{"id":3505,"date":"2015-01-10T13:49:20","date_gmt":"2015-01-10T13:49:20","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=3505"},"modified":"2015-01-10T13:49:20","modified_gmt":"2015-01-10T13:49:20","slug":"warshadda-laydha-dawladda-hargeysa-oo-ganacsato-lagu-wareejiyay-iyo-madaxweyne-xigeenka-oo-sharaxay-sababta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/10\/warshadda-laydha-dawladda-hargeysa-oo-ganacsato-lagu-wareejiyay-iyo-madaxweyne-xigeenka-oo-sharaxay-sababta\/","title":{"rendered":"Warshadda Laydhka  Hargeysa Oo Ganacsato Lagu Wareejiyay Iyo Madaxweyne Xigeenka Oo Sharaxay Sababta"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/73ec26c1f322820506fbe471ff62e207_M.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-3509\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/73ec26c1f322820506fbe471ff62e207_M-300x203.jpg?resize=300%2C203\" alt=\"73ec26c1f322820506fbe471ff62e207_M\" width=\"300\" height=\"203\" \/><\/a>Hargeysa (AN) Xukumadda Somaliland, ayaa Warshada Laydhka Dawladda ee Hargeysa si rasmi ah ugu wareejisay Ganacsato reer Somaliland ah. Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hotel-ka Maansoor ayaa lagu shaaciyay in Warshada loo maamulayo hanaan lagu tilmaamay wadaag oo ay wada maamulayaan dad ganacsato ah iyo Xukumadda.<\/p>\n<p>Munaasibada waxaa ka qayb galay Madaxda Xukumadda qaarkeed oo uu ugu sareeyay Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici \u201cMaanta waxaynu halkan ku daah-furaynaa in warshadii Laydhka Dawladda ee Hargeysa\u00a0 aynu u bedelayno hab wadaag ah oo Dawladda iyo dad ganacsato ahi ay ku midoobaan sidii loo horumarin lahaa adigaas, oo runtii rafaad badan lala soo maray\u201d ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Somaliland.<\/p>\n<p>Mudane Cabdiraxmaan Saylici, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in hanaankani \u00a0yahay mid lagu xallinayo Warshada oo si habsami ah u shaqayn wayday \u201cMarkii dhib kasta dhacdo waxaa la raadiyaa xalkiisa,habkan wadaagu waa xal runtii loo helay hagaajinta adeega bulshada. Waxaa la isku gaynayaa dhaqaalihii gaarka loo lahaa iyo Awoodii maamul ee dawladda\u201d<\/p>\n<p>Madaxweyne xigeenka ayaa sheegaya inaanay ahayn in Warshada lagu wareejiyay Ganacsadaha oo faraha looga qaadayo balse lala maamuli doono \u201cHawl lagu wareejiyay uun Ganacsato oo faraha looga qaadayo oo ay u madax banaan yihiin maaha ee waa hawl la wada leeyahay oo la wadaagayo\u201d<\/p>\n<p>Mudane Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu iftiimiyay sababta kaliftay in la wareejiyo Warshada Laydhka \u201cXukumaddu markay hanaan ama siistam dhan oo shaqaynayay \u00a0oo ama warshad ahaa ama wax kale ahaa ay awood ama dhaqaale u waydo waxay ku wareejisaa Ganacsato Illaahay dhaqaalaha siiyay oo ay tidhaahdaa meeshaa Kici\u201d ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Somaliland.<\/p>\n<p>Madaxweyne xigeenka Somaliland waxa uu sheegay inay Xukumaddu ka mid noqonayso Guddida sare ee Shirkadda islamarkaana dusha kala soconayso Siyaasadda Shirkadda si ay iskugu daydo inay xakamayso Qiimaha Laydhka. waxa uu sheegay in Dawladdu gacanta ku haysay Warshadda Laydhka Hargeysa iyo ta Berbera, haddana waxa socota in Warshada Berbera ee Laydhka oo Xukumaddii hore samaysay ganacsato lagu wareejiyo.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaan Umadda SOmaliland ugu Bushaaraynaynaa in Dastuurkeenu Ogol yahay in dawladdu hantideeda ciday doonto la wadaagto, iyadoo uga jeeda inay samayso adeeg wanaagsan oo jaban oo Joogto ah la helo&#8221; ayuu yidhi Mr Saylici<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Xukumadda Somaliland, ayaa Warshada Laydhka Dawladda ee Hargeysa si rasmi ah ugu wareejisay Ganacsato reer Somaliland ah. Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hotel-ka Maansoor ayaa lagu shaaciyay in Warshada loo maamulayo hanaan lagu tilmaamay wadaag oo ay wada maamulayaan dad ganacsato ah iyo Xukumadda. Munaasibada waxaa ka qayb galay Madaxda Xukumadda qaarkeed oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":3509,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-3505","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-Ux","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3505","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3505"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3505\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3505"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3505"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3505"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}