{"id":3260,"date":"2015-01-06T14:12:20","date_gmt":"2015-01-06T14:12:20","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=3260"},"modified":"2015-01-06T14:12:20","modified_gmt":"2015-01-06T14:12:20","slug":"xukuumadda-kulmiye-tacab-badan-ayaanu-galinay-wax-dheeraad-ahna-kamaanu-helin-wakaas-faysal-cali-waraabe-iskuulki-dhoqoshay-jiingada-saaraya-boqor-buur-madow-waraysi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/01\/06\/xukuumadda-kulmiye-tacab-badan-ayaanu-galinay-wax-dheeraad-ahna-kamaanu-helin-wakaas-faysal-cali-waraabe-iskuulki-dhoqoshay-jiingada-saaraya-boqor-buur-madow-waraysi\/","title":{"rendered":"Xukuumadda KULMIYE Tacab Badan Ayaanu Galinay Wax Dheeraad Ahna Kamaanu Helin, Wakaas Faysal Cali Waraabe Iskuulki Dhoqoshay Jiingada Saaraya\u201d. Boqor Buur Madow Waraysi"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/download-24-150x150.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-3261\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/01\/download-24-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"download-24-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a>Dubai\u00a0(AN) \u00a0Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-Madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Miisaanka leh ee Somaliland ayaa mar kale ka hadlay Qadiyadda Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar oo dhawaan sheegay inuu ka goostay Somaliland isla-markaana ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Gobolka AWDAL.<\/h2>\n<h2>Boqor Buur-Madow, waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqey inay arrinkaa go\u2019aan ka qaadato isla-markaana si gaar ah ugala tashato Madax-dhaqameedka ka shaqeynaya Nabadda ee ku sugan Gobolka AWDAL, halka buu yidhi laga buun-buuninayo Suldaan uu sheegay inuu god hoostii ku jiro.<\/h2>\n<h2>Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) oo xalay Khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Somalilandtoday isaga oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, ayaa iaga oo ugu horeyn ka hadlaya heshiiska ay gaadheen Xukuumadda iyo Mucaaradka Jabuuti ayaa yidhi \u201cHeshiiska Jabuuti aad iyo aad baan u hambalyeynayaa, runtiina Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle waa nin culus oo arrimaha Soomaaliyeed cid u dhaantaa aanay jirin, imikana wuxuu qaatay go\u2019aan adag oo uu iskugu soo ururinayo khilaafkii yaraa ee jiray, waxaan leeyahay ILAAHAY ha idinla garab galo\u201d<\/h2>\n<h2>Boqor Buur-Madow, waxa uu sheegay inuu heshiiskaasi yahay mid wax taraya geeska Afrika \u201cQolada Mucaaradka ah ee heshiiska qaadatayna aad baan u hambalyeynayaa, waayo heshiiskaa waa heshiis Soomaali iyo mandaqaddaba wax tareysa, Somalilandna wax tareysa\u201d ayuu yidhi.<\/h2>\n<h2>Boqor Cismaan waxa kale oo uu ka hadlay Qadiyadda Suldaan Wabar, waxaanu sheegay in hawshaasi ay wadaan Qurba-jooggu \u201cNinkaa Suldaanka ahi waa nin god ku jira oo geed hoostii ka soo hadlaya, nin ciidan haysta maaha oo wax qaban kara, xukuumadda Somaliland-na aad iyo aad baan ugu dhaliilayaa, waayo iyadaa arrinkaa buunbuunisay, arrinkana waxa markiisa horeba wata niman qurba-joog ah, qurba-joogu qabiil kasta oo Soomaaliyeed dhibaato ayay ku hayaan, cidda hunguriga xun ee meel walba sida foosha xun wax uga raadinaysa waa Qurba-jooga, ama reerahayaga ha ahaadeen ama reeraha kale ha ahaadeene, Soomaaliya kuwa ay ka degi la\u2019dahay waa Qurba-joogga, Qurba-joogu waa jid ku soo degay dalka. Dadka Qurbaha kala yimid ISTAREESKA ee Gidaar walba Madaxweynaha ka sheeganayaa waa Qurba-joogga, markaa Suldaan Wabar oo ah saaxiibkay waxaan leeyahay waxani waxba kuu tari mayso\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey \u201cMadaxwaynaha iyo xukuumadda waxaan leeyahay tabashada Salaadiinta Maskaxda ku talisaysa ee wanaagga ku talinaysa ee dagaalku dhibaatada uu leeyahay garanaysa waa inuu la tashadaa oo uu la fadhiisto\u201d<\/h2>\n<h2>Boqor Buur-Madow, waxa kale\u00a0 oo uu ka hadlay dhawaaqii Xildhibaan Axmed-yaashiin Shekh Cali Ayaanle \u201cXildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waa nin qiimo badan oo nabadda in badan ka soo shaqeeyay, cabatinka uu ka cabanayo in la dhageysto waan la qabaa isaga oo kale, laakiin arrinka Suldaan Wabar maaha in xukuumaddu buun-buuniso, waayo maaha nin awood leh, maaha nin Itoobiya dhexdeeda wax ka samayn kara, waxay ahayd nimanka Qurbaha ka soo qaylinaya inay ku tusaale Qaataan Cali Khaliif Galaydh oo Madaxwayne loogu dhawaaqey waa kii Itoobiya galay, ee haddana Waatii Itoobiya maalin kaliya qadaadka ka qabatay, maanta wakaa Somaliland soo geli kari la\u2019 ee Jaamacadaha dibadda ka jeedinaya khudbadaha, markaa waxaan leeyahay odey geed hoostii fadhiyaa yaanu dadkan dhibaato gelinin\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey oo uu ku baaqey \u201cXukuumaddu iyadaa buun-buuninaysa WABAR, waa in ciddii wax tabanaysa