{"id":3474,"date":"2015-01-09T17:28:27","date_gmt":"2015-01-09T17:28:27","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=3474"},"modified":"2015-01-09T17:28:27","modified_gmt":"2015-01-09T17:28:27","slug":"dhamaadka-qandaraaska-turkiga-jidiiddintii-djibouti-kacaa-kufka-wada-hadalada-iyo-jeegaanta-reer-galbeedka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/09\/dhamaadka-qandaraaska-turkiga-jidiiddintii-djibouti-kacaa-kufka-wada-hadalada-iyo-jeegaanta-reer-galbeedka\/","title":{"rendered":"Dhamaadka Qandaraaska Turkiga + Jidiiddintii Djibouti + Kacaa-kufka Wada-hadalada Iyo Jeegaanta Reer Galbeedka"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Iyadoo wakhti yar laga joogo Kulankii dalka Djibouti ku dhex maray Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ee lagu jidiidinayay qandaraaskii Dalka Turkigu ku qaatay dhexdhexaadinta labada dhinac laba sanadood ka hor, isla marlkaana horumar midho-dhal ah laga gaadhin qadiyada wada-hadalada , sidii lagu qorsheeyey kulankaii Djibouti-na, bisha Feberuary ee foodda inagu soo haysa loo balansanyahay in wajiga labaad ee gogosha wada-hadalka laysugu yimaado dalka Turkiga,<!--more--><\/p>\n<p>si looga wada-hadlayo qadiyaddaha Masiiriga ah ee u dhexeeya labada dhan, ayaa waxa mar kale qarxay muran culus oo u dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Xamar, kaddib markii Xukuumadda Xasan Sheikh si cad u dhaleeceysay Heshiisyada Sahaminta Shidaalka iyo Macdanta ee Somaliland kula jirto Shirkadaha Ajaanibka ah, taasoo dhalisay walaac hor leh iyo cabsi laga qabo inuu bur-buro heshiiskii uu marti-geliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.<\/p>\n<p>Khilaafkan cusub , oo yimi kaddib markii Arbacadii todobaadkan Wasaaradda Macdanta iyo Baatroolka Dawladda Somaaliya qaraar ay soo saartay, ku sheegtay inay gabi ahaanba sharci daro yihiin Mashaariicda Sahaminta Shidaalka iyo Macdanta ee Xukuumadda Somaliland Shirkaddaha Ajaanibka iyo Waddaniga isugu jira heshiisyada kula gashay, ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo dhankiisa farta ku fiiqay inuu doc-wareemayo wada-hadalada, halka aanu dhigiisa Soomaliya Xasan Sheikh Maxamuud wali mowqif ka istaagin dhaleecaynta ka timi maamulkiisu saameynta ay yeellan karto.<\/p>\n<p>Hase ahaatee, sida uu ku sheegay Bar-kulanka Bulshadu ku xidhiidho Khamiistii shalay, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka jawaabeyay eeddeymaha xukuumaddiisa looga soo jeediyay Heshiisyada Sahaminta khayraadka Shidaalku, waxa kale oo uu ugu hanjabay Dawladda Soomaaliya inaanay aqbali Karin faro-gelin kasta oo ku samayso arrimaha u khaaska ah Somaliland.<\/p>\n<p>\u201c Waxaan Soomaaliya ku boorrinayaa inay ka fogaato ka hadlida Arrimaha Somaliland khuseeya, waayo? Waxa kaliya oo ay waxyeelaysaa wada hadalada Socda. Somaliland ma aqbali doonto Nooc kasta oo faro galin ah oo lagu sameeyo Xuduudaheeda. Gefaf kasta oo nagaga yimaada Jaarkayaga waxaanu uga jawaabi doonaa si lamid ah\u201d.ayuu ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo.<\/p>\n<p>Geesta kale, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa si adag u difaacay Sharciyada Shirkadda ARC ee Gobolka Awdal ka fulinaysa Macdan qodista, waxaaanu ku doodday in Shirkaddaasi diwaan-gelin sharci ah ka haysato Dawladda Somaliland muddo laba sannadood ah inay howl-gal Sahamin iyo soo-saaris Macdaneed ka fuliso goobaha ay shaqada ka waddo hada ee Buuraha SIMODI.