{"id":3720,"date":"2015-01-13T12:33:15","date_gmt":"2015-01-13T12:33:15","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=3720"},"modified":"2015-01-13T12:33:15","modified_gmt":"2015-01-13T12:33:15","slug":"waddani-oo-si-aftahannimo-ah-u-dhalliilay-siyaasadda-arrimaha-dibadda-hoosna-u-dhigay-macnaha-goaamadiishirkaigad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/13\/waddani-oo-si-aftahannimo-ah-u-dhalliilay-siyaasadda-arrimaha-dibadda-hoosna-u-dhigay-macnaha-goaamadiishirkaigad\/","title":{"rendered":"WADDANI Oo Si Aftahannimo Ah U Dhalliilay Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Hoosna U Dhigay Macnaha Go\u2019aamadiiShirkaIGAD"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Capture25.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-3721\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/Capture25.jpg?resize=269%2C145\" alt=\"Capture\" width=\"269\" height=\"145\" \/><\/a>Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa meel adag iska taagay go\u2019aanno meel ka dhac ku ahaa Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland oo ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha dibadda ee urur gobolleedka IGAD, kaasi oo Sabtidii lagu soo gabogabeeyay Magaalada Muqdisho.<\/h2>\n<h2>Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI, Boobe Yuusuf Ducaale oo shalay shir jaraa\u2019id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in qodobkii koowaad ee go\u2019aamada shirkaasi ka soo baxay uu ahaa in IGAD aqoonsan tahay Madax-banaanida dhul iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, hasa-yeeshee taasi aanay ahayn wax shacabka reer Somaliland ka naxayaan, maadaama buu yidhi qodobkaasi yahay mar walba diyaarsan oo caado u ah ururka IGAD.<\/h2>\n<h2>Boobe Yuusuf Ducaale, waxa uu sheegay in aanay Somaliland wax dhibaato ah ku ahayn arrimaha ka soo baxay shirkaasi, haddii ba beesha caalamku ay Somaliland siisay aqoonsi runta u dhow.<\/h2>\n<h2>Xoghaye Boobe oo saxaafadda u akhriyey War-saxaafadeed dheer ayaa yidhi \u201cWar-saxaafadeedkii ka soo baxay shirkii IGAD ee Muqdisho, ayaa qodobkiisii koowaad lagu sheegay in dalalka IGAD mar kale qirayaan Xaq-dhowrka ay hayaan sugnaanshiyaha dhul ahaaneed, Madax-banaanida siyaasadeed iyo midnada Soomaaliya. Shacabka Somaliland waxaanu war-saxaafadeedkan ku ogeysiinaynaa in aanay weedhani wax innagu cusub oo laga naxo innagu ahayn, waayo waa shaambad iska samaysan oo shirarka noocan ahi marka ay dhamaadaan go\u2019aamada ka soo baxa la raaciyo. Weedhani kama turjumayso oo aan ahayn xaqiiqadii baryaha qaar ka jirtay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee mideysnayd. Maanta Caad innagama saarna in beesha caalamku ay aqoonsi qaanuuni ah siisay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xaqiiqadaa waxa barbar taalla oo dhab ah inay Somaliland haysato aqoonsi runta u dhow iyo taageerada dhabta ah ee beesha caalamka, kuwaasi oo ay ku kasbatay guulihii ay xaqiijisay dhowr iyo labaatankii sanadood ee u dambeeyay\u201d<\/h2>\n<h2>Boobe Yuusuf Ducaale, waxa kale oo uu sheegay \u201cSoomaaliya maaha tii baryaha qaar jirtay oo waxa abuurmay waayo cusub oo la yimid xaalado cusub oo aan indhaha laga qabsan Karin. Marxaladda maantu maaha tii dadka looga been sheegi lahaa, xukuumadda maantu waa inay dadka runta u sheegtaa oo aanay ka qarin, xaqiiqadu sida ay u jirto waa in loo waajahaa\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey oo uu xukuumadda Somaliland ku dhaliilay diblumaasiyad daro iyo inay ka gaabisay dedaalkii looga baahnaa inay qadiyadda Madax-banaanida ugu raadiso aqoonsi \u201cXukuumadda Somaliland waajibkeeda kamay marin ka midho dhalinta aqoonsi u raadinta qadiyadda Somaliland, xafiisyadii diblumaasiyadeed ee Somaliland dibadda uga adeegi jiray intoodii badnayd iridaha ayaa loo soo laabay, waxaana loo diraa dad aan aqoon u lahayn, ilbaxnimo ka dheer tahay oo ka arradan xadaaradaha bani-aadamku ku macaamilo, kuwaasi oo lagu xulay qaab aad u liita oo eex iyo qaraabo kiil ah\u201d<\/h2>\n<h2>Boobe wuxuu tilmaamay inay xidhmeen xafiisyadii Somaliland ku lahayd dalka dibaddiisa \u201cWaxa Xafiisyadii dibadda ee Somaliland ragaadiyey Miisaaniyad la\u2019aan iyo ka war hayn la\u2019aan, xataa kuwii ajaniga ahaa ee qadiyadda Somaliland taageeri jiray ayaa maanta ka dhaqaaqey\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey oo uu sheegay inaan xukuumaddu si sax ah u wadin wadahadallada Soomaaliya, kuwaasi oo uu xusay in bilowgii u hiiliyeen qadiyadda Somaliland \u201cWada hadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku bilaabmeen shirkii London, go\u2019aamadii ka soo baxayna waxay ahaayeen qaar Togan oo u hiilinaya qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, laakiin ayaan daradu waxay ku jirtaa in xukuumaddeennu la ambatay, khadkii lagu saxeexay go\u2019aamadii shirkii London (February 2012-kii) oo aan Qalalin ayuu Madaxwaynaheennu kula kulmay Sheekh Shariif Magaaada Dubai, intii ka dambaysayna wada hadalladii waxa loola kacay Turkiga. Shirarkaa lagu sheegayo wadahaallada inta badan tamashle iyo Dalxiis ayaa loo tagaa, lamana adeegsado aqoonyahanno iyo xeel-dheerayaal ka midho dhallin kara oo waayo-aragnimo iyo aqoon ba u leh, ilaa maanta xukuumaddeennu uma laha wadahalladaasi tusmooyin lagu hago, wax war-bixinno ah oo ka soo baxayna ma jiraan. Waxaanu shacabka Somaliland u soo jeedinaynaa inay u soo jeedaan qadiyadda Madax-banaanidooda oo dhiig iyo dheecaanba loo soo huray\u2026\u201d<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa meel adag iska taagay go\u2019aanno meel ka dhac ku ahaa Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland oo ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha dibadda ee urur gobolleedka IGAD, kaasi oo Sabtidii lagu soo gabogabeeyay Magaalada Muqdisho. Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI, Boobe Yuusuf Ducaale oo shalay shir jaraa\u2019id [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":3721,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-3720","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-Y0","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3720","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3720"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3720\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3720"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3720"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3720"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}