{"id":37401,"date":"2017-07-29T14:43:00","date_gmt":"2017-07-29T14:43:00","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=37401"},"modified":"2017-07-29T14:43:00","modified_gmt":"2017-07-29T14:43:00","slug":"madaxweynaha-jamhuuriyadda-somaliland-mudane-axmed-maxamed-silaanyo-oo-ka-qaybgalay-qorshihii-labaad-ee-horumarinta-qaranka-2017-ilaa-2021","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/07\/29\/madaxweynaha-jamhuuriyadda-somaliland-mudane-axmed-maxamed-silaanyo-oo-ka-qaybgalay-qorshihii-labaad-ee-horumarinta-qaranka-2017-ilaa-2021\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ka qaybgalay qorshihii labaad ee horumarinta qaranka 2017 ilaa 2021 ."},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay qorshihii labaad ee horumarinta qaranka 2017 ilaa 2021 Oo lagu qabtay Hotel Ambassador.<br \/>\nMadaxweynaha oo halkaasi ka jeediyey khudbad muhiimaya oo u dhignayd sidan:<\/p>\n<p>Bismilaahi Raxmaani Raxiim,<\/p>\n<p>Mudanayaal iyo Marwooyin,<\/p>\n<p>Jamhuuriyadda Somaliland, waxay halkan kusoo gaadhay hayaan dheer iyo halgan qadhaadh, oo marxalado kala duwan soo maray. Tan iyo intii aynu xornimadeena la soo noqonay, waxaynu ku guulaysannay inaynu dhidibbada u taagno dhismaha qaran madax-bannaan, iyo nidaam dawladeed oo dhammaystiran.<\/p>\n<p>Eebe Mahadii, waxaynu ku guulaysannay \u00a0nabad iyo xasilooni buuxda, taas oo ku timid midnimada, wada-jirka iyo iskaashiga Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa hubaal ah, in mudadaa rubuc qarniga ah, inaga oo aan aqoonsi haysan aynu ku talaabsannay horumar weyn oo la taaban karo, taas oo Somaliland ka dhigtay xaqiiqo jirta, oo nin neceb iyo mid jecel toonna aanu dafiri karin.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, waxaynu taabo-galinay nidaam siyaasadeed oo ku dhisan habka Xisbiyada badan, iyo doorashooyin xor ah, taas oo aan ka tis-qaadin qaaradda Afrika inteeda badan.<\/p>\n<p>Mudanayaal iyo Marwooyin,<\/p>\n<p>In kasta oo aynu xaqiijinnay guulaha aan soo sheegay, Somaliland waxay la wadaagtaa wadammada soo koraya caqabado tiro badan, sida dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha bulshada, deegaanka, shaqo la\u2019aanta, saboolnimada, iyo tayeynta maamulka dawladnimo. Waxa si weyn inoo saameeyey abaaro soo noq-noqonaya, oo ay sabab u tahay isbedelka cimillada dunidu, kuwaas oo inagu keenay hoos u dhac dhaqaale.<\/p>\n<p>Mudanayaal iyo Marwooyin,<\/p>\n<p>Si arrimahaas xal loogu raadiyo, Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, ee aan gadh-wadeenka ka ahay, waxay diyaarisay markii ugu horreysay, qorshe dhammaystiran oo qarankani leeyahay, kaas oo la magac baxay Qorshaha Horumarinta Qaranka, ee 5-tii sanno ee la soo dhaafay (National Development Plan One).\u00a0 Qorshahaasi wuxuu ka turjumayey baahida Bulshada Somaliland, iyo mudnaanshaha mashaariicda deegaannada kala duwan ee Dalka.\u00a0 Dhinaca kale, waxaanu jaan-goynay hiigsiga iyo himillada qarankani leeyahay ilaa 2030-ka.<br \/>\nMudanayaal iyo Marwooyin,<\/p>\n<p>Waxa maanta farxad weyn inoo ah, in aynu daah furno qorshihii labaad ee horumarinta qaranka 2017 ilaa 2021. Qorshahani, waa mid dedaal badan la galiyey, oo ku salaysan xog, xaqsoor iyo xaqiiqo dhab ah. Qorshahani, waa mid ay taladiisa ka qayb-qaateen dadka iyo deegaanada, ay sida tooska ah iyo sida dadban u khusayso. Qorshaha Horumarinta qaranka ee labaad, wuxuu mudnaan siinayaa sidii loogu talaabsan lahaa horumar balaadhan<\/p>\n<p>5-ta sanno ee soo socda, si gaar ah, wuxuu u abbaaraya<\/p>\n<p>\u00d8\u00a0 Yaraynta Saboolnimada.