{"id":3426,"date":"2015-01-08T14:05:14","date_gmt":"2015-01-08T14:05:14","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=3426"},"modified":"2015-01-08T14:05:14","modified_gmt":"2015-01-08T14:05:14","slug":"maxaad-ka-taqaanaa10-ka-shaqo-ee-ugu-daalka-welwelka-iyo-niyad-jabka-badan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/08\/maxaad-ka-taqaanaa10-ka-shaqo-ee-ugu-daalka-welwelka-iyo-niyad-jabka-badan\/","title":{"rendered":"Maxaad Ka Taqaanaa10-ka Shaqo Ee Ugu Daalka, Welwelka Iyo Niyad Jabka Badan"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/index10-150x150.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-3427\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/index10-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"index10-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a>Hargeysa\u00a0(AN)Xog ururin caafimaadka iyo shaqada ah ayaa lagu ogaaday tobanka shaqo ee hoos u dhaca keena, hoos u dhacaas oo looga jeedo niyad jabka, murugo, dareen ah in qofku waxba ku fiicnayn, iyo xiise la\u2019aan aan qofku danaynayn hawsha uu qabanayo. Xogtan oo ay diyaariyeen khubaro caafimaadka maskaxda ku takhasusay oo reer galbeed ah laguna soo bandhigay barta internetka ee health.com waxa lagu waraystay dad ka shaqeeyo meelo kala duwan, kuwaas oo la qiyaasay boqolkiiba inta qof ee ka cabanaya daalka., welwelka iyo niyad jabka ka dhasha shaqada.<\/h2>\n<h2><strong>1. Kalkaaliyayaasha caafimadka<\/strong><br \/>\nKalkaaliyayaasha caafimadka ama Daryeelayaasha dadka waawayn iyo caruurta yaryar oo shaqadooda maalinlaha ahi\u00a0 kamid tahay quudinta ama cunno siinta, nadaafadda iyo daryeelka dad bukaan ah, ama da\u2019 ah ama aad u yaryar oo dadkaasina qofka hawsha u hayaa aanu kala kumin wax mahadnaq ah sababtoo ah waa bukaan ama aad bay u yaryar yihiin amaba ma laha taas dhaqankeeda.<\/h2>\n<h2><strong>2. Shaqaalaha maqaaxiyaha iyo Hotelada<\/strong><\/h2>\n<h2>Shaqaalaha maqaaxiyaha iyo Hotelada laga cunteeyo ayaa iyagu kaalinta labaad ku jira marka laga tago shaqooyinka xirfadda u baahan sida Kalkaalisanimada. Shaqaalaha maqaaxiyaha iyo hotelada cuntadu waxay qaataan badanka lacag yar, waxayna shaqeeyaan muddo badan, sidoo kale waxay la kulmaan amaro badan oo qof kasta oo wax cunayaa wuxu jecel yahay wax gaara iyo in si gaara loogu adeego. \u201d Shaqadani waa mid aan laguu ogayn, laguma mahad naqayo, dadka qaar wayba ku aflagaadaynayaan, mararka qaarna shaqada jidhku qabanayo waa mid aad u daal badan\u201d sidaa waxa tidhi gabadh ka mida dumarka ka shaqeeya Hotelada wax laga cuno.<\/h2>\n<h2><strong>3. Dadka daryeelka bulshada<\/strong><br \/>\nDadka daryeelka bulshada qabta sida gacan qabashada qoysaska ama ubadka la haleeyey ayaa iyaguna liiska meel sare kaga jira. Mid kamida dadka hawshaas qabta ayaa leh: \u201d Waxa jira dhaqan odhanaya, si aad wax wanaagsan bulshada ugu qabatid waa inaad aad ugu dedaasho shaqadaada oo u hurto wax badan\u201d Dadka caawiya dadka baahan ee bulshada ee afka qalaad lagu dhaho (Social worker) waxay qabtaan shaqo adag, oo u baahan inay wax badan oo waqti iyo awoodba ah geliyaan hawsha ay fulinayaan.