<\/p>\n<p>\u201cShirkaddani waa Shirkad ka diwaan-gashan Somaliland oo ku xidhan Shirkaddo kale oo Shiinaha laga leeyahay, waxaanay shaqo wax soo saar ah ka wadaa iminka Somaliland muddo laba sannadood ah\u201dayuu ku sheegay Shir-jaraa\u2019id oo uu Arbacadii shalay ku qabtay Xafiiskiisa. Wasiir Ducaale<\/p>\n<p>\u201cAnnagu mar walba si hagar la\u2019aan ah ayaanu u tix-gelinaa wada-hadalka socda. Laakiinse mar kasta waxyaabo wada-hadalada wax u dhimaya ayaa ka imanaya Dawladda Soomaaliya \u201dayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo dhan kastaba ka difaacay ogolaanshiyaha Shirkada ARC ku joogto Somaliland, kuna shaqayso.<\/p>\n<p>Haddaba, Inkastoo aanay ahayn markii ugu horeeyay ee madmadow siyaasaddeed ka daba-yimaada heshiisyo ay wada gaadheen labada dhinac, intii ay socdeen kulamadii dhex maray labadii sannadood ee laga soo gudbay, kuwaasoo mar kasta natiijada ka soo baxda , ay Dawladda Soomaaliya doc-wareemaysay, hadana waxa uu ismaandhaafkan ka dhex qarxay labadii maalmood ee ugu dambeeyay, ku soo beegmay, wakhti Waddamada reer Galbeedka oo Ingiriiska iyo Maraykanku hormuud ka yihiin dalka ka sugayeen Turkiga inuu soo afjaro marti-gelinta dhexdhexaadinta labada dal, maadaama uu ka dhamaaday wakhtigii uu qandaraaska ku qaatay oo ahayd muddo laba sannadood ah.<\/p>\n<p>Sidaasi darteed, marka la eego saameynta uu yeellan karo muranka ka dhex qarxay labada dal, iyadoo ay mar kale qabyo-waajayaan, qodobadii heshiisyadii kala dambeeyay lagu galay oo ay ahayd in ka hor bisha Feberaury kulanka dhici doona, ay si wada jira u fuliyaan Somaliland iyo Xamar, jabay-na mid ka mid ah qodobadii heshiiskii Djibouti lagu tahkiidiyey, kaasoo ahaa inay labada Maamul ka dheeraadaan wax kasta oo dhaawacaya wada-xaajoodyada, waxa muuqata inay Dawladdda Turkigu natiijo la\u2019aan ku dhamaystay wakhtigii ay Mashruuca ku qaadatay Marti-gelinta iyo dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaana suurto gal ah inaan fursad loo siinin kulanka loo balansanyahay Bisha soo socota, balse lagu qabto waddan kale, maadaama ay ku guul-daraystay isku soo dhaweynta labada dal iyo ka garsoorida qadiyadaha xaasaasiga ah ee laysku maan dhaafsanyahay, sida ay aaminsanyihiin khubarada diblomaasiyaddu, wallow xataa hadii ay Anchor kualnka Feberuary ku dhamaysato jaaniskeeda labada sannadood ahaa, wax ka soo naaso-cadi jirin xidhiidhka labada dal ee la kala noqday midnimadii dhex martay 1960-kii<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.net<\/p>\n<p>Hargaysa Desk<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Iyadoo wakhti yar laga joogo Kulankii dalka Djibouti ku dhex maray Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ee lagu jidiidinayay qandaraaskii Dalka Turkigu ku qaatay dhexdhexaadinta labada dhinac laba sanadood ka hor, isla marlkaana horumar midho-dhal ah laga gaadhin qadiyada wada-hadalada , sidii lagu qorsheeyey kulankaii Djibouti-na, bisha Feberuary ee foodda inagu soo haysa loo balansanyahay in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2174,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-3474","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-U2","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3474","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3474"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3474\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3474"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3474"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3474"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}