<br \/>\n\u00d8\u00a0 Abuurista Fursado Shaqo.<\/p>\n<p>\u00d8\u00a0 Dhiiri-gelinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah.<\/p>\n<p>\u00d8\u00a0 Kor u qaadidda Wax-soo-saarka Dalka; Sida, Dalaga Beeraha, Kalluumaysiga, Beeyada iyo Casriyeynta Nidaamka Xoolo Dhaqashada.<\/p>\n<p>\u00d8\u00a0 Ka hortagga Abaaraha iyo La-noolaanshaha Is-beddelka Cimillada Aduunka.<\/p>\n<p>\u00d8\u00a0 Kordhinta Kaabayaasha Dhaqaale iyo Adeegyada Bulshada.<\/p>\n<p>\u00d8\u00a0 Kor u qaadidda Maamul Wanaagga iyo Xuquuqda iyo Xoriyaadka Muwaadiniinta.<\/p>\n<p>Waxaan aamin-sanahay, in uu qorshahani qaranka u hor-seedi doono, isbeddel laxaad leh iyo horumar balaadhan.<\/p>\n<p>Siyaasadda Qarankan, waxa udub dhexaad u ah tallo wadaag iyo isku tashi, hogaankiisuna waa qori isu-dhiib. Sidaa darteed, waxaan rajaynayaa in Madaxweynaha i beddeli doonnaa uu xaqiijin doonno Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Labaad.\u00a0 Geba-gebadii, waxaan si weyn ugu mahad-naqayaa, Dawladdaha aynu\u00a0 saaxiibka dhaw nahay, ee Somaliland ka taageera Horumarka iyo Geedi-socodka Dimuqraadiyadda, waxaan leeyahay; &#8220;LIBAAX NIN GALLADAY, IYO NIN GANAY, LABADABA UU OG-YAHAY&#8221;.<\/p>\n<p>Waxaan ku boorrinayaa, dhammaan Bulshada Reer Somaliland, iyo Qaadhaan Bixiyayaasha, innaga taageera dhinaca horumarka, in ay ka qayb qaataan hirgelinta qorshahan.\u00a0 Waxaan sidoo kale, farayaa dhammaan daneeyayaasha,\u00a0 in ay mashaariicda ay hirgelin doonaan ku saleeyaan Qorshaha Qaranka ee Labaad.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, waxaan u mahad-celinayaa Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, oo uu hormuud u yahay Wasiirka Wasaaraddu, Mudane, Maxamed Ibraahin Aadan (Qabyo-tire)<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay qorshihii labaad ee horumarinta qaranka 2017 ilaa 2021 Oo lagu qabtay Hotel Ambassador. Madaxweynaha oo halkaasi ka jeediyey khudbad muhiimaya oo u dhignayd sidan: Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Mudanayaal iyo Marwooyin, Jamhuuriyadda Somaliland, waxay halkan kusoo gaadhay hayaan dheer iyo halgan qadhaadh, oo marxalado [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":37402,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-37401","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/KHUDBADII.png?fit=306%2C305&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-9Jf","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/37401","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=37401"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/37401\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":37403,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/37401\/revisions\/37403"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/37402"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=37401"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=37401"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=37401"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}