<\/h2>\n<h2><strong>4. Shaqaalaha caafimadka<\/strong><br \/>\nShaqaalaha caafimadka sida dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayashoodu waxay hayaan shaqo ay wax badan bixinayaan oo wax yar helayaan maadi ahaan, laakiinse ajarka iyo wanaagga dadkaasi qabanayaan ma aha mid lasoo koobi karayo.\u00a0 Dadka noocan ahi saacado badan ayay hadh iyo habeenba u taagan yihiin daryeelka dad xanuun la ildaran. \u201d Maalin walba dadka caafimadka ka shaqeeya waxa ku yimaada niyad jab iyo daal, waxay arkayaan dad dhaawac ah, dhiig daadanaya, dad dhimanaya iwm, mararka qaarna waxa ku jira qoysaskooda oo ku haya werwer dheeraad ah\u201d sidaas waxa isna yidhi nin dhakhtar ah.<\/h2>\n<h2><strong>5. Qorayaasha, farshaxanka iyo Madadaaliyaasha<\/strong><br \/>\nShaqooyinka noocan ahi waxay marar badan yihiin kuwo lacag yar laga helo, qofka go\u2019doon ka dhiga oo uu waqti badan ku mashquulo, iyo saacado badan oo la shaqeeyo. Dhanka ragga shaqada ugu daran ee ugu niyad jabka iyo daalka badani waa kuwan.<\/h2>\n<h2><strong>6. Macalinimada<\/strong><br \/>\nBaahida cilmiga iyo aqoonta loo qabaa maaha mid dhamaanaysa waligeed, waana mid soo kordhaysa mar kasta oo horumar laga gaadho dhanka nolosha iyo teknoolojiyadda, sidaas darteed waxa in badan dhacda in maclimiin badani shaqadu ku badato ama ay gelinka danbena shaqeeyaan. In badan macalimiinta caalamku waxay qaataan gunno yar, saacado badan ayay shaqeeyaan, duruufo adagna way ku shaqeeyaan waana tan keenaysa niyad jab ama madax xanuun badan iyo daal dhanka maskaxda ah. \u201d Cadaadis badan ayaa maclimiinta haysta, waxana uu ka imanaya dhanka caruurta wax la barayo, waalidka i oo daba gal ku haya maclimiinta iyo maamulka iskuulada oo iyagu doonaya in tayada tacliinta mar kasta kor loo qaado.\u201d<\/h2>\n<h2><strong>7. Maamulayaasha<\/strong><br \/>\nMaamulayaasha ama shaqaalaha maamulka taageera:Dhibaatada ugu badan ee heli kartaa waa baahi sarraysa oo ku aadan waxa ay qabanayaan ama ay iibiyaan, waxana dhacda in maamulayaasha shiradaha iyo meelaha kaleba uu haysto cadaadis wayn oo ka imanaya shaqada ay hayaan iyo cidda ay u hayaan, sida miisaniyadda, waqtiga, maamulka iyo maareynta iwm. Waxay taagan yihiin safka hore ee shaqada, wax walbana iyaga ayaa kala hagaya, wax kastana dabagal ayay ku hayaan. Waxay shaqayn karaan waqtiyo aan cayinayn oo aan la saadaalin karin, marar badanna ma helaan mahadnaq ku aadan hawlaha ay fududaynayaan waana tan keenaysa in uu la soo derso niyad jab.<\/h2>\n<h2><strong>8. Shaqaalaha dayactirka iyo dhulka hoostiisa<\/strong><br \/>\nShaqaalaha ka hawl gala dayac tirka agabka sida gaaadiidka, makiinadaha kala duwan iwm iyo kuwa iyagu dhulka hoostiisa ka shaqeeya sida macdan qodista. Sidee baad noqon lahayd haddi shaqadaadu tahay in marka wax xumaadaan oo keliya laguu yeedho?\u00a0 Tani waa waxa ay dadka dayactirka qaabilsani sameeyaan. Waxay ku khasban yihiin inay saacado dheeraada oo aan caadi ahayn shaqeeyaan sida waqtiyo aad u kulul ama u qabow, ama dadka kale nasanayaan ama hurdaan, waxa la siiyaa lacag yar oo ay ka qaataan dayactirka wax dadkale soo xumeeyeen oo kharaabiyeen. Badanka waa ku keli shaqada oo cid isma arkaan, waxana dhacda in shirkadda keliya shaqaale badani ka tago mar kasta iyaga oo ka cabanaya dhibaatada shaqadan culus ee niyad jabka , madax xanuunka iyo daalka keenaysa.