{"id":35530,"date":"2017-06-08T11:48:52","date_gmt":"2017-06-08T11:48:52","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=35530"},"modified":"2017-06-08T11:49:36","modified_gmt":"2017-06-08T11:49:36","slug":"warsafadeedmadaxwayne-siilaanyo-oo-hada-digreeto-ku-magacaabay-hayaad-cusub-oo-kamid-noqon-doonta-kuwa-dawliga-iyo-mareeyey-iyo-kuxigeen-lo-magacaabay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/06\/08\/warsafadeedmadaxwayne-siilaanyo-oo-hada-digreeto-ku-magacaabay-hayaad-cusub-oo-kamid-noqon-doonta-kuwa-dawliga-iyo-mareeyey-iyo-kuxigeen-lo-magacaabay\/","title":{"rendered":"Warsafadeed:Madaxwayne Siilaanyo oo hada digreeto ku magacaabay Hayaad cusub oo kamid noqon doonta kuwa dawliga  iyo shaqada ay qabanayso o lagu cadeeyey"},"content":{"rendered":"<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay<b><i>JSL\/M\/XERM\/249-4859\/062017<\/i><\/b><\/span><b> <\/b><span lang=\"SQ\">uu ku aas-aasay dhismaha wakaaladda horumarinta xabkaha iyo faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuna magacaabay Maareeye iyo Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Madaxweynuhu:<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markuu Arkay:<\/b> \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Qodobbada 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qodobka 63(3) ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay\u2019adaha Madaxa Bannaan ee Xeer Lr. 71\/2015;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markuu Arkay<\/b>:\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 In khayraadka dabiiciga ah ee xabkaha iyo faleenka dalku kaalin mug leh ka qaadan karto horumarinta dhaqaalaha dalka;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markuu Garwaaqsaday:<\/b> \u00a0In ay waajib tahay in Xukuumaddu kaalin weyn ka qaadato daryeelka iyo horumarinta khayraadka xabkaha iyo faleenka, si looga badbaadiyo saamaynta ay ku keeni karto isbeddelada dabiiciga ah ee cimillada iyo abaaruhu;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markuu Garwaaqsaday:<\/b> In ay Xukuumaddu hormuud ka tahay dhiiri-gelinta iyo horumarinta iskaashatooyinka wax soo saarka iyo ka ganacsiga xabkaha iyo faleenka, si kor loogu qaado dhaqaalaha bulshada;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markuu Xaqiiqsaday: <\/b>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 In loo baahan yahay in la abuuro fursadaha suuq-geynta xabkaha iyo faleenka, si kor loogu qaado ka ganacsiga khayraadka xabkaha iyo faleenka dalka;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markuu Hubsaday:<\/b> \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 In Qaranku u baahan-yahay hay&#8217;ad dawladeed oo si gaar ah ugu xil-saaran horumarinta iyo ka ganacsiga khayraadka xabkaha iyo faleenka dalka;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markuu Si Xeel Dheer:<\/b> Ula tashaday dadweynaha iyo laamaha dawladeed ee ay khuseyso;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b>Wuxuu Soo Saaray;<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Xeerkan oo lagu aasaasayo <\/b><b>Wakaaladda Horumarinta Xabkaha iyo Faleenka<\/b><b> ee Jamhuuriyadda Somaliland.<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b>Qodobka 1aad<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b><u>Dhismaha Wakaaladda<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpFirst\">1)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Waxa halkan lagu Aasaasay Wakaaladda Horumarinta Khayraadka Xabkaha iyo Faleenka oo yeelanaysa jiritaan qaanuuni ah, isla markaana u madax-bannaan hawleheeda shaqo iyo maaliyadeed, iyada oo u gudanaysa xilkeeda si waafaqsan dastuurka, xeerarka iyo siyaasadaha dalka.<\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\">2)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Wakaaladda Horumarinta Xabkaha iyo Faleenku waxay hoos tagi doontaa Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah oo ku yeelan doonta awoodaha ay ka mid yihiin:<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">a)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Kormeerka iyo dabagalka sida: Helidda war-bixinnada shaqada, maaliyadda, iyo u gudbinta Xukuumadda Dhexe odoraska sannad-miisaaniyadeedka Wakaaladda, ka dib marka ay masuuliyiinta Wakaaladdu u soo gudbiso.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">b)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Ka taakulaynta Wakaaladda diyaarinta qorshayaasha, siyaasadaha iyo kor u qaadidda xirfadaha iyo aqoonta hawl-wadeennada Wakaaladda.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b>Qodobka 2aad<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b><u>Xilka iyo Waajibaadka Wakaaladda<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Xilka iyo waajibaadka Wakaaladda Horumarinta Xabkaha iyo Faleenka waxa ka mid ah:<\/p>\n<p class=\"x_gmail-Default\">1)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Dhaqan-gelinta siyaasadaha iyo mashaariicda horumarineed ee Xukuumadda ee lagu horumarinayo khayraadka xabkaha iyo faleenka dalka.<\/p>\n<p class=\"x_gmail-Default\">2)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Dejinta qorshayaasha iyo halbeegyada shaqo ee Wakaaladda, si waafaqsan qorshaha iyo barnaamijyada guud ee Xukuumadda.<\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpFirst\">3)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Dejinta qorshayaal iyo cilmi-baadhis lagama maarmaan u ah horumarinta iyo ka faa&#8217;iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee xabkaha iyo faleenka dalka, iyada oo loo eegayo horumarinta xaga wax soo saarka, ka ganacsiga iyo suuq-gaynta.<\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\">4)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Ku dhiiri-gelinta beeralayda iyo iskaashatooyinka wax soo saarka iyo horumarinta xabkaha iyo faleenka oo ku dhisan nidaam casriyeysan.