{"id":376,"date":"2014-11-25T13:02:58","date_gmt":"2014-11-25T13:02:58","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=376"},"modified":"2014-11-25T13:02:58","modified_gmt":"2014-11-25T13:02:58","slug":"mudaneyaal-wakiilada-ka-tirsan-oo-cashuurta-saxaafadda-lagu-soo-rogay-ku-macneeyay-mid-sharci-daro-ah-oo-warbaahinta-lagu-cabudhinayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/11\/25\/mudaneyaal-wakiilada-ka-tirsan-oo-cashuurta-saxaafadda-lagu-soo-rogay-ku-macneeyay-mid-sharci-daro-ah-oo-warbaahinta-lagu-cabudhinayo\/","title":{"rendered":"Mudaneyaal Wakiilada Ka Tirsan Oo Cashuurta Saxaafadda Lagu Soo Rogay Ku Macneeyay Mid Sharci Daro ah Oo Warbaahinta Lagu Cabudhinayo"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN) \u00a0Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro,Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa Sharci daro iyo cabudhin saxaafadeed ku macneeyay Cashuuro Xukumaddu ku soo rogtay Warbaahinta<\/p>\n<p>madaxabanaan iyo sidoo kale Liisamo iyo Kaadhadh shaqo oo Wasaaradda Warfaafintu damacsan tahay inay u samayso Saxaafadda.<br \/>\nMudaneyaashan oo Warbaahinta kula hadlay aqalka wakiilada ayaa tilmaamay inaanay sharci noqonayn Cashuur kasta oo aan Golaha wakiiladu ansixin waxaanu yidhi Gudoomiye Cirro oo arintan ka hadlaya \u201cDee Cashuuraha Xukumaddu way soo jeedisaa haddii Cashuur cusub la xalaalaynayo, markaa Cashuur aan goluhu ansixin waa sharci daro.Cashuurtu way kordhin kartaa Cashuur laakiin waa in Golaha la keeno oo la xalaaleeyo\u201d<br \/>\nSidoo kalena Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ka hadlay Arintan waxaanu yidhi \u201cTakaaliif ama Cashuur aan Golaha Wakiiladu ansixini waa Qayrul sharci.wax anaga na soo maray maaha, wax jirana maaha, wax lagu camal falayana maaha. Cashuuraha waxaa soo rogta Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ansixiya Golaha wakiilada. Anaga haba yaraatee Cashuurahaas la sheegayaa nama soo marin, wixii aan na soo marina Sharci maaha. Waxaan Xukumadda ka codsanayaa inay Xukumaddu Shuruucda dhawrto, waxaanan arintaas u arkaa Caddaadis iyo Cabudhis Warbaahinta lagu hayo\u201d<br \/>\nXildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay talaabooyinka xukumaddu yihiin caddaadis warbaahinta madaxabanaan la saarayo \u201c Cashuuro ama Takaaliif xeer jideeyay aan la garanayn ama xeer Goleyaasha xeer dejinta ka soo baxay aanu jidayn suurto gal maaha in Wasiir digreeto ku soo saaro, suurto galna maaha in Umadda culays lagu dul saaro. Waxaan u arkaa uun Cashuurahan Culays siyaasadeed oo Xukumadda talada haysaa doonayso inay warbaahinta Madaxa banaan ay saarto oo ay ku cabudhiso oo ay iyadu iswada hoos keento, arintaanisana ma shaqaynayso.<br \/>\nSaxaafaddu waa tiirka afraad ee Qaranku ku taagan yahay, Aduun ay ka helaana ma jirto, mutadawacnimo ayay ku shaqeeyaan, Xarumaha, Shaqaalaha Kamaradaha sita ee goob walba taagan,Ateenooyinka dhamaan kharashka ku baxa waa mid ay jeebadahooda si gaara uga soo saaraan ee wax faa\u2019iido ah oo ay ka helaan ma jiro\u201d Ayuu yidhi XIldhibaan Buubaa.<br \/>\nWasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa hore warbaahinta ugu war galiyay in la cashuurayo, islamarkaana la siin doono Liisan iyo Kaadhadh ay ku hawl galaan, iyadoo talaabadii u horaysay noqotay in Telefishanada loo keeno Warqad lagu amray in Cashuuro ku baaqday ay Muddo todobaad ah ku soo bixiyaan. Waa markii u horaysay ee Cashuur laga qaadayo Warbaahinta Madaxabanaan ee Somaliland iyo Shaqaalaha ka hawl gala.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN) \u00a0Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro,Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa Sharci daro iyo cabudhin saxaafadeed ku macneeyay Cashuuro Xukumaddu ku soo rogtay Warbaahinta madaxabanaan iyo sidoo kale Liisamo iyo Kaadhadh shaqo oo Wasaaradda Warfaafintu damacsan tahay inay u samayso Saxaafadda. Mudaneyaashan oo Warbaahinta kula hadlay aqalka wakiilada ayaa tilmaamay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":377,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-376","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-64","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/376","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=376"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/376\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=376"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=376"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=376"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}