<\/h2>\n<h2><strong>9. Xisaabiyayaasha iyo La taliyayaasha dhanka maaliyadda<\/strong><br \/>\nMasuuliyad wayn ayay shaqadani u baahan tahay oo la xidhiidha kharashka iyo faaidooyinka dadka ama shirkadaha , waqtiyada dhibaatada maaliyadeed dhacdo sida hoos u dhaca dhaqaalaha caalamka waxa dadka hawshan haya lasoo dersa madax xanuun badan iyo niyada jab. Sidoo kale waxay aad uga werweraan sidi iwaxan ay hayaan si saxa ugu hirgeli lahaayeen oo ay isu keeni lahaayen. Kol haddii dhaqaaluhu yahay mishiinka kala wada waxqabadka dadka ama shirkadaha waad garan kartaa qofka u xilsaaran arrinkaas sida aanu uga gam\u2019i karin lacag la waayo meelay martay, ama la jabsaday ama dhibaato kale soo gaadhay. waana qofka lagala xisaabtamayo wax kasta oo maaliyadda ah sidaas darteed waxa iska cad in dadka noocaas ahi ay madax xanuun iyo wareer badan ku jiraan in badan taas oo niyad jab wayn ku keenta hawsha ay hayaan.<\/h2>\n<h2><strong>10. Dadka wax iibiya<\/strong><br \/>\nDaraasadduu waxay kaalinta tobnaad gelisay dadka jooga albaabka wax laga iibsanayo, ee iyagu u adeegaya qofka macmiilka ah. Dadkaasi ma ogaan karaan inta ay leekanayan dakhligoodu waayo waa mid ku xidhan macaamiisha wax iibsanaysa iyo xaddiga uu leegyahay dakhliga meeshu, marar badanna waxa dhacda in meheredaha dharka lagu iibiyo oo kale qofka wax iibsanayaa ku khasbo in dhar badan la tuso oo lasoo rogo , iyada oo ay dhici karto in uu marka danbe iskaga baxo waana qaabka ay somalidu wax ukala iibsato, taasina madax xanuun ayay ku keenaysaa qofkii hawshas hayay oo haddana alaabtii dib u habaynteedu dusha ka saaran tahay. Caalamka kale waxa dhacda iyadana in inbadani shaqeeyaan saacado badan, sidoo kale mushaharkoodu ku xidhan yahay kolba inta shay ee ay iibiyaan, markaa hadii loosoo xaadiri waayo waxa ku dhacaysa mushahar yaraan. Sidoo kale waxa dhacaysa bay daraasadu leedahay inay ka fogaadaan ehelkooda iyo qoysaskooda oo ay meel cidla ku noqdaan. Dadka noocan ah marka loo eego kuwa aynu hore usoo sheegnay lama kulmaan niyad jab ama madax xanuun saa\u00a0 u daran<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa\u00a0(AN)Xog ururin caafimaadka iyo shaqada ah ayaa lagu ogaaday tobanka shaqo ee hoos u dhaca keena, hoos u dhacaas oo looga jeedo niyad jabka, murugo, dareen ah in qofku waxba ku fiicnayn, iyo xiise la\u2019aan aan qofku danaynayn hawsha uu qabanayo. Xogtan oo ay diyaariyeen khubaro caafimaadka maskaxda ku takhasusay oo reer galbeed ah laguna [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":3427,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-3426","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-Tg","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3426","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3426"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3426\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3426"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3426"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3426"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}