{"id":39190,"date":"2017-10-18T15:51:13","date_gmt":"2017-10-18T15:51:13","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=39190"},"modified":"2017-10-18T15:51:13","modified_gmt":"2017-10-18T15:51:13","slug":"madaxwaynaha-soomaaliya-oo-ka-qayb-galay-banaanbax-loogu-baroor-diiqayey-dadkii-ku-dhintay-qaraxa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/10\/18\/madaxwaynaha-soomaaliya-oo-ka-qayb-galay-banaanbax-loogu-baroor-diiqayey-dadkii-ku-dhintay-qaraxa\/","title":{"rendered":"Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka qayb galay Banaanbax loogu baroor diiqayey dadkii ku dhintay Qaraxa"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(AN):-Dad aad u badan ayaa isugu soo baxay magaalada Muqdisho kuwaas oo muujinaya sida ay uga careysan yihiin weerarkii Soobe ee dhimashada badan sababay.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" data-attachment-id=\"39191\" data-permalink=\"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/10\/18\/madaxwaynaha-soomaaliya-oo-ka-qayb-galay-banaanbax-loogu-baroor-diiqayey-dadkii-ku-dhintay-qaraxa\/_98368714_2cae39ea-8221-42c3-85be-42cb77196142\/\" data-orig-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/98368714_2cae39ea-8221-42c3-85be-42cb77196142.jpg?fit=375%2C210&amp;ssl=1\" data-orig-size=\"375,210\" data-comments-opened=\"1\" data-image-meta=\"{&quot;aperture&quot;:&quot;0&quot;,&quot;credit&quot;:&quot;&quot;,&quot;camera&quot;:&quot;&quot;,&quot;caption&quot;:&quot;&quot;,&quot;created_timestamp&quot;:&quot;0&quot;,&quot;copyright&quot;:&quot;&quot;,&quot;focal_length&quot;:&quot;0&quot;,&quot;iso&quot;:&quot;0&quot;,&quot;shutter_speed&quot;:&quot;0&quot;,&quot;title&quot;:&quot;&quot;,&quot;orientation&quot;:&quot;0&quot;}\" data-image-title=\"_98368714_2cae39ea-8221-42c3-85be-42cb77196142\" data-image-description=\"\" data-image-caption=\"\" data-large-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/98368714_2cae39ea-8221-42c3-85be-42cb77196142.jpg?fit=375%2C210&amp;ssl=1\" class=\"alignnone size-medium wp-image-39191\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/98368714_2cae39ea-8221-42c3-85be-42cb77196142-300x168.jpg?resize=300%2C168\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"168\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/98368714_2cae39ea-8221-42c3-85be-42cb77196142.jpg?resize=300%2C168&amp;ssl=1 300w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/98368714_2cae39ea-8221-42c3-85be-42cb77196142.jpg?w=375&amp;ssl=1 375w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n<p>Garoonka kubadda cagta ee Konis waxaa hadda ka socdo isu soo bax, waxaana aad loo adkeeyay amniga. Qaar ka mid ah madaxda dowladda ayaa la filayaa in dibadbaxa ay ka hadlaan.<\/p>\n<p>Sidoo kale dhallinyaro maryo gaduudan madaxa ku xirtay ayaa socod ku maraya jidadka magaalada Muqdisho, waxayna xirayeen xarumaha ganacsiga ee furan ayagoo dadka ka dabanaya in mudaaharaadka ka qeybgalaan.<\/p>\n<p>Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra&#8217;iisul wasaare Xasan Khayre ayaa ka qeybgalaya isu soo baxa loogu duceynayo dadkii dhibaatada auy ku gaartay qarixii Soobe.<\/p>\n<p>Madaxweyne Farmaajo ayaa dhallinyarada ku dhiirageliyay in ay ka qeybgalaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in &#8220;dhallinta looga baadan yahay in ay difaacaan dadkooda ayna dalkooda xureeyaan.&#8221;<\/p>\n<p>Dhanka gobollada, Magaalada Baydhabo waxaa isugu tagay boqollaal qof oo ku dhawaaqayay &#8220;Al-Shabaab doonimeyno,&#8221; waxaana la hadlay maamulka magaalada.<\/p>\n<p>Dhanka Beledwayne dad isu soo baxay ayaa ku qeylinayay &#8220;Al-Shabaab ha dhaco,&#8221; waxayna kooxda ku eedeynayaan in qarixii muqdisho ay masuul ka ahaayeen.<\/p>\n<p>Sidoo kale magaalooyiin kale ayay isu soo baxyo ka dheceen, waxaana la arkayay dad u badan dhallinyaro oo maryo gaduudan madaxa ugu xiran yihiin oo socod ku maraya jidadka.<\/p>\n<p>Qarixii ka dhacay Soobe wuxuu ahaa midkii ugu xoogga badnaa ee sababay dhimashadii ugu badnayd. Sida dowladda ay shaaciyay 281 qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 300 oo kalana way ku dhaawacmeen.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(AN):-Dad aad u badan ayaa isugu soo baxay magaalada Muqdisho kuwaas oo muujinaya sida ay uga careysan yihiin weerarkii Soobe ee dhimashada badan sababay. Garoonka kubadda cagta ee Konis waxaa hadda ka socdo isu soo bax, waxaana aad loo adkeeyay amniga. Qaar ka mid ah madaxda dowladda ayaa la filayaa in dibadbaxa ay ka hadlaan. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":39191,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-39190","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/98368714_2cae39ea-8221-42c3-85be-42cb77196142.jpg?fit=375%2C210&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-ac6","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39190","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=39190"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39190\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":39192,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39190\/revisions\/39192"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/39191"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=39190"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=39190"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=39190"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}