{"id":3742,"date":"2015-01-13T12:48:45","date_gmt":"2015-01-13T12:48:45","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=3742"},"modified":"2015-01-13T12:48:45","modified_gmt":"2015-01-13T12:48:45","slug":"ronaldo-oo-mar-kale-ku-guulaystay-laacibka-adduunka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/13\/ronaldo-oo-mar-kale-ku-guulaystay-laacibka-adduunka\/","title":{"rendered":"Ronaldo oo mar kale ku guulaystay laacibka Adduunka"},"content":{"rendered":"<figure class=\"media-landscape full-width has-caption lead\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/ws\/660\/amz\/worldservice\/live\/assets\/images\/2015\/01\/12\/150112191354_ronaldo_624x351_afp.jpg?resize=624%2C351\" alt=\"\" width=\"624\" height=\"351\" \/><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"media-caption__text\">Cristiano Ronaldo ayey ka muuqatay xamaasad markuu ku guulaystay billada laacibka ugu wanaagsan dunid<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p class=\"story-body__introduction\">Weeraryahanka kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo, ayaa ku guulaystay ciyaaryahanka ugu laacibsan kubadda cagta adduunka, iyadoo markii labaad ee isku xigta la gudoonsiiyay billada Ballon d&#8217;Or-ka.<\/p>\n<p>Kabtanka xulka Portugal ayaa waxa uu ka guulaystay weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo goolhayaha kooxda Bayern Munich Manuel Neuer.<\/p>\n<p>Cristiano Ronaldo ayaa difaacday billadiisa ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida kaddib markii uu ka helay boqolkiiba 37.66% dhammaan codadkii la dhiibtay, sidaasina uu markii saddexaad billaddaasi ku hantiyay.<\/p>\n<p>Ciyaaryahanka xulka Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi \u2013 ee horay ugu guulaystay 4 jeer oo isku xigta billadan \u2013 ayaa galay kaalinta labaad kaddib markii uu aruursaday boqokiiba 15.76%.<\/p>\n<p>Waxa uu waxyar un ka horreeyay goolhayaha xulka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich, Manuel Neuer oo helay boqolkiiba 15.72%.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape full-width has-caption\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/ws\/625\/amz\/worldservice\/live\/assets\/images\/2015\/01\/12\/150112193041_sp_cristiano_ronaldo_624x351_afp.jpg?resize=624%2C351\" alt=\"\" width=\"624\" height=\"351\" \/><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"media-caption__text\">Cristiano Ronaldo oo eegaya billadda Ballon d\u2019Or-ka ee 2014-ka ee uu ku guulaystay<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Ronaldo, oo dhaliyay 52 gool 43 kulan oo uu dheelay 2014-kii, ayaa u muuqday mid xamaasadaysan markii uu billada ka gudoomayay ciyaaryahankii hore ee Faransiiska, Barcelona iyo Arsenal, Thierry Henry.<\/p>\n<p>Ronaldo ayaa yiri: \u201cWaxaan jeclahay inaan u mahadceliyo dhammaan dadka ii codeeyay, madaxweynaha kooxdayda, tababarahayga iyo Real Madrid. Waxa ay aheyd sanad aanan hilmaami karin. Inaan ku guulaysto billadan waa wax aad gaar u ah.\u201d<\/p>\n<p>Haweenayda khadka dhexe kaga dheesha kooxda Wolfsburg iyo xulka Jarmalka ayaa ku guulaysatay laacib kubadda cagta ee haweenka dunida, halka ciyaaryahan James Rodriguez uu ku guulaystay billada goolkii ugu qurux badnaa sanadkii la soo dhaafay.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape full-width has-caption\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/ws\/625\/amz\/worldservice\/live\/assets\/images\/2014\/07\/08\/140708233739_joachim_low_624x351_afp.jpg?resize=624%2C351\" alt=\"\" width=\"624\" height=\"351\" \/><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"media-caption__text\">Tababaraha xulka Jarmal Joachim Low ee ku guulaystay koobka adduunka ee 2014-kii<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Tababaraha xulka Jarmal Joachim Low ee ku guulaystay koobka adduunka ee 2014-kii ayaa noqday tababarihii ugu wanaagsanaa sanadkii 2014-ka.<\/p>\n<p>Dhammaan ciyaaryahanada u tartamay billadda Ballon d&#8217;Or-ka ayaa waxa ay soo galeen kooxdii ugu wanaagsaneyd sanadka, iyagoo liiskana ay ku weylinayeen ciyaaryahanada difaaca ka dheela ee Philipp Lahm, David Luiz, Thiago Silva iyo Sergio Ramos, khadka dhexana waxaa la soo xushay Andres Iniesta, Toni Kroos iyo Angel Di Maria iyo weeraryahan Arjen Robben<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Cristiano Ronaldo ayey ka muuqatay xamaasad markuu ku guulaystay billada laacibka ugu wanaagsan dunid Weeraryahanka kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo, ayaa ku guulaystay ciyaaryahanka ugu laacibsan kubadda cagta adduunka, iyadoo markii labaad ee isku xigta la gudoonsiiyay billada Ballon d&#8217;Or-ka. Kabtanka xulka Portugal ayaa waxa uu ka guulaystay weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":3743,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-3742","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-Ym","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3742","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3742"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3742\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3742"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3742"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3742"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}