{"id":38564,"date":"2017-09-18T18:06:03","date_gmt":"2017-09-18T18:06:03","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=38564"},"modified":"2017-09-18T18:06:03","modified_gmt":"2017-09-18T18:06:03","slug":"deg-deg-qalbi-dhagax-oo-arintiisi-war-cusub-ka-soo-kordhay-iyo-guddi-loo-xilsaaray-baadhisteeda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/09\/18\/deg-deg-qalbi-dhagax-oo-arintiisi-war-cusub-ka-soo-kordhay-iyo-guddi-loo-xilsaaray-baadhisteeda\/","title":{"rendered":"Deg deg Qalbi dhagax oo Arintiisi war cusub ka soo kordhay iyo Guddi loo xilsaaray baadhisteeda"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddi ka kooban xildhibaanada golaha shacabka u saaray baaritaan la xiriira go&#8217;aankii xukuumadda ay ku dhiibtay Cabdikariim Sheekh Muuse oo loo yaqaano Qalbi Dhagax.<\/p>\n<p>Guddigan waxa uu ka koobanyahay 15 xubnood, waxaana loo xilsaaray in ay soo baaraan sidii ay u dhacday dhiibistii Qalbi Dhagax.<\/p>\n<p>Guddiga Baarlamaanka waxay haystaan heshiisyadii ay xukuumada u cuskaday dhiibista, sida lagu shaaciyay warbaahinta dowladda federaalka ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxaa laamaha kala duwan ee dowladda ee arrintan ay quseysa la faray in ay wadashaqayn la yeeshaan guddiga.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h2 class=\"story-body__sub-heading\">Magacyada xubnaha guddiga<\/h2>\n<p>1.Xildhibaabn Axmed Dhimbil Rooble<\/p>\n<p>2.Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle &#8220;Col. Ruush&#8221;<\/p>\n<p>3.Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar<\/p>\n<p>4.Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen &#8220;Odowaa&#8221;<\/p>\n<p>5.Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Cali Ibraahim &#8220;Baqdaadi&#8221;<\/p>\n<p>6.Xildhibaan Cali Yuusuf Cusmaan &#8220;Ganey&#8221;<\/p>\n<p>7.Xildhibaan Cali Yuusuf Cali &#8220;Xoosh&#8221;<\/p>\n<p>8.Xildhibaanad Hani Maxamed Aadan<\/p>\n<p>9.Xildhibaan Lutfi Shariif Maxamed Cumar<\/p>\n<p>10.Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim<\/p>\n<p>11.Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed &#8220;Cagoweyne&#8221;<\/p>\n<p>12.Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy<\/p>\n<p>13.Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cabdi &#8220;Diyeeshe&#8221;<\/p>\n<p>14.Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Maxamed &#8220;Gaandi&#8221;<\/p>\n<p>15.Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud Xayd<\/p>\n<p>13-kii bishan ayaa kulan uu yeeshay baarlamaanka waxaa lagu go&#8217;aamiyay in guddi loo saaro go&#8217;aankii xukuumadda ay Itoobiya ugu dhiibtay Cabdikariim Qalbi Dhagax, kaas oo dood aad u badan dhaliyay.<\/p>\n<p>Cabdikariim waxa uu ahaa mas&#8217;uul sare oo ka tirsan ururka ONLF oo la dagaalama dowladda Itoobiya.<\/p>\n<p>Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku kala qaybsamay aragti ahaan arrinkaas, qaar ka mid ah ayaa sheegay in dowladda ay ku qaldanayd in ay muwaadin Soomaali ah ay u dhiibto Itoobiya, halka qaar kale ay sheegeen in xukuumadda u xilsaarantahay amniga dalka, &#8220;wax kasta oo maslaxada dalka ku jirtana ay xaq u leedahay in ay fuliso&#8221;.<\/p>\n<figure class=\"media-with-caption\">\n<div class=\"player-with-placeholder\"><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"media-placeholder player-with-placeholder__image narrative-audio-placeholder\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/images\/ic\/720x405\/p05dssn2.jpg?w=696&#038;ssl=1\" \/><\/div>\n<\/figure>\n<p>Heshiisyada xukuumadda u cuskatay in ay dhiibto Cabdikariim ayaa waxaa horey Itoobiya &#8220;ula saxiixday mas&#8217;uuliyiin ka mid ah dowladdii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud&#8221;, balse ma ahayn heshiisyo baarlamaanka uu ansixiyay.<\/p>\n<p>Dhammaan mas&#8217;uuliyiintii horey u saxiixayna waxa ay sheegeen in uusan ku jirin qodob ka hadlaya in dad la isu wareejiyo.<\/p>\n<p>Warbixinta ay soo diyaarin doonaan xubnaha guddigan ayaa la horkeeni doonaa baarlamaanka, kadibna go&#8217;aan ayaa laga qaari doonaa, wuxuuna guddiga shaqaynayaa illaa inta go&#8217;aan kama dambays ah laga soo saarayo arrinkaas<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddi ka kooban xildhibaanada golaha shacabka u saaray baaritaan la xiriira go&#8217;aankii xukuumadda ay ku dhiibtay Cabdikariim Sheekh Muuse oo loo yaqaano Qalbi Dhagax. Guddigan waxa uu ka koobanyahay 15 xubnood, waxaana loo xilsaaray in ay soo baaraan sidii ay u dhacday dhiibistii Qalbi Dhagax. Guddiga Baarlamaanka waxay haystaan heshiisyadii ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":38565,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-38564","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/qalbi.jpg?fit=660%2C371&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-a20","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/38564","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=38564"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/38564\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":38566,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/38564\/revisions\/38566"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/38565"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=38564"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=38564"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=38564"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}