{"id":33925,"date":"2017-05-02T08:54:01","date_gmt":"2017-05-02T08:54:01","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=33925"},"modified":"2017-05-02T08:54:01","modified_gmt":"2017-05-02T08:54:01","slug":"faysal-cali-waraabe-oo-xukuumadda-ugu-hanjabay-inuu-ku-kicin-doono-duufaano-siyaasdeed-oo-kala-duwan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/05\/02\/faysal-cali-waraabe-oo-xukuumadda-ugu-hanjabay-inuu-ku-kicin-doono-duufaano-siyaasdeed-oo-kala-duwan\/","title":{"rendered":"Faysal Cali Waraabe Oo Xukuumadda Ugu Hanjabay Inuu Ku Kicin Doono Duufaano Siyaasdeed Oo Kala Duwan"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa, (AN) \u2014Guddoomiyaha xisbiga Ucid ahna musharaxa xisbigaas Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumada ugu hanjbay haddii aanay kaalin muuqata ka qaadan dhibaatooyinka ay abaaruhu sababeen iyo sixirb ararka inay qaadi doonana talaabo ay dalka ku badbaadinayaan.<\/p>\n<p>Faysal oo hadal ka jeediyay madal loo qabtay isbahaysi dhallinyaro ah oo oo isbedel doon ah oo ku biiray xisbiga UCID, waxa kale oo uu dhaliilay guddiga abaaraha. \u201cGudida abaaraha si xun ayaa loo maamulay arin qaran lagama dhigin ee wadaado ayaa loo dhiibay, maanta dadkeenii gaajo ayaa haysa reer miyigeenii gaajo ayaa haysa intaas oo sano ayay ina haysay abaari afartii kun ee uu Turkigu inoo keenay iyo in Kuwayt ah mooyaane wax ina soo gaadhay ma jiraan, maanta dadkeenii marka roobkaasi helo ee ay cunto waayaan waa ay bakhtiyayaan, waxa uu nin maalin dhawayd masaajid ka sheegayay gabadh sagaal caruur ah haysata oo uur leh reeriina ay ka tageen oo caruurtii waxay u kariso la\u2019 ayay ku soo baxeen, waxa kale oo ay ku soo baxeen mid umushay oo kaligeed joogta oo wax biyo ah oo ay afka galiso aan hayn, dalkeenu sidaas ayuu u baaba\u2019san yahay oo uu baylah u yahay, maanta haddii uu roobkii da\u2019ay haraadkii ayaa ba\u2019aaya ee gaajada iyo xoolo la\u2019aantu way taagan tahay waa in qorshe lala yimaadaa oo la gurmadaa dadka xoolo la gaadhsiiyaa, sixir bararkii waa halkiisii, hoog iyo ba\u2019miidhan ayaa inagu soo socda, hadaanay dawladu shaqadeeda qabsan wadooyin kale ayaanu maraynaa hadaanay ka dayn kaanbaynka ay u wadaan xisbiga Kulmiye, waxay nagu kalifaysaa inaan shirno oo madashii kicino, Waddani kicino oo aqoonyahanka kicino aanu samayno shir badbaado qaran ah oo Somaliland ah, taas ayaad nagu kalifaysaan haddaad shaqayn waydaan.\u201d<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inlineright \"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-9545570006615183\" data-ad-slot=\"4439787957\" data-adsbygoogle-status=\"done\">\u00a0<\/ins><\/div>\n<p>Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumada ku dhaliilay inay u ololaynayso musharaxa xisbigeeda xili dalka xaalad adagi ay ka taagan tahay.<\/p>\n<p>Waxa kale oo isna madashaas ka hadlay Xoghayaha dhallinyarada ee xisbiga UCID Cabdicasiis Xaaji Xuseen Cumar Xaashi oo dhallinyarada xisbiga ku soo biirtay qalbi furan ku soo dhaweeyay islamarkaana sheegay in xisbiga UCID yahay xisbi la wada leeyahay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>arabsiyonews.com<\/p>\n<p>abdillaahi ahmed aw-muse<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa, (AN) \u2014Guddoomiyaha xisbiga Ucid ahna musharaxa xisbigaas Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumada ugu hanjbay haddii aanay kaalin muuqata ka qaadan dhibaatooyinka ay abaaruhu sababeen iyo sixirb ararka inay qaadi doonana talaabo ay dalka ku badbaadinayaan. Faysal oo hadal ka jeediyay madal loo qabtay isbahaysi dhallinyaro ah oo oo isbedel doon ah oo ku biiray [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-33925","post","type-post","status-publish","format-standard","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-8Pb","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/33925","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=33925"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/33925\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":33927,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/33925\/revisions\/33927"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=33925"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=33925"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=33925"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}