<\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\">5)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Dhismaha iyo abaabulka iskaashatooyinka ka ganacsiga khayraadka xabkaha iyo faleenka.<\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\">6)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Ka hawl-gelidda iyo abuuridda suuqyada ganacsiga xabkaha iyo faleenka ee dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.<\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\">7)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Diyaarinta iyo u soo bandhigidda Xukuumadda qorshayaasha horumarinta ganacsiga xabkaha iyo faleenka dalka.<\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\">8)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Diyaarinta iyo fulinta tallaabo kasta oo kale oo looga gol-leeyahay xaqiijinta ka faa&#8217;iidaysiga xabkaha, si loo hir-geliyo loona gaadho hiigsiga Xukuumadda ee koboca dhaqaalaha dalka.<\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpLast\">9)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Fulinta hawlaha kale ee Xeerka Dhismaha Wakaaladda iyo Xeerarka kale ee khuseeya ee awoodda siinaya Wakaaladda.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b>Qodobka 3aad<\/b><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpFirst\" align=\"center\"><b><u>Maamulka iyo Qaab-dhismeedka<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\" align=\"center\"><b><u>\u00a0<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\">1)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Wakaaladdu waxay yeelanaysaa Maareeye iyo Maareeye Ku-xigeen uu magacaabo Madaxweynuhu, ka dib marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah.<\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpLast\">2)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Qaab-dhismeedka iyo Awoodaha Wakaaladda, Xilka iyo Waajibaadka Maareeyaha, Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah, waxa lagu faah-faahin doonaa Xeerka Dhismaha Wakaaladda, si waafaqsan Qodobka 122aad ee Dastuurka iyo Qodobbada 64aad illaa 68aad ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay\u2019adaha Madaxa Bannaan ee Xeer Lr. 71\/2015.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><u>\u00a0<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><u>\u00a0<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><u>Magacaabida Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenka<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\u00d8 <b><i>Madaxweynuhu:<\/i><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markuu Arkay:\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markuu Tixgeliyey:\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Ahmiyadda ay Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenku ee Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay dhismaha iyo horumarinta Qaranka;<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markuu Arkay:\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 In baahi loo qabo magacaabidda jagada Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland;<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markuu Ka Fiirsaday:\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markuu ku Qancay:\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay<\/b><b>;<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b><u>Wuxuu go\u2019aansaday<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>In Mudane, Cabdillaahi Maxamed Jaamac (Caray), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland.<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><i>\u00a0<\/i><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>In Mudane, Axmed Maxamed Xasan (Baradho), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland.<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><i>\u00a0<\/i><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><i>\u00a0<\/i><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"NL\">ALLAA MAHAD LEH<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"NL\">\u00a0<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Naasir Yuusuf Daahir<\/b><b><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL, ahna<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Ku simaha Af-hayeenka.<\/span><\/b><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahayJSL\/M\/XERM\/249-4859\/062017 uu ku aas-aasay dhismaha wakaaladda horumarinta xabkaha iyo faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuna magacaabay Maareeye iyo Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka. \u00a0 Madaxweynuhu: \u00a0 Markuu Arkay: \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Qodobbada 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qodobka 63(3) ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":28466,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":true,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-35530","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/madaxwayne-Siilaanyo.jpeg?fit=160%2C90&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-9f4","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/35530","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=35530"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/35530\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":35532,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/35530\/revisions\/35532"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28466"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=35530"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=35530"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=35530"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}