{"id":34607,"date":"2017-05-17T13:12:17","date_gmt":"2017-05-17T13:12:17","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=34607"},"modified":"2017-05-17T13:12:17","modified_gmt":"2017-05-17T13:12:17","slug":"guddoomiyaha-kulmiye-oo-shacabka-somaliland-ku-hambalyeeyey-xuska-maalinta-qaranimada-18-ka-may-farriin-qaadhaan-ururin-ahna-u-diray","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/05\/17\/guddoomiyaha-kulmiye-oo-shacabka-somaliland-ku-hambalyeeyey-xuska-maalinta-qaranimada-18-ka-may-farriin-qaadhaan-ururin-ahna-u-diray\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka Somaliland ku Hambalyeeyey Xuska Maalinta Qaranimada 18-ka May, Farriin Qaadhaan Ururin ahna u Diray"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews.com ):- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland ugu hambalyeeyey xuska sannad-guurada 26-aad ee ka soo wareegtay dib-ula-soo noqoshada qaranimada Somaliland ee 18-ka May 1991.<br \/>\nGuddoomiye Muuse Biixi waxa uu hambalyada shacabka maalinta qaranimada ka sakow uu farriin baaq ah u diray shacabka Somaliland inay ka qaybgalaan qaadhaan-ururinta loo beddelay xafladihii xuska 18-ka May si loogu gurmado dadka ku tabaaloobay dhibaatada abaartu sababtay.<br \/>\nMd. Muuse Biixi Cabdi oo dhambaal ku saabsan hambalyada xuska maalinta 18-ka May u diray shacabka Jamhuuriyadda Somaliland maanta, taas oo sidoo kalena kaga hadlay guulaha Somaliland gaadhay muddada ay jirtay iyo qabyooyinka weli u dhiman, waxa u ku yidhi, \u201cGuud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxaan ugu hambalyeynayaa munaasibadda 18-ka May oo ah maalintii lagu dhawaaqay goonni-isu-taagga Somaliland iyo lasoo noqoshada Qarannimada Somaliland ee 18-ka May, qaranimada Somaliland waxay soo martay jid dheer oo halgan leh oo nabadayn, qaran-dhis iyo horumar dhinacyo badan leh, mid dawladnimo, waxbarasho, mid kaabayaasha dhaqaalaha ah iyo bulshada oo koboc aqooneed iyo nabadeed ku tallaabsatay, haseyeeshee adduunyadu waa tiro sagaal ah oo ma tobnowdo, mar walbana waxbaa dhiman iyadoo aynu horumar weyn gaadhnay haddana weli qabyo badan iyo dhibaatooyin baa ina horyaalla, waxaana kow ka ah dhaqaale yaraan, shaqo la\u2019aan ama inta dadkeenna shaqaysa oo aan mushahar ku filan qaadanin, aqoonsi la\u2019aan iyo u diyaargarowga cimilada isbeddeshay ee keentay abaaraha iyo roob la\u2019aanta saamaysay noloshii dadka Somaliland oo dhan iyo inta afsoomaaliga ku hadasha iyo guud ahaan Geeska Afrika oo dhan.\u201d<br \/>\nMurrashax Muuse Biixi oo sharraxaya sida looga bixi karo mushkiladaha waqtigan hortaagan bulshada reer Somaliland, \u201cDhibaatooyinkaas ina horyaalla waxa lagaga gudbi karaa midnimo, isku kalsooni, aqoon iyo fahan ah inaynu isku tashano oo aanay dhibaatadaas innaga saari karin wax la inoo soo sadaqeeyey ama bani\u2019aadam kale innagaga timi oo la innagu caawiyey,\u201d ayuu yidhi.<br \/>\nWaxa kaloo uu Guddoomiyaha KULMIYE u faahfaahiyey bulshada reer Somaliland sababaha loo beddelay munaasibadihii dabbaaldegga maalinta 18-ka May iyo siday uga duwan tahay kuwii hore, waxaannu yidhi \u201cMaanta 18-ka May dabbaaldeggii hore ee la samayn jirey mid ka duwan baynu samaynaynaa, haddii markii hore aynu ciidamo soo marin jirnay oo damaashaadka uu ciidan ku jiray oo dadku fantasiye badan iyo kharash badan geli jiray abaabulka maalintaas, maanta xooggii iyo dhaqaalihii waxa aynu u beddelay inaynu ugu gurmano dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen ee dhibaataysan wixii dhaqaale ahna halkaas loo duwo, lana bilaabo u diyaargarowgii ka hortagga abaaraha oo dhir la beero oo ay noqoto bar-bilow qof walba oo reer Somaliland ahi uu geed beeri karo, haddii aynaan dib u dhiraynin abaartu way sii baahaysaa.\u201d<br \/>\nUgu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay dhammaan reer Somaliland inay si buuxda uga qayb-qaataan qaadhaan-ururinta loogu talogalay in wax lagaga qabto saamayntii abaartu reebtay, isagoo xusay in haddii qaadhaankaas loo hagar-baxo ay bulshadu noqon doonto mid isku tashatay oo baryo dibadeed ka maaranta, \u201cShacabka reer Somaliland gudo iyo\u00a0 dibad meel ay joogaanba waxaan ugu baaqayaa inay ka qayb-qaataan qaadhaan-ururinta dhaqaalaha loogu talogalay dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen, haddii aynu isu hagar-baxno mar waa ajar, mar waa seko haddii lagugu leeyahay, marna waa bani\u2019aadamnimo oo dad tabaalaysan oo xaq kugu leh baa wax la siiyey, marna\u00a0 dhaqaalaha aynu ururinaynaa waxa uu bar-bilow u noqonayaa in haddii aynu isku tashano aynu in badan ka maarmi doono baryada bani\u2019aadamka, midna ogaada oo lacagta hay\u2019aduhu inagu caawinayaan waxa laga soo ururiyaa dad innaga oo kale ah,\u201d ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews.com ):- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland ugu hambalyeeyey xuska sannad-guurada 26-aad ee ka soo wareegtay dib-ula-soo noqoshada qaranimada Somaliland ee 18-ka May 1991. Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu hambalyada shacabka maalinta qaranimada ka sakow uu farriin baaq ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":34608,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-34607","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/Guddoomiye-Muuse.jpg?fit=800%2C526&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-90b","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34607","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=34607"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34607\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":34611,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34607\/revisions\/34611"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/34608"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=34607"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=34607"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=34607"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}