{"id":3435,"date":"2015-01-08T14:17:34","date_gmt":"2015-01-08T14:17:34","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=3435"},"modified":"2015-01-08T14:17:34","modified_gmt":"2015-01-08T14:17:34","slug":"taliyahii-qaybta-booliska-mudug-oo-xilka-iska-casilay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/08\/taliyahii-qaybta-booliska-mudug-oo-xilka-iska-casilay\/","title":{"rendered":"Taliyahii Qaybta Booliska Mudug oo xilka Iska casilay"},"content":{"rendered":"<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter  wp-image-177023\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/dool.jpg?resize=694%2C390\" alt=\"dool\" width=\"694\" height=\"390\" \/><\/p>\n<p>Taliyahii qaybta Booliska gobolka Mudug Gen C\/laahi Shire Dool ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayey ee taliyaha booliska gobolka Mudug oo uu hayey sanad iyo bar.<\/p>\n<div class=\"other-ads\">\n<p>Gen. Dool oo saxaafada la hadlay isagoo ku sugan Deegaanka Bursaalax ayaa sicad u sheegay in xilkaas uu iska casilay, Isacasilaadiisa ayuu u sababeeyey taliyuhu ka dib markii uu sii xumaaday amniga gobolka Mudug sida uu sheegayba ayna jirto cadaalad daro isagaba uu tirsanayo.<\/p>\n<\/div>\n<p>Taliyaha ayaan saxaafada u qeexin cadaalad darada uu tirsanayo balse wuxuu daba dhigay in xilka uu hayey xukunkiisa iyo go\u2019aamadiisa lagu fara gelinayey inkastoo uu san cidna carabaabin.<\/p>\n<p>Dhawaan taliyahan iscasilay oo waraysi siiyey midka mida waraahinta gudaha ayuu sheegay in xaalada amniga Gobolka Mudug ay marayso meel u baahan wax ka qabad weyn marhadii madaxdii gobolka ay nolashooda khatar gashay.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Taliyaha Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf ayaa ka hadlay is casilaada taliyaha qaybta booliska Mudug wuxuuna sheegay in uusan aqbalayn iscasilaada ka timid Gen Dool isagoo sheegay in arrintan wax ka qabadkeeda galayaan si loo wajaho tabashooyinka taliyaha qaybta.<\/p>\n<p>Gobolka Mudug waxaa bishii aynu soo dhaafnay ka dhacay weeraro qaraxyo oo gudaha Gaalkacyo ka dhacay sidoo kalana ay jiraan dagaalo ka dhacay xuduuda degmada Saaxo ee gobolka Mudug ay la adaagto maamulka Galmudug<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyahii qaybta Booliska gobolka Mudug Gen C\/laahi Shire Dool ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayey ee taliyaha booliska gobolka Mudug oo uu hayey sanad iyo bar. Gen. Dool oo saxaafada la hadlay isagoo ku sugan Deegaanka Bursaalax ayaa sicad u sheegay in xilkaas uu iska casilay, Isacasilaadiisa ayuu u sababeeyey taliyuhu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":3436,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-3435","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-Tp","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3435","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3435"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3435\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3435"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3435"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3435"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}