shaqo loo abuuro, sida ardayda jaamacadaha ka soo baxay oo beel walba waxeeda hala isku miisaamo, laakiin ma noqonaysa inay hanjabaad wax ku fuliso ee \u00a0Madaxwaynuhu go\u2019aan haka soo saaro. Waxaan qabaa inaanu (Madaxwaynuhu) Xaaladdan go\u2019aan ka soo saari Karin, hadduu soo saarana go\u2019aan fuleynimo ah oo cid walba ku barareyso ama dhiiri-gelaysa in Suldaan walba baxo oo uu awood doono (Yaanu noqonin)\u2026haddii cid wax laga dhageysanayo ha la dhageysto Salaadiinta joogta ee nabadda ka talinaysa ee reer AWDAL ha la dhageysto oo wax ha lala wado, ninkana (Wabar) nin wax qaban kara\u201d<\/h2>\n<h2>Boqor Buur-Madow, waxa uu xukuumadda u soo jeediyay inay dadka isku hayso \u201cMadaxwayne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa waxa laga rabaa inay Somaliland isku hayaan oo ay ragganimo iyo adeyg isticmaalaan ama ay xilka iskaga deggaan, laakiin hadday noqdaan niman hanjabaad wax ku qabanaya taariikhdoodu way dhimanaysaa, Somaliland-na iskuma hayn karayaan\u201d ayuu yidhi, waxaanu sheegay inaan Itoobiya aanay dhibaato ku taageerayn Wabar \u201cItoobiya waa dawlad dano leh, waa dal Geeska Afrika nabadgalyadiisa ka shaqeynaya, waa dal aan jabhado ku kicinayn Somaliland, waa dal ixtiraamaya wada hadallada Soomaaliya, laakiin waxani (Mushaakilka Wabar) waa wax Qurba-joogu buun-buuninayo, waayo Suldaan Wabar toban qof oo ciidan ahna ma haysto, ama abuuri karo, annaguna colaad ma buun-buuninayno, waayo waxaanu ahayn Madax-dhaqameedkii is hor-taagay in SNM ku duusho Borama ee diiday in colaaddii dib loo soo kiciyo, maantana mowqifkayadii nabadda ahaa ayaanu ku taagan nahay. Laakiin waxay ahayd in dawladdu la hadasho saxaafadda iyo dadka Somaliland gudaheeda jooga ee Wabar buun-buuninaya oo ay wax ka qabato\u201d<\/h2>\n<h2>Boqor Cismaan, waxa uu sheegay inuu ka xun yahay In Telefiishanka Universal uu wareysto Suldaan Wabar \u201cUniversal Tv hore ayay xukuumadda iskugu dhaceen, kuma talinayo in la xidho, hasa-yeeshee waa inay u digtaa Universal, waayo nin god hoostii ku jira inay (wareystaan) ma ahayn, aad na waan uga xumahay, saaxiibkay Eng. Axmed-na (Mulkiilaha Universal Tv) aad baan uga tacsiyeynayaa, waxaanan leeyahay arrinkaa (Wareysiga Universal Tv ee Suldaan Wabar) yaanau dib ugu noqonin\u201dayuu yidhi, waxaanu intaasi ku sii daray inaan Guddoomiyayaasha WADDANI iyo UCID aanay ka shaqeynayn wax dhibaato ku ah Somaliland \u201cAnigu ma qabo in Cabdiraxmaan Cirro ka shaqeynayo wax qarannimada Somaliland waxyeelaya, Faysal Cali Waraabe-na mowqifkiisa waalla arkayey, ninka sharciga ah ee Guddoomiyaha UCID ahina waa isaga, aniguna labada Guddoomiye wax ka hooseeya oo rabshad wax ku doonayana anigu dhiiri-gelin maayo oo macno u yeeli maayo\u201d<\/h2>\n<h2>Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo booqashadii Faysal Cali Waraabe iyo Cali Gurey ku tageen Qori-lugud \u201cAnnagu waxaanu nahay beeshii ku tacabtay xisbiga KULMIYE, waxaanuna nahay beesha wax tirsiga badan, markaa Faysal Cali Waraabe waan ku amaanayaa sida uu uga hadlay iyo mowqifkiisa, iskuulkaa uu ka damqaday inuu wax ka qabanayana waan qabaa, waxaanan leeyahay annagu xisbi gaar ah uma xidhnin, ciddii deegaankayaga wax nagala qabaneysa ayaa noo cid ah, xukuumaddana aad iyo aad ayaanu u dhaliilaynaa , waayo wax alaale iyo wax ay deegaankayaga ka qabatey ma jirto, markaa Faysal iyo xisbiyada kaleba waanu soo dhaweynaynaa, cid gaar ah oo kooto nagu haysataana ma jirto. Annaga waxa noo sharaf ah inuu soo arko deegaankayagii la lahaa waalla janeeyay oo dhaqaalihii dalka ayaa loo xaday, deegaannada kalena waxba looma qabanin, markaa way fiicanayd in xisbigu halkaa, laakiin waxaaba taa ka sii weynayd in Cali Gurey soo arkay deegaankayaga oo uu noo garaabay\u201dayuu yidhi<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dubai\u00a0(AN) \u00a0Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-Madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Miisaanka leh ee Somaliland ayaa mar kale ka hadlay Qadiyadda Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar oo dhawaan sheegay inuu ka goostay Somaliland isla-markaana ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Gobolka AWDAL. Boqor Buur-Madow, waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqey inay arrinkaa go\u2019aan ka qaadato isla-markaana si gaar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":3261,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-3260","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-QA","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3260","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3260"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3260\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3260"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3260"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3260"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}