{"id":31415,"date":"2017-03-03T15:58:40","date_gmt":"2017-03-03T15:58:40","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=31415"},"modified":"2017-03-03T15:58:40","modified_gmt":"2017-03-03T15:58:40","slug":"xukumada-sland-oo-jawaab-adag-ka-bixisay-codsi-farmaajo-uu-kaga-dalbaday-sucuudiga-joojinta-saldhiga-milatari","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/03\/03\/xukumada-sland-oo-jawaab-adag-ka-bixisay-codsi-farmaajo-uu-kaga-dalbaday-sucuudiga-joojinta-saldhiga-milatari\/","title":{"rendered":"Xukumada S\/land oo Jawaab adag  ka bixisay Codsi Farmaajo uu kaga dalbaday Sucuudiga Joojinta Saldhiga Milatari"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay codsi la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyey dawladda Sucuudiga oo uu kaga dalbaday in ka qaybqaadato sidii Imaaraadku u joojin lahaa qorshihiisa uu saldhigga Millatari kaga samaysanayo madaarka diyaaradaha ee Berbera oo ay ka kiraysay xukuumadda Somaliland.<br \/>\nWasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Axmed Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in aanay cidina waxba yeeli karayn heshiisyada maalgashiga ah ee dhexmaray Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabta, isla markaana caalamku, gaar ahaan Imaaraadku ka dheregsanyahay xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo inay laba waddan oo kala madaxbannaan yihiin Soomaaliya.<br \/>\n\u201cImaaraadka Carabtu waa dal wayn oo madaxbannaan oo dhaqaale iyo cudud millatari leh oo ganacsiyada adduunka meel wayn kaga jira, maaha waddan caddaadis yar oo kaga yimi Soomaaliya uu wax kaga beddelayo mowqifkooda, Imaaraadka Carabtu aqoon bay u leedahay deegaannada Soomaalida, waxay taqaanaa Somaliland inay tahay waddan madaxbannaanidiisii la soo noqday oo 26 sanno gooni u taagnaa oo shaqaynaya oo leh dawlad, Baarlamaan, lacag, Baasaboor iyo wixii looga baahnaa dal madaxbannaanba leh, sidaas awgeed buu Imaaraadka Carabtu ula macaamilay.<br \/>\nMarkaa Sucuudiguna caddaadis saarimaayo, Imaaraadkuna waa waddan madaxbannaan oo dantiisa isagaa og, dawlad walbana danteeda ayaa wax kasta uga horreysa, hadday u aragto Somaliland inay berri dani ugu jirto aqoonsi ay siiso cidna kalama tashanayso ee way aqoonsan kartaa,\u201d ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Xaashi oo u warramay telefishanka madaxbannaan ee Bulshotv shalay, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, \u201cFarmaajo isagoon aanay weli dawladi u dhismin inta uu isku dayayo inuu iska hortaago Somaliland danaheeda, runtii horta waa inuu aqalkiisa hagaajisto, markaa yaanu noqonin islaantii xaabadda qaadi kariwayday ee haddana in kale isa saartay.\u201d<br \/>\nWaxa kaloo uu ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ku sheegay inuu geed dheer iyo mid gaabbanba uu u fuulayo sidii Somaliland ay mar labaad ula midoobi lahayd Soomaaliya, waxaannu yidhi, \u201cMadaxweyne kasta oo yimaada Soomaaliya wuxuu yidhaa midnimada Soomaaliya ayaan ka shaqaynayaa, taasina wax gacanta ugu jira maaha, waxa wanaagsan bal intay horta dib u fadhiistaan bal inay is waydiiyaan midnimadii Soomaaliya siday ku timi, waxay midnimadaasi ahayd midowgii dhexmaray labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ee ay kala gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.\u201d<br \/>\n\u201cSomaliland oo xornimadeeda qaadatay 26 June 1960-kii waxaanna markaa aqoonsaday 35 dal oo ay ku jiraan waddamada waawayn ee Maraykanka iyo Ruushku, waxay Somaliland ahayd dawlad madaxbannaan oo sidaa adduunku ku aqoonsaday, nasiib-darro dadkii markaa u talinayey Somaliland oo jibbo waddaninimo iyo Soomaaliwayn ay ku jirtay ayey ku tageen Soomaaliya, markaa waqtigaa rabitaankeenna ayeynu ku tagnay, iminkana rabitaankeenna ayeynu kula soo noqonay,\u201d ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiir-ku-xigeenka Madaxtooyada Somaliland.<\/p>\n<p>Related<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay codsi la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyey dawladda Sucuudiga oo uu kaga dalbaday in ka qaybqaadato sidii Imaaraadku u joojin lahaa qorshihiisa uu saldhigga Millatari kaga samaysanayo madaarka diyaaradaha ee Berbera oo ay ka kiraysay xukuumadda Somaliland. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Axmed Xaashi Cabdi, ayaa sheegay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":31416,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-31415","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/03\/sland.png?fit=225%2C225&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-8aH","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31415","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=31415"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31415\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":31417,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31415\/revisions\/31417"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/31416"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=31415"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=31415"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=31415"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}