaa loo sibir saaray in gudoomiye Cirro yahay nin aad u qabow iyo weliba xaalad caafimaad oo isaga u gaar ah.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Dabeecada gudoomiye Cirro maaha mid dadka ka qarsoon oo waa laga dheregsan yahay inuu yahay nin qabow., Arinta laga yaabo in dadka intiisa badani aaney ka war hayn ayaa ah in musharaxa madaxweyne ee Wadani Mr.Cirro uu in muddo ahba la tacaalayey laba xanuun oo aanu marnaba uga maarmeyn sii jiritaanta Musdambeedka.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Mudane Cirro ayaa in muddo ah lagu ogaa xanuun wadnaha ah kaas oo hayey laga soo bilaabo sanadkii 2007.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Waxa jirtay inuu tiraba sadex jeer uu qaliino kala duwan ugu tagey dalka dibadiisa,waxaana ugu dambeyay qaliinkii uu ku galay dalka Turkey horaantii sanadkan.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Qaliinkii ugu dambeeyay waxa gudoomiyaha loo soo geliyey wadnaha aalada la yidhaahdo PACEMAKER\u2026<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Xaaladan wadna xanuunka ah ayaa inta badan u baahan degenaansho iyo in laga ilaaliyo goobaha xiisad ka dhalan karto ama ku kalifi karta inuu cadhoodo.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Sababta labaad ee keentay baahida loo qabo musdambeedka ayaa ah in gudoomiyuhu uu sadexdii sano ee ugu dambeeyay uu hayey xanuunka loo yaqaano Dementia ama ilowshiyaha.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Xanuunka Dementia ah ayaa u qeybsama dhowr marxaladood oo kala culus.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Gudoomiye Cirro ayaa laga helay qeybta loo yaqaano (Early-Stage) ama\u00a0(<\/span><span style=\"color: #333333; font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\"><b>Moderate Cognitive Decline.)<\/b><\/span><\/div>\n<div><span style=\"color: #333333; font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Noocan \u00a0ayaa qofka uu haleelo ku keenta inay ku adkaato xasuusta dhacdooyinka iyo magacyada iyo weliba inuu qofku keligii maareeyo nolol maalmeedkiisa gaar ahaan safarada iyo maareenta dhaqaalaha.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"color: #333333; font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Waxa dhacday dhowr jeer in gudoomiyuhu uu lumiyey ama uu garan kari waayey meel uu dhigay baasaboorkiisa gaarka ah,waxaana ugu dambeysay bishii Februar ee sanadkan mar uu booqasho ku joogay dalka boqortooyada Ingiriiska .<\/span><\/div>\n<div><span style=\"color: #333333; font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"color: #333333; font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"color: #333333; font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Dhamaan warbixinta la xidhiidha xaalada caafimaad ee gudoomiye Cirro waxaanu ka soo ogaanay qaar ka mid ah qoyskiisa iyo xubno ka mid ah musdambeedka.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"color: #333333; font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Ugu dambeyntii waxaanu hoosta ka xariiqaynaa in ay adkaan doonto in musharaxani uu keligii maamulo madaxtooyada ama uu gaadho go\u2019aamada looga baahan yahay madaxweynuhu inuu gaadho.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">Qormooyinka soo socda waxaanu idinla wadaagi doonaa xog iyo warbixino hoose oo aanu ka soo diyaarinay labada musharax ee kale Faysal Cali waraabe Iyo Muuse Biixi.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\"><b>Waxaa Soo Tarjumay Saxafiga Madaxa Banaan:<\/b><\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\"><b>Cabdillahi Bashir Soobe<\/b><\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Arial, sans-serif; font-size: small;\"><b>Helsinki Finland<\/b><\/span><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wargeyska Indian Ocean ayaa maalintii shalay ee axada ahayd soo bandhigay warbixin si qoto dheer uga hadleysa doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland. \u00a0 Wargeyska oo si gaar ah tooshka u saaray qormadiisan koowaad xisbiga Wadani ayaa si balaadhan u qaadaa dhigay haykalka hogaanka Xisbiga Wadani isagoo si weyn uga hadlay waxa uu ugu yeedhay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":39305,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-39581","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/wadd.jpeg?fit=297%2C170&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-aip","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39581","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=39581"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39581\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":39582,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39581\/revisions\/39582"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/39305"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=39581"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=39581"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=39581"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}